Ugu yaraan shan ka mid ah Suxufiyiintii Idaacadaha Shabelle iyo SKY ee Magaalada Muqdisho, ayaa magangelyo ka helay dalka Talyaaniga, ka dib muddo sideed bilood ku dhow oo Muqdisho, ay ku xirnaayen.
Suxufiyiintan, ayaa waxaa xabsiga loo taxaabay 15-kii bishii August, iyadoona dib ay xoriyadoodu u helayn 2-dii bishii March, waxaana xarigooda lagu macneeyay mid ay siyaasadeysay Dowladda Federalka Somaliya.
Suxufiyiintan, ayaa si fudud ku gaaray dalka Talyaaniga. Saddex toddobaad ka hor ayay ka amba baxeen Magaalada Muqdisho, iyagoona muddo laba toddobaad ka badan ku sugnaa Magaalada Kampala ee Xarunta Uganda. Safaaradda Talyaaniga ee Kampala, ayaa siisay dal ku galka ay ku gaareen Magaalada Roma.
Jimcaha maanta ah, ayaa waxaa lagu wadaa inay hortaggaan Xarunta Baarlamaanka Talyaaniga ee Roma, halkaasoo la fillaayo inay hadalo ka jeediyan, iyagoona ka warami doono wixii ay kala kulmeen Dowladda Federalka.
Shukri Saciid oo ah Suxufiyad Somaliyeed, kuna nool dalkaasi, ayaa gacan weyn ka gaysatay, sidii Suxufiyiintaasi ay ku gaari laheyd Talyaaniga, iyadoo kaashanaysa Ururka Suxufiyiinta Caalamiga ah ee Talyaaniga.
Shukri waxay horey gacan kaga gaysatay, dalka Talyaaniga oo loo qaaday Suxufiyiin lagu dhibaateeyay Magaalada Muqdisho, si ay u hellaan nolol dhaanta midda Muqdisho ka jirta.