Faalo Xiiso leh:- Shirkii Kismaayo: Sidaan Kuugu Lisay Iigumaad Hanbeyn

0

Waxaan shalay galab ka soo noqday shirkii muranka badnaa ee 7da beri qaatay ee ka dhacay magaalada Kismaayo, xarunta KMG Jubaland, inta u dhaxaysay 10ka ilaa 17ka Janaayo 2016.
Qabsoomida shirkan waxaa looga dan lahaa in Maamullada la aqoonsan yahay ee dalka ka jiro iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya ku heshiiyaan qaabka xulashada Xildhibaannada Baarlamaanka Qaranka, kuwaas oo goorta la gaaro bisha September 2016 soo dooran doona Madaxweynaha cusub DFS.

Shirka Kismaayo, ama Shirka Madasha Wadatashi Qaran, dood dheer kaddib waxaa la isku mari waayey qaabka lagu soo xulayo Xildhibaanada baddeli lahaa kuwa hadda jooga.

Qodobada la isku mari waayey waxaa ka mid ahaa in Baarlamaanka Soomaaliya lagu soo xulo nidaamka qabiilka ee 4.5 oo si adag u taageersanaayeen madaxda Galmudug, Koonfur Galbeed iyo qaar ka mid ah madaxda Dawladda Federaalka, halka Puntland iyo Juballand si xooggan u doonaayeen in laga tallaabsado habka qabiilka 15 sano dalku lagu dhaqayay, loona gudbo nidaamka deegaanka si xildhibaanada ay noqdaan kuwo mateli kara deegaanada ay kasoo jeedaan, isla markaasna lala xisaabtami karo.

Sidoo kale, shirka Kismaayo waxaa fashiliyay kala aragti-duwanaanshada qaab-dhismeedka Aqalka Sare ee Federaalka iyo kan Golaha Shacabka oo ay isku wada haystaan Maamullada iyo DFS. Labadan awoodood sida loo dhisi lahaa, loona kala qaadi lahaa ayaa ka mid ah arrimaha keenay in shirku guul darro la qarin ku soo dhamaado.

Waxaan filayaa in dadwaynaha Soomaaliyeed ka wada dheregsan yihiin in Shirka Madasha Wadatashi Qaran ee Kismaayo uusan dalka wax la taaban karo u soo kordhin, madaxdii shiraysana sii kala fogaadeen, heshiis la’aanta la gaari waayana sii fududeenayso faragalinta qaawan ee shisheeyaha.

Sababaha fashilka keenay, waxaa ka mid ah ahaa;

Tallada Madasha oo lagu soo koobay madax dhammaantood murashixiin 2016 ah, xubno Barlamaan ee la soo xushay iyo madax maamul goboleedyo an sharci ku dhisneyn badankoodu.Waxaa haboonaan lahayd in xubinnimada Madasha la ballaarsho oo lagu daro Madax-waynayaashii hore ciddii ka nool , Ra’iisul Wasaare-yaashii soo shaqeeyey iyo indheer- garad Kale. Nin dan gaar ah leh,dan guud ka tali lama dheho.

Wax yaabaha ka xasilay fashilkaas, waxaa ka mid ah;

a.Qabyaalad iyo is-xulufaysi cusub oo u eg tii waqtigii 1991.

b.Ciil siyaasadeed oo Jubbaland tabaneyso lana rabo in Baydhabo looga aar guto. Hadday Kismaayo fashilan tahay an aragno Xikmadda Baydhabo keento.

c.Madaxda oo is indho -buuxin doonin hadda kaddib. Haddii Madaxweyne joogistiisu wax weyn ahaan jirtey -maanta waa nin caadi ah oo weliba dadkiisa ka mid ah. Taasi waxay I xusuusisay maahmaahdii ahayd “Ilko doofaar arkoon “oo micnaheedu yahay wax laguma cuno ee yaan laga baqin.

d.Waqti dhumay iyo malaha khiyaamo iyo deg-deg waqti dambe looga faa’iideysan doono.

e.Niyad jab iyo quus ummadda saameysay oo loo fasiri karo “Somali cidna uma maqna ceelna uma qodna ”

F.Beesha caalamka oo ku qanacday Somali ma tashan karto oo waa qabaa’il an dawlad noqon karin ee ha loo taliyo. Taasi waxay keeni kartaa in dawladnimo iyo karaamaba naga dheeraadaan.

Amniga Kismaayo oo gacanta Soomaalida ku jirey intii uu shirku socday

Marka laga soo tago muran iyo fashilka hareeyey shirka, haddana waxaan Kismaayo ku arkay waxyaabo lagu ammaani karo Jubaland oo kow ka ahayd sida loo maareeyay amniga intii uu shirku socday. Waa markii ugu horeysay shir noocaan ah lagu qabto magaalada Kismaayo oo hadda ku sugan ciiddamo dhawaan la keenay ka socda Dawladda Itoobiya kana mid ah AMISOM, iyagoo horay u sii joogeen ciiddamada Keenya iyo kuwa Burundi oo labadu ka wada tirsan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Caasimadda KMG ah ee Jubbaland waxay marti-galisay ku dhawaad 300 boqol ergooyin Soomaaliyeed oo isugu jiray madaxda ugu sarreeyo dalka, maamul-goboleedyada iyo qeybaha kala duwan bulshada, kuwaas oo kala yimid guud ahaan Soomaaliya.

Kismaayo ammaankeeda waxaa gacanta ku haya Ciidammada Maamulka Jubbaland, iyadoo inta uu shirku socday meel walba oo kamid ah magaalada lagu arkeyey ciidamo Soomaali oo ammaanka sugayay. Shirkan wuxuu ahaa kii ugu horeeyey la qabto oo ciiddamo shisheeye amniga sugaynin, waxana shirkan kuwii ka sii horeeyey ee ka dhacayay magaalada Muqdisho guud ahaan amnigoodu gacanta ku hayay Ciidamadda Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Guud ahaan shirkii Kismayo wuxuu daah fur u ahaa fashil nooc cusub ah ee gacmaha madax Somalia noo soo maray .Allow Sahal ammuuraha illaa hadda khatarta ka dhalatay shirkii Kismaayo waa ka culus tahay faa’iidadii laga filahayay.Allow na badbaadi.

Shirkii Kismaayo sida loo lisay looma hambayn

Qore: Ahmed-nur Mohamed
E-mail axmednuur59@gmail.com
Muqdisho, 20/01/2016

ahmed Nuur