Madaxweynaha Dowlada Fedeaalka Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed iney ka shaqeeyaa midnimada Shacabka Soomaaliyeed meel walbo oo ay dunida ka joogaan.
Madaxweynaha ayaa sidoo sheegay in xilligaan ay muhiim tahay in meel loogu soo wada jeesto sidii shacabka soomaaliyeed hormarkooda loogu shaqeyn lahaa.
Waxa uu xusay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ku dadaleyso arrintaasi balse Shacabka Soomaaliyeed loogu baahan yahay in ay is xil qaamaan oo ay ka shaqeeyaan midnimadaasi.
Madaxweynaha Dowlada Fedeaalka Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib markii uu Xalay Magaalada Muqdisho ugu qeyb galay Munaasabada 26 Juun.