Warqad ka soo baxday Horjoogtada gudiga loogu yeeray Gudiga doorashada Madaxweynaha Jubbaland ee ay dhawaan sameysteen Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni ayaa waxaa lagu sheegay suruudaa laga doonayo Musaraxa u tartamaya Hogaaminta Raaskambooni.
orjoogtada Gudigan warqada kasoo baxday iyo Shuruudaha ku qoran ee laga doonayo Musharaxa ayaa intooda badan waxa aan buuxin karin Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni.
Qodobada qabanaya ee uu buuxin karin Axmed Madoobe ayaa waxaa ka mida ah kuwa soo socda.
1- Waa In uu ahaadaa muwaadin Soomaali ah, oo reer Jubbaland ah.
2- Waa In uusan Galin Dambi Qaran oo ay maxkamadi Xukumin. (Qodobka 4-aad)
3-Waa In uu leeyahay Aqoon eer Jaamacadeed ama 10 sano oo aqoon Hogaamineed maamul iyo waayo aragnimo danka bulshada iyo siyaasadda. (Qodobka 5-aad).
Waxaan ognahay oo cad in Axmed Madoobe uusan ahayn muwaadin Soomaali ah ama ku dhashay Jubbooyinka, waxaan sidoo kale ognahay oo cad Axmed Madoobe inuu dambiile yahay loona heysto xasuuq farabadan oo uu geeystay markuu ka midka ahaa Maxkamada, Xsbul Islaam iyo Hadda oo uu yahay Raaskambooni, dinaca kale waxaa cad oo aan wada ogsoonahay in Axmed Madoobe uu lahayn aqoon heer jaamacadeed ah, mid maamul iyo mid siyaasadeedba.
Horjooge Axmed Madoobe ayaa waxaa cad in caqabad ay ku yihiin sadexdaas qodob ee ay shaaciyeen gudi ku sheegi uu isagu sameystay, mana filayo warqadan ka soo baxday Gudigan Raaskambooni inay ka fiirsadeen inta aysan saxaafada usoo gudbin.
Isku soo wada duuboo soomaalida waxa ay ku maa maahdaa cagtii joogsan weydaa mar uunbey ceeb la kulantaa tas oo aan ulla jeedno Kooxda Raaskambooniyiinta waxbadan ayay wax sheegeen balse tan ayaa waxa ay ku noqonaysaa fadeexadi ugu weyneed ee soo wajada tan iyo markii oo iyagoo gadaal ka taagan taangiga Ciidamada Kenya ay gudaha u galeen magaalada Kismaayo oo ilaa maantadan aanu joogno oo ku dhow mudo sadex sano a ah aysan dhinacna u dhaafi karin.
Hoos Ka Akhriso Warqada Ka Soo Baxday Gudi Ku Sheega Raaskambooni.