Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi, ayaa isku waafaqay in dib loo dhigo muddo 15 maalmood magacaabidda Golaha Wasiirada Galmudug.
Dastuurka Galmudug, ayaa qeexaaya in Madaxweynaha uu muddo 45 maalmood ku soo magacaabi karo Golaha Wasiirada, iyadoo uu shalay kaga ekaa mudadii loo igmaday inuu ku soo magacaabo Golahiisa Wasiirada, laakiin Dastuurka waxa uu cadaynayaa in muddo dheeraad ah uu Baarlamaanka weydiisan karo, haddii ay baahi timaado.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Madaxweynaha Galmudug oo goor dhow shir jaraa’id ku wada qabtay Xarunta Madaxtooyada Cadaado, ayaa waxay kaga dhawaaqen in magacaabidda Golaha Wasiirada dib loo dhigo 15 cisho.
Gudoomiyaha oo hadalka ku horeeyay, ayaa sheegay in Madaxweynaha uu xalay Baarlamaanka ka codsaday in 15 maalmood oo dheeraad ah loogu daro, mudada uu ku soo magacaabaayo Golahiisa Wasiirada.
Madaxweynaha oo ka barbar hadlaayay Gudoomiyaha, ayaa sheegay inay timid baahi loo qabo dib u dhigista magacaabidda Golaha Wasiirada, waayo buu yiri iyadoo Ahlu Suna aysan aqbalin inay ka mid noqoto Galmudug.
Madaxweynaha waxa uu Ahlu Suna ugu baaqay in mudadaasi ay ka faa’iideyso, kana mid noqoto Galmudug, si looga taggo kala qub qubnaan dadka deegaanka ah.