Wararka ayaa Tilmaamaya in isla shalay ay ku Ekeeyd qabashada Araajida dadka doonaya in ay Qabtaan Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug iyo Kuxigeenadiisa.
Dhanka kale waxaa degmada Cadaado gaaray Diyaarad Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya ay u dirtay in ay soo qaadaan Ergadii soo Xulay Baarlamaanka Cusub ee Galmudug.
Ergooyinka Qaar ayaa ka Cabanayay in aysan helin wax Xaquuq ah Mudadii ay joogeen Magaalada Cadadao islamarkaana ay Xukumadda Soomaaliya ka sigayaan in xaquuqdooda la siiyo.