Shirkan jaraaid oo ay si wadajir ah ugu qabteen Hoteelka Siyaad ee Magaalada Muqdisho oo ay Weerar ku soo qaadeen Ururka Al-Shabaab ayaa guddoomiyaha Hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad, iyo Afhayeenka Hay’adaasi Sheekh Nuur Baaruud ayaa waxay si kulul kaga hadleen Weeraradii AL-Shabaab ay ku qaadeen hotelo ku yaalla Magalada Muqdisho.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan Afhayeenka Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in fikirka khawaarijta Shabaab uu yahay feker ka duwan Diinteena suuban ee Islaamka, waxaana u shacaka ugu baaqay inay hal meel uga soo wada jeestaan.
Waxa uu tacsi u diray tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed, intii wax ku noqotay weerarkii xalay, isagoo xusay in ujeedka argagixisada ah Al-Shabaab ay tahay in ay ka been sheegaan diinta Islaamka.
“Masaajidkii lagu aamaan heli lahaa, Salaadii lagu amaan heli lahaa, dhamamaan munaasabadihii Alle uu jeclaa oo amaanka sugnaanta iyo dartiibta loogu talagalay nimanka argagax iyo cabsida ku badalaya, waa niman diinta Islaamka lid-ku ah shareecada lid ku ah runtii nimaankaas nasiib xumo ayaa haysata, waxkasta oo wanaag ah laguna galayo janada ilaahay masaajida ilaahay dadka dukanayey in la tageero kuwa cabsi galinaya waaye”