Warmurtiyeed kan ka soo baxay Goor dhaw Golaha Amniga iyo wadatashiga Degmada Caabudwaaq ayaa yimid kulamo gudiga ay kulahaa yeen maal mahan Dugsig Shire Jaamac ee Degmada Cabudwaaq.
Kadib markii Gudigu uu isla faln qeeyay marxaala daaha waqtigaan ka taagan Gobolka Galgaduud iyo siyaadasaha iska soo horjeeda, markuu gudigu darsay saamaynta ay deegaanka u keentay xiisadii dhawan ka dhacay deegaano hoos yimaada Degmada Caabudwaaq iyo Degmada Bangeele iyo warkii been abuurka ahaa oo ay Ururka Ahlusunna ku sheegatay inay kula wareegtay Saldhiga degmada warkaasi oo ay faafiyeen qaar kamid ah Warbaahinta Gudaha iyo Dibada Waxaa uu gudigu u fariistay kulan looga tashanayay amuurahaas.
Gudigaa ayaa kadib kulamadoodii waxaa uu soo sooray Maanta warmurtiyeed lagu qeexay waxyaabaha ka soo baxay kulamadii ay ku lahaayeen Degmada Waraaxa warmurtiyeedka oo ka koobnaa Dhawr qodob lagu yiri Sidatan.
1- in Gudigaan amniga ee loo qabtay in ay sugaan Nabada iyo Amaanka deegaankaan Degmada Caabudwaaq ay la wareegaan Hawshooda sida ugu dhaqsiiyaha badan.
2- in Magaalada Caabudwaaq ay xor tahay cid qabsatayna aysan jirin cidii sheegatayna ay been ka sheegtay tahayna mid dulmi doon ah cid qabsan kartana aysan jirin,
3- in Siyaasadaha iska horimaanaya ee ka jira Gobolka aysan saameyn ku yeelaan deegaankaan oo ka nabad ah dadka deegaankuna ay ka digtoonaadaan.
4- in Gudigu ka madaxbanaan yahay siyaasadahaas iska horimaanaya ee ka jira Gobolka.
Waxaa Warmurtiyeeka lagu soo gabagabeeyey Baaq loo jeedinayo Ummada ku noo Gobolka Waxaana loogu baaqay in waxii jira lagu xaliyo wada hadal ee aan awood la isticmaalin.