Waxaan tacsi tiiranyo leh ka dirayaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Cabdulqaadir Xaaji Maxamed Masalle oo maanta oo ay taariikhdu tahay 25/06/15 ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Marxuum Cabdulqaadir Xaaji Maxamed Masalle waxuu xilal sare oo kala duwan ka soo qabtay dalka Soomaaliya ummadda Somaaliyeedna waxbadan ayuu usoo qabtay, waxa uuna kamid aaa dadka sida aadka a loo qadarin jiray, waxaan uga tacsiyadeeynayaa dhammaan shacbiga Soomaliyeed iyo qaraabada iyo ehelda uu ka baxay gaar ahaan qoyska reer Xaaji Maxamed (Reer Xaaji Masale), Marxuumkana waxaan Allaha weyn uga baryayaa in Janatul Fardowsa ka waraabiyo Naxariistiisana siiyo.Aamiin Aamiin Aamiin
Cabdullahi Jimcaale Dhegadheere.
Gudoomiyihi Hore Ee Galjubba
London, UK