TOP NEWS:- Lix dhalinyaro Soomaali ah oo Kenya lagu xiray iyo Dambiyo loo heysto..

0

Lix ruux oo Soomaali ah ayaa xalay ciidamada Kenya waxay ku xireen magaalada Galbeedka ah ee Kakamega ee dalka Kenya, kadib markii dadka deegaanka oo ka shakiyay ku wargiliyeen ciidamada amaanka ee deegaankaasi.

Taliyaha ciidamada booliska gobolka lagu xiray dhalinyarada Soomaaliyeed Moses Ombato, ayaa sheegay in lixda ruux ee Soomaalida ay baaritaano ku socdaan sida uu sheegayna la qabtay iyaga oo aan heysan wax cadeymo muujinaya iney Kenya joogi karaan.

“Waxaan helnay xog noo horseeday inaan xirnaa, ma aysan heysan wax Document cadeynaya waxay yihiin waxaana warbixinta ka helnay dadweynaha, ciidamadeena feejignaan dheeri ah ayay ku jiraan, si qataraha amaanka looga hortago”ayuu yiri taliyaha ciidamada booliska deegaanka Kakamega.

Saraakiisha ciidamada deegaanka Kakamega ayaa dhankooda xaqiijiyay xeritaanta dhalinyarada Soomaaliyeed, iyagoo sheegay in dalka Kenya uu feejignaan kaga jiro weeraro kaga yimaado Alshabaab oo marar badan ku hanjabay iney kordhin doonaan weerarada ay ka geystaan dalka Kenya.

Alshabaab ayaa ku hanjabay iney kordhin doonaan weeraradooda inta lagu gudo jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana Alshabaab ay weeraro ka geysteen deegaanka Leego oo ay ku dileen askar badan oo u dhalatay dalka Burundi.