Xildhibaan Yaasiin cabdi Seed oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu si qoto dheer uga hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Shirkii New Dealka ee Muqdisho dhowaan kusoo gabagaboobay iyo qodobadii kasoo baxay, arinta doorashada 2016-ka iyo Maamulada ka sameysmaya Soomaaliya.
Xildhibaan Yaasiin ayaa mar uu ka hadlayay arinta maamulka loo sameeyay Galmudug waxaa uu yiri “Maamul kasta oo kusoo biiraya dawladda federaalka waala soo dhoweynayaa, laakin shuruudaha inuu buuxiyo iyo inuusan buuxin shaqo u taalla Beesha caalamka maaha ee waa shaqo u taalla dadka Soomaaliyeed ee Dastuurkan iskaleh”.
Mudane Yaasiin waxaa uu si cad u qeexay inaysan jiri doonin wax ku darsasho ah oo loo sameynayo Madaxda haatan haysa talada dalka, wuxuuna sheegay in ay doorasho dhici doonto 2016-ka.
Wareysiga oo dheer oo uu Xildhibaan Yaasiin Seed kaga hadlayo arima badan hoos ka dhageyso.