Wararka naga soo gaaraya Ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Villa Somalia ayaa waxa ay sheegayaan in kooxda damujadiid ay u dajiyeen qorshe cusub gobolada Jubbooyinka loogana taqalusayo Horjooge Axmed Madoobe.
Ilo wareedkeena ayaa waxa ay sheegeen in Damujadiid ay diyaarsadeen qofka ay ku badali lahaayeen Horjoogaha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe oo ay kooxdiisa Raaskambooni dhawaan uga dawaaqeen gudaha magaalada Kismaayo in 15 bisha Agoosto ay ka dhaceyso doorasho.
Kooxda Damujadiid ee uu ka midka yahay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa ay diyaarsadeen in uu doorashadaas ay sheegeen inay qabanayaan kooxda Raaskambooni uu isu soo sharaxo Waasiirki hore ee Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane, waxa ayna diyaariyeen inay ku bixiyaan dhaqaalo lacageed oo farabadan si uu ugu soo baxo doorashadaas waa sida ilo wareedkeena inoo xaqiijiyeen.
Dhinaca kale ilo wareedkeena ayaa waxa ay sheegeen in qorshahan looga taqalusayo Axmed Madoobe ay ka mideysan yihiin islamarkaana ay si wada jir ah u wataan kooxda Damujadiid iyo Saraakiisha Sare dowladda Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya.
Isku soo wada duuboo waxaa muuqata maalmihii la soo dhaafayna isa soo tarayay warka sheegaya in Horjoogaha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe ay kooxda damujadiid u dajiyeen qorshahan culus ee looga taqalusayo, waxaase mudan isweeydiin in leeys weeydiiyo Maxaa Kala Kala Qabsanaya Xuseen Cabdi Xalane Iyo Axmed Madoobe marka uu soo si dhab ah u soo shaac baxo qorshaha Damujadiid iyo Itoobiya ay uga taqalusayaan Axmed Madoobe.