TACSI:Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo uga tacsiyeeyey qoyska reer Xaaji Maxamed Masalle, geeridii Marxuum C/qaadir Xaaji M. Masalle.

0

Ugaaska Beesha Sade, Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi iyo marwadiisa Sahro Sh. Axmed Maxamed, ayaa ka tacsiyeeysay geeridii ku timid allaha u naxariistee Marxuum C/qaadir Xaaji Maxamed Masale oo maanta ku geeriyooday London, waxana ay eebe uga rajeeyeen marxuumka in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo ehelkii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Ugaaska ayaa si qoto dheer uga waramay taariikhda quruxda badan ee leeyahay maruxuum C/qaadir, wuxuna xusay muddo dheer in ay is yaqaaneen marxuumka geeriyooda isla markaana uu ku tilmaami karo shaqsi dabeecadda wanaagsan.

“Waxaan halkan tacsi uga dirayaa Marxuum C/qaadir Xaaji Maxamed Masalle oo ahaa qof wadani ah oo leh sharaf karaamo lama ilaawaan ah oo ay ku timid geeri naxdin leh inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun waxaan uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid dhamaan shacbiga soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo dal iyo dibad, gaar ahaan qoyska marxuumka. waxaan leeyahay ma dhinte waa ilaahey ee dhamaanteen samir iyo iimaan rabi ha inaga siiyo isagana janadii fardowza aheyd rabi ha ugu bishaareeyo”ayuu yiri Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi.

Ugaaska ayaa sheegay mudadii uu dalka joogay marxuumku in uu qaranka usoo adeegay isla markaana soo qabtay jagooyin dhowr ah, isagoo kamid ahaa saraakiishii ugu horeeyey ee hormuudka u ahaa curashadii Kacaanka.Sidoo kalana soo noqday Guddoomiyihii xafiska siyaasadda, Guddoomiyaha hoggaanka abaabulka Kacaanka oo muddo dheer uu hayay. Kaaliyihii xoghayaha guud ee kacaanka Wasiirka arrimaha gudaha, Guddoomiye hoggaan ee baarlamaanka iyo jagooyin badan oo halkan lagu soo koobi Karin. Sidaas darteed waxaan uga tacsiyeynayaa qaranka Soomaaliyeed, sidoo kale waxaan u tacsiyeynayaa dhamaan qosykii gaar ahan reer xaaji Maxamed