TOP DHAGEYSO WAREYSI: Suldaan Gurey Xaaji Faarax Oo Dhaliilay Xasuuqa Ciidamadda Amisom Ku hayaan Shacabka Gedo+Arimo kalana ka Hadlay.

0

Suldaan  Gurey Xaaji Faarax Oo Kamid Ah Waxgaradka Goboladda Jubooyinka Ayaa Ka Hadlay Guud Ahaan Xaaladda Somaliya Xilli Uu Wareysi Qaas ah siinayay Shabakadda All-Galgaduud Media (AGGM).

Gureey Oo Ku Nool Dalka Mareykanka ayaa si qoto dheer oga hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee dowladda somaliya, iyo Ciidamadda Kamidka ah howlgalka Midowga Africa Ee AMISOM Oo Uu Dhaliil u jeediyay.

Suldaanka ayaa Baarlamanka somaliya ku eedeeyay Ineysan Sharciyadii dalka Ansixin Kuwaas oo Caqabad ku Noqon Karra Geedi Socodka Hormarineed Ee Dalka,

Sidoo Kale Wuxuu Si gaar Ah Udhaliilay Ciidamadda Ka socda Dalalka Itoobiya iyo Kenya Kuwaas oo faragalin Toos ah ku haya Xaaladda Somaliya iyo Tan kuwa Goboladda Jubooyinkaba,

Wuxuu xusay ineysan jirin dowladda dhexe oo guud ahaan Maamusha Xaaladda dalka, Taasna ay dowladdaha Dariska ah usahashay iney Faragalin Toos Ah Ku Sameeyaan Xaaladda Siyaasadeed ee somaliya.

gurey

Mar uu ka hadlayay Doorashadii xaqdarada aheyd ee shalay ka dhacday kismaayo ayuu sheegay in ay aheyd mid nin isku dooranayay una suuragashay, Wuxuunna madaxweyna Xasan shikh Ku Eedeeyay inuusan Arintaasi Soo hadal Qaadin.

Ugu Danbeyn Ayuu shacabka dagga goboladda Jubooyinka Ugu baaqay iney ka tashtaan aayahoodda waxaanna uu sheegay in la iska celiyo oo lala dagaalamo ciidamadda Itoobiya iyo kuwa kenya oo xasuuq ka wada goboladda jubooyinka iyo gedo,

Hoos ka dhageyso wareysiga: