TOP DHAGEYSO WAREYSI:- Maamulka Caabudwaaq oo Beeniyay inay ka baxeen Magaladaasi Markii shalay ay gaareen saldhiga Degmadaasi Ciidamo Ka tirsan Ahlusuuna

0

Gudoomiyaha degmada Caabudwaaq C/risaaq Xassan Cawl oo Maanta Shir Jaraa’id Ku Qaabtay degmada ayaaa ka warbixiyay Xaalada Degmada iyo Ciidamadii shalay soo garay Saldhiga Degmada Caabudwaaq.

Gudoomiyaha Ayaa been abuur ku tilmaamay warar sheegaya in maamulkiisa uu isaga baxay degmada kadib imaashiyihii Ciidamda Ahlusuna ee Saldhiga degmadaasi Soo Gaaray Maalin nimadii Shalay.

Gudoomiyaha aya tilmaamay in ay shalay yimaadeen Saldhiga Niman Ka tirsan Culimadaa waxaasi ku tilmaamay inay ahaayeen kuwa deegaanka isagoo xusay in Saldhiga ay haatan joogaan Ciidamadii hore ee Booliiska degmada.

hadalka Gudoomiyaha ayaa imaanaya Xili maalinamadii shalay ay saldhigaasi Tageen ciidamo ka tirsan Culimada Ahlusuna kuwaasi oo la sheegay inuu Hogaaaminayay Madaxwayne ku xigeenka Maamulka Gobolada dhixe ee looga dhawaaqay Magaalad Dhuusamareeb Sh. Xassan Gaboobe.

Waxaana imaatinka Caabudwaaq ee Ahlusunna uu ka dambeeyay 19.kii Bishan Si goos goosa u dhexmarayay Ciidamada Daawlada iyo kuwo ka tirsan maamulka Ahlusunna ku waasi oo dhaliyay qasaaro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinac yadaasi iyo dad rayid ah.

Hoos ka dhageyso: