Kadib 2-2 ay ku dhamaatay 90-kii daqiiqo ee ciyaarta Manchester City ayaa rigoorayaal 4-5 waxaa ay ugu adkaatay kooxda Roma ee Taliyaaniga.
Ciyaartan oo ka dhacday Mareykan waxaa rageeyay wiilka cusub ee Raheem Sterling waxaana uu muujiyay inuu u qalmo lacagaha qaaliga ee lagu soo iibsaday.
Gambiskiisii ugu horeeyay waa uu ku dhacay xiddiga England.
137 ilbiriqsi ayey ku qaadatay inuu goolkiisii ugu horeeyay u dhaliyo City wallow uu shan daqiiqo kadib uu bar bareerayay Pjanic.
Kelechi ayaa 51 daqiiqo City u dhaliyay goolka labaad waxaana ka bar bareyay 87 daqiiqo Ljajic.
Rigoora Tuurka ayaa u dhacay sidan
Yaya Toure (Man City) – waa uu dhaliyay
Radja Nainggolan (Roma) – waa uu dhaliyay
Aleksandar Kolarov (Man City) – waa laga qabtay
Adem Ljajic (Roma) – waa uu dhaliyay
Jesus Navas (Man City) – waa uu dhaliyay
Mattia Destro (Roma) – waa uu dhaliyay
Marcos Lopes (Man City) – waa uu dhaliyay
Iago Falque (Roma) – waa uu dhaliyay
Joe Hart (Man City) – waa uu dhaliyay
Seydou Doumbia (Roma) – waalaga qabtay
James Horsfield (Man City) – waa uu dhaliyay
Seydou Keita (Roma) – waa laga qabtay
Safafka labada dhinac u ciyaaray
ROMA: De Sanctis; Florenzi, Manolas, Romagnoli, Torosidis; Ucan, Pjanic, De Rossi; Iturbe, Totti, Gervinho.
MAN CITY: Caballero (Hart 46); Sagna (Horsfield 46), Kompany (Evans 82), Mangala (Denayer 46), Clichy (Kolarov 46); Garcia (Lopes 46), Fernando (Nasri 46), Zuculini (Toure 46); Sterling (Navas 46), Kelechi (Unal 73), Silva (Barker 46).