Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in xalay dagaal fool ka fool ah uu ku dhexmaray gudaha magaalada Kismaayo ciidamada Kenya iyo Al Shabaab.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in xalay ay maleeshiyada Al Shabaab weerar ku qaadeen fariisimaha ciidamada Kenya ay ku leeyiiin gudaha iyo daafaha magaalada Kismaayo, sida ay ku soo waramayaan dadka magaalada dagaalkan ayaa waxaa leeysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Waxaan la ogeeyn ama aan la shaacin illaa hadda qasaaraha uu reebay dagaalkan ka dhacay xalay gudaha magaalada Kismaayo ee u dhexeeyay ciidamada Kenya iyo maleeshiyada Al Shabaab.
Isku soo wada duuboo ma ay ahan markii ugu Horeeysay ee ay Maleeshiyaadka Al Shabaab gudaha magaalada Kismaayo ugu soo galaan ciidamada Kenya ee waa dhacdo joogto uga dhacda magaladaasi.