TOP DHAGEYSO WAREYSI XASAASI AH:- Sh Maxamed shaakir ” Ciidamadda Ethopia Ima Xirin “

0

Madaxweynaha Maamulka G/Dhexe Ee Ahlusunno Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan oo Wareysi Siiyay  Shabakadda All-galgaduud Media Ayaa beeniyay warar baryahan la isla dhexmarayay oo ah in Madaxweynaha Ay xireen Ciidamo katirsan Kuwo Ethopia.

Sh. maxamed Shakaair Cali Xasan Ayaa sheegay in ayaa sheegay in arintaasi ay tahay mid aan sal iyo raad laheyn isga oo sheegay in arintaasi ay fidiyeen dad uu sheegay in ay ka soo horjeedaan Danaha Maamulka Ahlusunno .

Dhinaca kale Sh. Maxamed Shaakir Ayaan wax ka weeydiinay warar soo baxaya oo sheegaya in Wafdi ka socdo Urur Goboleedka IGAD iyo Madaxweynaha Guuleed ay ku wajahanyihiin Magaalada Dhuusamareeb isga oo sheegay in arintaasi ay tahay mid aan wax kajirin.

Ugu danbeeyntii Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan madaxweynaha Ahlusnno Ee Dhowaan lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in aanu wax wadahadal ah lagali doonin Maamulka Gal-Mudug Ee Dhowaan lagu dhisay Magaalada Cadaado.

Hoos ka dhageeyso Wareeysiga Sh. maxamed Shaakir: