TOP DHAGEYSO : Reysulwasaare Cumar Oo Galabta Lagu Soo Dhaweeyay Garowe, Kana Sheegay……

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta casar liiqii soo gaaray magalo madaxda Puntland ee Garowe.

Cumar Cabdirashiid waxaa garoonka diyaaradaha Garowe kusoo dhaweeyay madaxwayne Cabdiwali Cali Gaas, qaar ka mid ah wasiiradda iyo dad kooban, waxana loo galbiyay aqalka madaxtooyadda.

Madaxwaynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Cali Gaas iyo Reysulwasaaraha Dowladda fedraalka ah ee somaliya oo si wadajir ah saxaafadda ula hadlay ayaa ka warbixiyay waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan.

RW Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke Oo Goobta ka hadlay ayaa sheegay in socdaalkiisa uu ku saabsan yahay wadatashi la xariira ka hadalka arrimaha DF iyo Puntland maadama uusan wanagsanayn wada shaqaynta labada dhinac.

imaanshaha Garowe ee RW. Cumar ayaa ku soo aadaya xilli Dhawaan uu garowe yimid Hogaamiyaha Maleeshiyadda Raaskanbooni Axmed Madoobe, Oo Wada hadallo ka dhan ah Xasan sheikh iyo maamulka Cadaado ka waday magaaladaasi.

Hoos ka dhageyso Shirkooda Jaraa’id.