Ninkii Nairobi iyo Addis Ababa Tagaba Waad U Hambalyeysaane, Jawaari Hadduu Tagay Dhuusamareeb Oo Dhul Soomaaliyeed Ah Ma Dambi Baa?

0

Waxaa maanta ah wax aad loola yaabo ah aadna looga caroodo dadka Soomalaiyeedna badankood isweeydiinayeen in niman sheeganaya inay yihiin Mas’uuliyiin Soomaaliyeed ay mas’uul kale oo Soomaaliyeed ku eedeeyaan waxuu tagay magaalada Dhuusamareeb oo ka mid ah caasimadaha gobolada Soomaaliyeed oo ay ku nool yihiin dad Soomaaliyeed, iyadoo aan wada ogsoonahay in ninkii ka daga ama taga Magaalada Nairobi iyo Magaalada Addis Ababa ay u hambalyeeyaan.

Milyan jeer ayaa Nimankan sheeganaya inay yihiin Mas’uuliyiinta Maamulada isdiidan iyo kuwa is ogolba loo sheegay ama looga digay in aysan isku leeyn dadka Soomaaliyeed islamarkaana fududeyna in dalka uu gacanta u galo gumeystaha doonaya inuu boobo, nasiib daro marnaba dhag jalaq umma aysan siin, kamana aysan fiirsan hoowlahan ay wadaan ee nidaamka Federaalka ah qatarta uu u keeni karo ummada iyo dalka Soomaaliyeed, waxa ay eegteen maslaxadoooda  iyo maslaxada gaarka ah ee beelo kooban.

Madaxda Jubbaland iyo Galmudug qaylada maanta kasoo yeertay iyagoo ku sugan magaalada Cadaado ma ahan mid dhamaad leh ama yeelan doonta dhamaad, waa biloow, balse Soomaalida waxay ku maah maahdaa (Dooradaada (Digaagadaada) iga cesho waa dagaalkaan Rabaa) ileen Dooro ama digaagad cid celin kartaa majirto’e, taasna waxa ay la mid tahay mas’uul Soomaaliyeed in la yiraahdo magaalo Soomaaliyeed ayna ku nool yihiin dad Soomaaliyeed maxuu u tagay, matagi karo, nagama talo galin, macnaheeduna waa daandaansi cad waana dagaalka beelaha daga magaaladaas ayaan rabnaa, sidoo kalena suuragal ma tahay mase noqonaysaa cid aynaan anaga u ogolaan inay wax noqdaan ama wax sameystaan, waxba ma noqon karaan mana sameysan karaan.

Baroorta orgiga ka weyn, maxaase kulmiyay qaylo dhaanta Madaxda Galmudug iyo Jubbaland iyo dibedbaxa maanta ka dhacay koonfurta Gaalkacyo, ma waxaa lagu heshiiyay oo heshiis lagu yahay oo loo heshiiyay in Nolol, Nabad, Horumar iyo Magacba lagala diriro magaalada Dhuusamareeb iyo dadka ku noolbaa?

Dulmi ma waaro waxaana daliil u ah Haddaba Soomaalida ayaa waxa ay ku maah maahdaa oo kale cagtii joogsan weydaa mar uunbey ceeb la kulantaa tanina sida hadda muuqata waa furihii bilowga iyo dhamaadka nidaamka Federalka ah ee loo soo dhiibay nimankan sheegta madaxda maamul goboleedyada, Gudoomiye Jawaari ciyaartaad bilowdeen ayuu idinla cayaarayaa ee waxaad fali kartaan fala, macnihiisuna waa sidaan doonayno haddaa diideen, sidaan doonaysaan anagana yeeli meyno.

Dhinaca kale safarka Gudoomiye Jawaari waxa uu xambaarsan yahay amaba bixinayaa fariimo culus oo badan oo ay ka mid tahay (Ciyaari Waa Galin Dambe) Ciyaarti Bakool sare aad kasoo bilowdeen ma dhamaan ee hadey ayadoo nooc cusub ah bilow tahay.

Iskus soo wada duuboo Waxgaradka Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibeddiisaba ayaa laga doonayaa in ay diidaan in sidii kubadii shacabka Soomaaliyeed maalinba nin sheeganaya Mas’uul uu dhinacuu doono u laado, taas oo sababaysa hadaan laga hortagin sida hadda muuqata dagaalo beeleed foolxun oo ka qarxa dalka Soomaaliya.

Miinii La Yaabo, YAASIINKA, Alloow Na Mooti Waxa Soo Jug Leh.

Wabilaahi Towfiiq

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed
Run Sheeg Waa Ceeb Sheeg