Afeef: Doqonta iyo Nimaan waxba iga aqoon ayaan wax u sheegayaa, maah maah ayaa oranysa nin isfaanshay waa ri ismaashay mid kalaase oranaysa Haddii lagu mooso kartaa leysku moojaa, Dadkeygana ma maqna ee waa joogaan waana diidayaan DULMIGA bareerka ah ee sida joogtada ah loogu hayo dhawaan Insha Allaah.
Aduunyada subaxba waa ceyn saakayse ugu daran tahay oo dalkii waxa laga soo sheegayo ayaan laqi waayay midaas ayaana igu qasabtay inaan qalinkeyga qaato markaan arkay amaba maqlay dad leh xaalka Mareexaan maanta waxuu marayaa waa Mareexaan Iska Goowrac Mooye Guul Ku Faan Malaha.
Mareexaan Sade waxa ay kamid yihiin qabaa’ilada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Soomaaliya, soomaalida waxay dhahaan (Fuley xantiisa ma mooga) waxaana lagu xantaa inay kamid yihiin qabaa’ilada Soomaaliyeed ee leh Deris wanaaga, Deeqsi nimada, Geesinimada iyo Gobanimo dagaalka goobaha dagaalka.
Mareexaan Sade kadib burburkii dowladdi dhexe ee Soomaaliya ilaa maanta oo la joogo xabada ayaa ku socota haddii ay noqon lahayd Xabad Soomaaliyeed, Xabada Kenya iyo Xabada Xabashida (Itoobiya).
Bal dib u jaleeca sagaashaamkii waxii ka dhacay Gedo, Galguduud, Jubbooyinka, bal dib iyana u jaleeca labadii kun iyo waxii ka dhacayay Gedo, Galguduud, Jubbooyinka, bal saaka dib u jaleec waxa ku socda ama ku dhacaya dadkeeni shacabka ahaa ee ku noolaa CEEL CADE iyo guud ahaan deegaanada beesha Dagto oo xataa Wasiiradi, Xildhibaanadi, Siyaasiyiinti, Saraakiishi iyaga ka dhashay aysan ka hadlayn. maxaa kuu soo baxay?
Xataa Argagixisada Al Shabaab haddii ay laayaan ciidamada Kenya, ciidamada Kenya Al Shabaab ha laayeen ama ha raadsadeen, laakiin Ciidamada Kenya ma waxaa ay gumaadayaan oo diyaarado iyo taangiyo la dhacayaan shacabka CEEL CADE, oo ah halka saaka ay ka dhaceyso musiibada yey dambi ka galeen shacabkaas? adiguse soo kama marqaati fureysid inuu jiro mashruuc loogu bahoobay xaalufinta Mareexaan Sade?
Intaas oo dad iyo dowladdo shisheeye ah oo kala duwan oo isbiirsaday xababadoodana kuwada ridaya Sade ama Mareexaan waxaad moodaa inay heshiis kuwada yihiin xasuuqa iyo barakicinta dadka Mareexaan Sade macnahooduna waa hal u jeedo oo qura taas oo ah (Mareexaan Iska Goowrac Mooye Guul Ku Faan Malaha), sababtoo ah cid ka danqanaysaa ka dudeeysa ama ka dhiidhaysa waxa qofka Mareexaan Sade loo geeysanayo ayaa la waayay. Imisa ayaanse u dulqaadaneenaa dulmiga bareerka ah ee Soomaalida iyo Midka Dowladdaha Shisheeye? Jawaabtaasna adinkaa leydinka doonayaa.
Haddaba saaka xaalkii aduunyo haduu halkaas marayo Mareexaanoow maxaa nala gudboon?
Guud ahaan Sadaha maanta nool Waan hubaa ninka ugu naf jecel ama ugu fuleysan inuu laabta ku hayo inay ka dagaalamaan dulmiga, waxaan kaloo hubaa haddii la helo shan kun (5000) oo wiil kaliya oo Sade ama Mareexaan ah in aan dadkaas iyo dowladdahaas duulaanka ku ah dadkayaga iyo dhulkayagaba dhamaantood aan ka adagnahay markaan dagaal fooda galino, waana hubaa inaan iska dhicin karno inagoon cidna ugu yeeran, haddaba maxaad moodaysaa inay laabta ku hayaan boqolaalka kun ee kale ee Sade ama Mareexaan ee geesiyaasha ah?
Dadka Mareexaan Sadoow walaaleyaal ka baxa mala awaalka beenta ah ee maalin walbaa niman dadyoow kale mashruuc usoo dhiibeen ay idkinku maaweelinayaan ee aad dhaqaalihiina ku bixinaysaan, sida Iskuul ayaa la dhisayaa waa su’aale oo yaa dhiganaya iskuulka sookan dadkii la leeynayo? Ceel ayaa la qodayaa oo yaa ka cabaya ceelkan la qodayo sookan dadkii laga barakicinayo guryahoodi iyo deegaanadoodi? Isbitaal ayaan fureynaa oo yaad u fureysaa Isbitaalka hadiiba dadkii ka cararayaan deegaankoodi? iwm nimankan meelaha la wareegaya howlaha samafalkaan qaabilsanahay, anagu siyaasad iyo dagaal kuma jirno shuqulna kuma lihin leh, waa su’aale yey samafalka u sameynayaan haddiiba dadkiini qaybna la leeynayo qeeybna laga barakicinayo dhulkii ay daganaayeen? jawaabtaas adinkaan idiin daynayaa.
Waa muhiim waana xaqiiq in la fahmo leyskumana diidana in dadku helaan ceelal biyo, waa muhiim in dadku helaan Iskuulo iyo goobo caafimaad, waa muhiim in dadku helaan Jaamacado iyo Garoomo diyaaradeed shakina qofna ugama jiro arrimahaas oo dhan, balse waa iga su’aale dadkiina haddiiba dhulkii (Deegaanadiina) laga barakicinayo yaad u dhiseysaan waxaas oo dhan? soo kama haboona dhaqaalaha aad galineysaan waqtigan kala guurka ah ee uu boobka iyo isriix riixa deegaan ka jiro Soomaaliya inaad dhaqaalihiina galisaan sidaad u sameysan lahaydeen awood ciidan, awood syiyaasadeed iyo mid dhaqan oo adag oo aad dadkiina iyo dhulkiina ku difaacataan?
Dhinaca kale Waxaan u sheegayaa qolyaha meel walba yaacaya ee leh arrimaha samafalkaan qaabilsan nahay, siyaasada iyo dagaalada shuqul kuma lihin, waan ogahay mashaariicda maaweelada Mareexaan Sade ee aad kasoo qaadateen Dadywoga kale, adinkoo hadafkiinu yahay shilimo xunoo dhuun qooys ah aad ka heshaan, bilaa caleykum bulshada kala dhex baxa beenta maaweelada ah ee aad dadka uga marin habaabineysaan howlihi daruuriga ahaa ee u yaalay ee ay qabsan lahaayeen ee ahaa mustaqbalka jiritaanka magacooda.
Gabagabadi, Mareexaan Sadoow walaaleyaaloow waxaan ku talinayaa ama idiinku baaqayaa meel walbaa oo aad joogtaanba dagaal ayaa naloogu tashtay nin walbaa oo naga mid ahna meel uu joogaba in la dilaa lagu tashtay, ka baxa mala awaalka beenta ah ee leeydinku maaweelinayo unna istaaga sidaad u sameysan lahaydeen Hogaan Dhaqan oo Caadil ah dadkuna u dhan yahay, Hogaan iyo Ciidamo awood leh, Hogaan siyaasadeed oo cusub iyo Siyaasad hufan oo aan Soomaali iyo dowladdaha duulaanka nagu ahba aan kula xisaabtamayno iyo sidoo kale sidii loo Wacyigalin lahaa islamarkaana loo Kicin lahaa Qurbajoogteena, waxii intaas kasoo haraa ee aad waqti iyo dhaqaalo galisaan ogaada Walaahi baan ku dhaartee dhalanteed been ah baad ku jirtaan islamarkaana bacaad cidlo ahna toobin baad ku haysaan ee waa nalagu soo duulayee aan sidii nalagu yaqaanay aan difaacno dadkeena dhulkeena iyo danaheena Siyaasadeed ama Walaaleyaaloow ciyaar baad ku jirtaane aan si sharaf leh anagoo hoos eegayna Soomaaliya isaga guurno.
Jawaabta dadka yiri xaalka Mareexaan maanta waxuu marayaa Mareexaan Iska Goowrac Mooye Guul Ku Faan Malaha waa sidan soo socota.
Shalaay waa ku imaan dhiigayaga qoomki shafecsadaa
Ma shifeysan jirin godab ninkii naga shaqeestaaye
Qabiilkii shar noo maamulaa guul mashiiqsado
Shido iyo xumaan kama helno iyo shir iyo duulaane
Mashuqeeyno deegamadaan sheeda wada naale
Sharaf baan wax kula qeybsanaa shacabka soomaale
Intii nabad lasheel sheelin karo waan u shiin tirinaa
Dabka nalgu shido maalinkuu shuuqa damin waayo
Sheekada markii la isku dhaho lag shiil roonaaye
Ayaan sida shamsad iyo dayax shaac u noqonaaye
Dad ninkii shanshada buuxsantay iyo kibir ubeen sheego
Dharaar shaahid loo wada yahaan kaga shaneeynaa
Shisheeye iyo sokeeyaba horuu nooga marg sheegi
Cadkayaga nin shiiqsadaa la waa shuunkas toos yahaye
Shaf nalooma tumo goob dagaal ama shahiid yaale
Shahaado iyo cadeen waxaan laheen sheego maqaane
Libin loo sharuutamay aneey shir iga raacdaaye
Inaan been ku shoomeen ragbaa iiga shaahida
Waxaan gabayga aad ugu sharaxay uguna shiidaaday
Damiin baan wax ugu shegayaa shaqalka waaweene