Faahfaahin: Al Shabaab Oo Xalay La Wareegay Gacan Ku Haynta Akadamiyadda Magaalada Kismaayo.

0

Ururka Al Shabaab ayaa waxay caweysnimadii xalay ay weerar culus ku qaadeen Xaruntii Akadamiyadda Kismaayo oo qiyaastii 9km u jirta Xarunta Madaxtooyada Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidan xoogan oo ku sugnaa Akadamiyadda Kismaayo ayaa waxaa Axadii shalay loo ka xeeyay Deegaanka Buulo Gaduud, oo qiyaastii 29km dhinaca waqooyi kaga toosan Magaalada Kismaayo, iyadoona looga tagey ilaa 100 askari.

Dagaalka oo bilowday 10-kii caweysnimo, ayaa soo gaaray 1-dii habeenimo, waxaana si buuxdo halkaasi ula wareegay mintidiinta Al Shabaab, ka dib dagaal hubka noocyadiisa kala gedisan leesku adeegsaday.

Falaagada Shabaabka, ayaa sidoo kale waxay dagaalka ku qabsadeen hub fara badan oo ay lahaayen Maleeshiyada Raaskambooni. halka maleeshiyada Raaskambooni looga dilay dhoowr iyo toban 5 kalena  nolol ay kuxeysteen.

Dadka deegaanka, ayaa waxaa saamayn weyn ku yeeshay dagaalka, waxaana jira dad rayid ah oo rasaastu ay guryahoodu ugu tagtey, waxyeelo kala duwana ay ka soo gaartay.

Xarunta Akadamiyadda Kismaayo, ayaa waxaa lagu tababari jiray Ciidankii Militariga Ee Dowladdii Dhexe Somaliya, iyadoo muddooyinkan dambena ay deganaayen Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Bishan Ramadan, ayaa waxaa dalka laga dareemay in argagaxisadu, ay xoojisay weeraraada ay dalka ka wadaan, iyadoo dadkuna ay si weyn u hadalhayan weeraradaasi. Dadka qaar waxayba ku sheekaysanayan inay xoogeysatay awooddii Shabaab.