Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow oo ka mid ah Hogaamiyayaasha dhaqanka Gobolka Gedo Ayaa Dhaliil usoo Jeediyay Dowladda Itoobiya Oo faragalin Toos ah ku haysa siyaasadda somaliya.
Ugaaska ayaa waxaa uu intaasi ku darey shirkii Dolow ka dhacay oo lagu wadey in dib u heshiisiin lagu sameeyo in markii dambe uu isku bedelay mid siyaasadeed, waxaana u aragnaa u aragnaa buu yiri in uu shirkaasi fashil ku dhamaadey. Ugaaska ayaa ku eedeeyey Saraakiisha Itoobiya iyo Horjooge Axmed Madoobe in ay iska hor keenayaan mas’uuliyiinta Dowlada iyo shacabka degan Gobolka Gedo.
“Axmed Madoobe waxaa uu ka baxay balankii aan la galney, isbedel fool xun ayuu ka sameeyey Gobolka, waxay ahayd inuu maro degmooyinka Gobolka, shacabka uu la shiro, waxaan loo baahneen ayuu faraha la galey mana aqbalayno, haddii uusan arimaha taagan wax ka qaban waxay keenaysaa inaan kalsoonidii kala laabano sidaasi waxaa yiri Ugaas Maxamed Ugaas Xasan.

Mar la weydiiyey sida uu u arko doorashadii Axmed Madoobe mar kale loo doortey Markale Hogaanka Maleeshiyo beeleedka raaskanbooni ayaa waxaa uu yiri “doorashadaasi cid u mataleysay Gobolka Gedo oo ka qeyb gashey ma jirto, haddii aan nahay hogaanka dhaqanka Gobolkana wax talo ah kuma lahin doorashadaasi.”
Ugaaska ayaa ugu dambeen waxaa uu iclaamiyey shirweyne ay isugu yimaadaan hogaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta Gobolka Gedo, kaasi oo uu sheegay in looga arinsanayo ayaaha Gobolka Gedo.
DHAGEYSO WAREYSIGIISA:
xigasho: Allgedo.