iyadoo Dagmadda Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud Ay Gogal Maamul Dhigeen Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljameeca ayaa waxaa Halkaasi ku sii qul-qulaya odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda gobolada dhexe ee dalka.
Dagmadda Cabudwaaq ee gobolka galgaduud ayaa maanta Oo Khamiis ah la filayaa iney ka ambabaxaan Ergo ay marti qaad usaameeyeen Maamulka gacanta ku haya dhuusamareeb ee Ahlusunna.
ilo xog Ogaal ah ayaa All-galgaduud Xafiiskedda Cabudwaaq u xaqiijiyay ergada Ka Tirsan Beesha Sade Ee maanta aadaysa dhuusamareeb si ay oga qeybgalaan maamul Ay yeeshaan Gobolada dhexe Kaas oo dhismihiisa ay ku dhawaaqday Ahlusunna waljameeca.
Waxaa jirra dad kala duwan oo Xaquuqdooddii lagu duudsiiyay Maamulka Laga dhisayo Cadaado, Iyadoonna Ahlusunna ay sheegtay iney arintaasi ku dhalisay iney dadka daga gobolada dhexe usameyso maamul ay iyagu xor uyihiin.
Mid kamid ah isimadda ayaa qiray in Dhawaan uu dhuusamareeb ka furmi doonno shir weynaha looga tashanayo aayaha Dadka daga gobolada dhexe waxaanna Hogaanka uheysa Ahlusunna waljameeca Oo Kol Hore Dagaallo Culus, Ciidamada dowladda ogala wareegtay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel Oo Kawada Tirsan Gobolka Galgaduud,
Si kastaba ha ahaatee Lama oga Saameynta ay ergada Beesha Sade Ku Yeelan doonaan Shirka Cadaado Hadii ay qeyb Ka Noqdaan Maamulka Ahlusunna ay ka dhisayso Dhuusamareeb,
La soco faah faahinta,
All-Galgaduud Media.
Xafiiska Cabudwaaq.