TOP DHAGEYSO XASAASI : Xildhibaan Cabdi Barre ” Beesha Caalamka Waxaan kala Hadalnay Mooshinka Xaqqa Ah Ee Xildhibaanadu wadaan”.

0

Xildhibaanada wada Mooshinka ka dhanka ah madaxweynada Xukuumadda Soomaaliya Xasan Sh. Max’uud ayaa maanta la kulmay wakiillo ka socday Beesha Caalamka oo uu ugu horreeyay Nickolas Key iyo Safiirrada Waddamada qaar u fadhiya Muqdisho sida Safiirka Ingriiska iyo Hay’adaha deeqaha bixiya.

kulanka ayaa ku saabsanaa in wakiillada Beesha Caalamka ay weydiiyaan Xildhibaanada Mooshinka ka keenay madaxweynaha sababta ay ku heystaan iyo halka waxyaabaha lagu heysto madaxweynha ee sababay in ay ku dhawaaqaan in madaxweynuhu ka tago xafiiska.

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf oo ka mid ahaa xubnaha wada mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha lna kulmay Wakiilladaasi aya dood dheer oo ay qaateen kadib waxaa uu u sheegay warbaahinta waxayaabaha lagu heysto madaxweynaha ee gaarsiiyay heer mooshin laga keeno, waxana uu Cabdi Barre ka hor aqriyay Wakiilladaasi qodobadan oo uu sheegay in lagu heysto madaxweynaha Dowladda Soomaaliya:

1-in madaxweynuhu uusan sheegin halka uuku dambeeyay wahadalkii u socday Dowladda dhexe iyo maamulka Somaliland.

2-in Puntland, Jubba iyo Ahlu Sunna aanay xiriir lalaheyn Dowladda, arrintaasna uu madaxweynaha ka dambeeyo.

3-in madaxweynuhu uu Awooddii dalka marooqsaday oo uu mararka qaar hay’adda fulinta shir guddoominayo.

4-in la dilayo dad uu isaga saxiixay dilkooda, lacagaha Bangiga loogala baxo warqad uu isaga saxiixay..

Xildhibaan Cabdi Barre ayaa qodobadan ka sheegay Shir jaraa’id oo uu qabtay  kulanka kadib, waxaana uu intaa ku daray in madaxweynuhu ka dalbanayo inta aan kiiskan la geynin maxkamad in madaxweynuhu is casilo, waxaana uu sheegay in is casilaaddaasi uusan rajo badan ka qabin, maaddaama madaxweyne Afrikaan ah aan laga filaneyn sida uu u dhigay hadalkiisa.

dhegeyso: