Wasiirkii hore Wasaaradda Arrimaha Garsoorka iyo Dastuurka Somaliya, Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, ayaa waxa uu iska diiday in lagu soo daro Golaha Wasiirada Xukuumadda Somaliya.
Muddooyinkanba waxaa socday qorshe uu Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, uu ku doonaayay in isku shaandhayn uu ugu soo sameeyo Golahiisa Wasiirada, iyadoona la suggaayay Faarax Sheekh C/qaadir oo safar dibadda ah ku maqnaa, dibna toddobadkii hore ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.
Faarax Sheekh C/qaadir, ayaa toddobadkan waxay Madaxtooyada Somaliya isku arkayn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid, waxaana kulan ay yeesheen loogu soo bandhigay in dib markale loogu soo daro Golaha Wasiirada.
Faarax waxaa la hordhigay qiyaarkiisa inuu kala doorto in loo magacaabo Wasaaraddii uu horey kaga soo shaqeeyay ee Garsoorka/Cadaaladda, haddii kalana uu aqbalo in loo magacaabo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyadoo markaasi isku shaandhaynta ay saamayn ku yeelanayso Wasiirka iminka ku magacaaban Wasaaradda Arrimaha Dibadda, C/salaan Hadliye Cumar.
Ilo muhiim ah, ayaa ku waramaaya in Faarax uu Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhuba ku gacansayray xilalka loo soo bandhigay, isagoona muujiyay sida aanu xilligan diyaarka ugu ahayn in marlale uu ka soo muuqdo Golaha Wasiirada.
Xubno ku dhow dhow Faarax, ayaa xaqiijiyay inaanu doonayn in laga dhex arko Golaha Wasiirada, qorshahiisuna uu yahay inuu isku diyaariyo tartanka doorashada madaxtinimada dalka ee sanadka 2016-ka.
Toddobaadyadanba waxaa si weyn Magaalada Muqdisho looga hadalhaayay kolka isku shaandhaynta lagu sameeyo Golaha Wasiirada, in lagu dhex arki doono Faarax Sheekh C/qaadir, oo mar soo noqday Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Somaliya.
Faarax waxa uu horaantii sanadkan uu sidoo kale iska diiday in loo magacaabo Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka. Hadalhaynta ugu badan, ayaa markaasi noqotay in Faarax uu ka soo muuqan doono laamaha ammaanka.
Faarax waxaa lagu tiriyaa shakhsiyaadka ku dhow dhow Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana la tilmaamaa inay saaxiibo yihiin muddo fog, arrimo badana ay ka soo wada shaqeeyen, ka hor inta aanu Xasan Sheekh noqon Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya.
Dadka aqoonta u leh Faarax, ayaa kolka ay ka waramayan waxay ku sifeeyan nin aqoonyahan ah, waxqabad badan, dulqaad leh, af gaaban, markastana oogga Salaadda iyo akhriska Qur’aanka Kariimka.
Somaliya waxaa sanadka soo socdo lagu wadaa inay ka qabsoomto doorasho xalaal ah (One man one vote), waxayna dadka Somaliyeed rabitaankoodu xorta ah ku soo dooran doonaan shakhsiga, ay u arkaan inuu dalka iyo dadkuba hogaamin karo.