WARBIXIN: Kulamadii Axmed Madoobe ee Doolow Oo Fashilmay+Xaqiiqo.

0

Kulan Ay isku arkaan Horjooge Ku Xigenka Maleeshiyidda Raaskanbooni Farataag iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamadda dowladda somaliya ayaan waxna tiijo ah laga gaarin.

Shirka ayaa Bilowgiisii hore Ku Socda si dagan ayaa Ay saraakiisha ka hadlayeen Qabsashadii dagmadda Baardheere oo gacanta Ugu jidha ciidamadda Dowladda iyo Howlgalka Midowga Afrika Ee AMISOM.

Farataag ayaa Dadkii uu la kulmay Ka dhaadhicinayay iney taageeraan Maleeshiyadda Axmed madoobe, Kuwaas oo Hadda Xoog iyo canjajuub ku haya shacabka Magaaladda Kismaayo,

Saraakiishii uu maanta la kulmay fartaag ayaa ucadeeyay in axmed madoobe uu gaarsiiyo xogta ah ineysan wax ciidama ah oo ka tirsan kuwiisa qeyb ka aheyn howlgalka lagu xoreynayo goobaha shabaab ay kaga suganyihiin gobolka gedo.

Waxaanan jirin cid la hadashay warbaahinta madaxbanaan ee ku sugan doolow marka laga reebbo sawirro Gaar ah oo ay soo gasheen baraha bulshadda kuwaas oo dadka ay ugu sheegayaan in ay wada xaajood ka wadaan dagmadda Doolow ee gobolka Gedo,

272
mid kamid ah sawiradda

Axmed Madoobe ayaa dhawaan Dagmadda Doolow somalia Utagay sidii uu taageero oga heli lahaa waxgaradka gobolka gedo Ee Ka soo jeedda Beesha Sade, kuwaas oo ay xusid mudantahay iney horay udhaliileeen Baarlamanka iyo Dastuurka uu kismaayo ku sameystay.

Inta uu joogay Deegaankaasina kama soo muuqan warbaahinta mana jidho cid kale oo ka warqabta halka uu kaga suganyahay Magaaladda,

Fartaag wuxuu si gaar ah ula kulmayay Caado qaatayaal Ku sugan deegaanka kuwaas oo Sheegtay iney La shaqeyaan kooxda Axmed madoobe oo hadda isku magacowday “Dowladda Jubbaland”,

isku soo wadda duub oo Kooxdan ayaan la ogeyn halka ay sal dhigandoonaan, waxaanna Baarlamankiisa xaaraanta ah ee muranka Dhaliyay Uu Horay usheegay in 15-bishan ay dhacayso doorashadooddii.

La soco faah faahinta insha allaah.

Ishanna Nagu Hay,