TOOS U DHAGEYSO: C/risaaq Cumar Maxamed “Hey’addaha Amnigu way hayeen xogta qarax baabuur oo Wada Maka Al-Mukarama ku sugnaa”.

0

Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ay si deg deg ah uga jawaabeen weeraradii xalay lagu qaaday labo Hotel ku yaal magaalada Muqdisho, isagoo xusay in Hey’addaha Ammaanka ay heleen xogta baabuur waxyaabaha qarax laga soo buuxiyay oo wareegayay Wadada Maka Al-Mukarama.

“Ciidamada Nabadsugida 10 daqiiqo ka hor waxay heleen xog sheegeysa baabuur qarax wada inuu jidka Maka Al-Mukarama uu marayo, iyadoo baabuurka lagu daba jiro oo ay raadinayaan, markii ay marayeen hotel wehliye inuu qaraxa dhacay, ciidamadana ay durba hotelka galeen, banaanka lagu dilay alshabaabkii soo weeraray”ayuu yiri Wasiirka Amniga oo la hadlayay Idaacada VOA.

Wasiirka ayaa sheegay in aysan is laheyn khasaaraha weerarka iyo sida weerarkaas loo soo abaabulay, maadaama labo hotel waqtiyo isku dhow la weeraray, waxaana uu xusay in ciidamada oo heegan ku jira ay durba ka jawaabeen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Hotelka Wehliye ay ciidamada ku soo afjareen muddo ku dhow hal saac, halka weerarka Hotel Siyaad oo ku dhow Madaxtooyada muddo qaatay, balse markii dambe ciidamada gaarka u tababaran ay toogteen dhamaan kooxihii weerarka soo qaaday.

Wasiirka ayaa sheegay inay wali habacsanaan ka jirto amniga Hotelada, isla markaana saddex bilood ka hor ay soo bandhigeen qorshe cad oo lagu sugayo Ammaanka, waxaana uu ammaan u jeediyay Ciidamada Ammaanka, sida ay uga fal celiyeen markii uu dhacay weerarka.

“Ciidamada Ammaanka waa u mahad celiyay sida deg degta aheyd ee ay uga jawaabeen, ma jirto wax khasaare ah oo shacab soo gaaray”ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa sheegay in 12 ka mid ah kooxihii hubeysnaa lagu dilay labada hotel, waxaana uu tilmaamay in iyagoo adeegsanaya baabuur qarax ay ku soo weerareen Hotelada xilligii loo fadhiyay Afurka.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay weerarkan mas’uul ka aheyd, waxaana uu ahaa weerarkii ugu cuslaa oo magaalada Muqdisho ka dhaco tan iyo bilowgii bisha Ramadaan.