Ciidamada Dowladda Federaalka oo Kaa shanaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shalay la wareegay gacan ku haynta Degmada ISaraatiijiga ah ee Baardheere,halkaas oo ay Maamulayeen Xarakada Al-shabaab todobadii Sano ee lasoo dhaafay.
Al-shabaab oo Baardheere qabsaday 1/8/2008 dii ayaa shalay oo ay taariikhdu ku beegneyd 22/7/2015 lagala wareegay Gacan ku haynta Degmadani Baardheere.
Baardheere waa Magaalo Caynkee ah:-
Degmada Baardheere waxay dhacdaa Koonfurta Fog ee Gobolka Gedo,waa Magaalada ugu weyn uguna dadka badan Gobolka Gedo,Qiyaas ahaan waxaa la sheegaa ineey ku noolyihiin ku dhawaad 200,000 oo qof waxay Magaalada Muqdisho kaga beegantahay dhinaca Koonfur Galbeed 450KM, Sidoo kale waa Degmada labaad ee Ugu weyn Degmooyinka Gobolada Jubba Marka laga Sootago Magaalo Xeebeedka Kismaayo.
Baardheere waxay leedahay Nimcooyin kala duwan oo eebe ku maneystay waxaana kamid ah Wax soosaarka Beeraha iyo dhaqashada Xoolaha Nool.
Degmada waxaa dhexmara Wabi weynaha Jubba oo u kala qeybiya labo jiho oo kala ah Bari iyo Galbeed, waana halka ay kala saldhigteen Labada Ciidan ee kawada tirsan AMISOM ee ka kala socda Dalalka Itoobiya iyo Kenya ee qabashada Degmadan iska kaa shanayay.
Dhinaca Bari oo ah halka ay Magaalada u weyntahay Suuqyada Degmada iyo Xarumo muhiim ah oo ay kamid yihiin Airportka Degmada,Xarunta ADC,Xarunta Degmada iyo Saldhigga Degmada intuba waxa ay ku yaalaan Bariga Magaalada waana halka ay saldhigteen Huwantii Duulaanka Baardheere kaga Sooqaaday Dhinaca Bay, halka Ciidamada Kenya iyo Maleyshiyaadka La socdane ay Saldhigteen Jihada Galbeed ee Degmada oo wax xarun Dowladeed ahba ay kaga taalo Xarunta Muuri oo ah Madaxtooadii Degmada,taas oo qiyaas ahaan Magaalada u jirta 4km.
Kadib Duulaankii lagu qabsaday Baardheere ee looga saaray Al-shabaab ayaa waxaa Warbaahinada Qaar la hadlay Masuulyiiin ka tirsan Maamulka KMG ah ee Jubba ee kismaayo xaruntiisu tahay,iyagoo warbaahinta ka sheegay in cidamada la wareegay Degmada Baardheere ay qeyb kayihiin Ciidamo hoostaga Maamulkooda,balse Saraakiisha hogaamineysay hawl-galkani baardheere lagula wareegay ayaa gaashaanka u daruuray warka kasooyeeray Maamulka Jubba iyagoo hoosta ka xariiqay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed “SNA” iyo Ciidamada AMISOM ay la wareegeen Degmadan istaraatiijiga ah.
Sidee loo arkaa Qabsashada Degmadani:-
La wareegitaanka Degmadani Baardheere ayaa Siyaabo kala duwan loo arkaa waxayse aragtida ugu badani tilmaameysaa in qabasahda Degmadani ay kusoo aaday Xilli Muhiim ah oo ay Gobolada Jubba ee ay Degmadani Bud-dhigaha u tahay ay ka jiraan Siyaasado isdiidan taas oo la rumeysan yahay in ay wax kabadali karto qabsashadeda Siyaasada Jihawareersan ee Labadii sano ee lasoo dhaafay lagu hagayay Gobolada Jubaland.
Maamulka KMG ah ee Jubba Faa’ido ma ugu jirtaa Qabsashada Degmadani:-
Marka Taxliil Miyirsan lagu sameeyo sida ay u arkaan Maamulayaasha Kismaayo iyo Madaxda Maamulka KMG ah ee Jubba Qabashada Baardheere ayey u arkaan Guuldarro Siyaasadeed oo soo wajahday bacdamaa Maamulkooda oo kismaayo ku kooban ay hadda ku furantahay Dhabbo toobiye ah oo ay sahlantahay in lagaaro Magaalada xarunta u ah ayna ka dhalato in awooda ciidan ee iminka Baardheere ku sugan ay u jiheysato halkaasi taas oo gabi ahaanba liddi ku ah Hogaamiyayaasha Jubba oo lagu eedeeyo ineey doonayaan in Si Awood Muquunin ah ay Deeganadaas ku xukumaan.
Mar hadii Ciidamada ku sugan Iminka Baardheere ay gaareen Magaalo loo arkayay ineysan sahlaneyn gaaritaankeed,waxaa u fudud ineey si sahlan u dhexmaraan Gobolka Jubada Dhexe ama ugu yaraan Xarunta Gobolkaasi ee Bu’aale oo qorshuhu yahay ineey noqoto Xarunta Dowlad Goboleed ay ku mideysanyihiin Sadexda Gobo lee Jubba, hadii ay dhacdo ineey gaaraan Bu’aalane ma muuqaneyso sabab uu u sii jiro Maamulka intabadan la mucaaradsanyahay ee Kismaayo ka arimiya.
Yey Guul u tahay Qabashada Baardheere:-
Baardheere qabashadeeda waxay guul siyaasadeed iyo mid militiriba u tahay guud ahaan dadkii mucaaradsanaa Maamulka KMG ah ee Jubba ee kismaayo ka arimiya,oo ay hormuud u yihiin Qaban-qaabiyaashii iyo Hawl-wadeenadii Shirkii Midnimo ee Kalhore kusoo xirmay Magaalo Madaxda Gobolka Gedo ee Garbaharay,iyagoo durbaba ku dhawaaqay in gogol shir dib u heshiisiineed ay ka fidinayaan Baardheere taas oo ay sheegeen ineey isugu keenayaan Guud ahaan Beelaha Wada dagan Gobolada Jubbaland.
Sidoo kale Beelaha dagan Gobolada Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose ee kazoo horjeeday Maamulka KMG ah ee Kismaayo ayaa dhinacooda u arka naafweyn oo kazoo fuqday ama Culeys siyaasadeed iyo mid militiri oo ay kaga hortagi karaan Maamul ay u arkayeen inuu xoog ku haysto ayaa dhinacooda guul usoo hoyatay u arka lawareegitaanka Baardheere.
Istaraatiijiyad ahaan maxay ka dhigantahay qabashada Baardheere:-
Baardheere waxay isku xirtaa Gobolada Gedo,Bay iyo Jubada Dhexe,Waana Meel IStaraatiiji ah Xag Militiri iyo xag Dhaqaale labaduba,sidoo kale waa Magaalo Ganacsi ahaan u furan Wadamada Kenya iyo Itoobiya Militiri ahaan iyo Siyaasad ahaane waxay haatan Guul iyo hiilaba u tahay Siyaasiyiinta Mucaaradsan Maamulka KMG ah ee Jubba oo ay u sahlanaan karto in awood Ciidan iyo Mid Siyaasadeedba ay ku yeeshaan Gobolada Jubba.
Si kastaba a ahaatee Baardheere ayaa hadda lamid ah Magaalooyin sidan oo kale horay shabaabka looga saaray kuwaas oo ay kamid yihiin Kismaayo iyo Baydhabo,waana Magaalo la tartami karta Magaalooyinkaas oo la rumeysanyahay in Baaxad ahaan iyo bulsho ahaanba ay la egtahay inkastoo sanadihii badnaa ee ay Al-shabaab maamulayeen dad badan oo isaga tagay ay iminka Dibad Joog ka yihiin Magaalada.
W/Q: Shaafici Cabdinuur Cafaash
Muqdisho Soomaaliya
Shaafici121@gmail.com