Dowlada Mareykanka ayaa ka hadashay weeraro qasaaro badan geystay oo ka dhacay dalalka Soomaaliya, France, Kuwait iyo Tunisia, waxaana weeraradaasi lagu sheegay kuwo waxuushnimo ah.
Mareykanka ayaa sheegay in daraasiin dad rayid ah lagu dilay weeraradii ka dhacay Faransiiska, Tunisia iyo Kuwait, laakiin weerarkii Soomaaliya ayaa lala eegtay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi, sida warbixinta lagu sheegay.
War qoraal ah oo kasoo baxay dowlada Mareykanka ayaa ugu horeyn tacsi loogu diray ehelada dadki ay ku geeriyooday weeraradii shalay ka dhacay afar wadan oo ku yaala Yurub iyo Africa.
Warbixinta ayaa lagu sheegay iney ka walaacsan yihiin weerarada dadka badan ay ku dhinteen, ayna garab istaagi doonaan dadka iyo dowladaha ka dhisan dalalka France, Tunisia, Kuwait iyo Soomaaliya.
Sidoo kale warbixinta waxa alagu xaqiijiyay in Mareykanka uu doorweyn ka ciyaari doono sidii looga hortagi lahaa weerarada kooxa kala duwan ay ka geysanayaan dalalka ku yaala Africa.
Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkii shalay ka dhacay deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo weerar ku galeen saldhig ciidamada Burundi ay ku lahaayeen deegaankaas.