Dagaalkan, ayaa u dhaxeeyay ciidan kala taabacsan labada maamul ee horaantii bishaan siyaabooyinka kala duwan loogu kala doortay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Dagaalka waxa uu ka dambeeyay markii ciidan taabacsan Maamulka Galmudug la soo dhigay meel ku dhow Saldhiga Booliska Caabudwaaq, oo ay gacanta ku hayaan ciidan u daacad ah Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.
Iska horimaadka labada dhinac oo caweysnimadii xalay bilowday, ayaa markale aroornimadii hore ee saakay dib kaga qarxay Magaalada Caabudwaaq, iyadoona Magaalada laga maqlaayo daryanka rasaasta.
Dadka reer Caabudwaaq, ayaa saakay dareen ka muujinaaya in dagaalku uu kaga sii daro dareenkii, ay maalmahaanba qabeen bulshada ku dhaqan Magaaladaasi.
Nabadoon Ximbil Oo Kamid Ah Waxgaradka Cabudwaaq Ayaa Gooordhow la hadlay All-galgaduud Media wuxunna noo cadeeyay in guud ahaan gacan ku heynta magaaladda ay la wareegeen ciidamadda Ahlusunna waljameeca.
Illaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in 5-qof Ay ku dhaawacantay, laakiin ay suurta gal tahay in khasaaruhu uu intaa ka bato.
Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Deegaanka waxay ku baaqayaan in si deg deg ah xabadda lagu joojiyo, lagana wada hadlo xurgufta u dhaxeysa labada dhinac, si dagaal hor leh looga baaqsado.
Hoos ka dhageyso wareysiga Nabadoon Ximbil: