Sidee loo qoraa qoraal far-soomaali oo dhinac walba ka dheelitiran ?

0

 

Waxan marka hore u mahadcelinayaa bacda xamdillaahi raggii Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii loo heli lahaa far uu yeesho afkeenna hooyo. Waxaanna raggaasi leeyahay ilaahay ha idinka abaalmariyo dadaalkii dheeraa ee aad u soo gasheen xaqiijinta hadafkaasi qayimka ah, Kaasi oo ay maanta ka faa’iidaysanayaan malaayiin Soomaali ah oo aan Anigu ka mid ahay.

Haddaan dib ugu laabto qormadayda, Taasi oo aan uga hadli doono sida loo qoro qoraal far Soomaali oo dhinac walba ka dheelitiran, Kaasi oo wato dhammaan waxyaabaha looga baahan yahay marka wax la qorayo. Qormadan, ayaa imaanaysa xilli maalintii shalay ahayd loo dabaaldagay sanadguuradii 43-aad ee aasaaska far-Soomaaliga, Kaasi oo aad mooddo maanta in uu wajahayo marxalad adag oo u baahan in wax laga qabto.

Qormadan, ayaa sidoo kale imaanaysa xilli si walba loo qoro far-soomaaliga, Iyadoo aan la ilaalinaynin naxwihiisa iyo waliba waxyaabaha kale ee la xariira qoraalada. Hadaba sidee loo qoraa far soomaali saxan ? Anigu, inkasta oo ay yar tahay aqoontayda ku aadan naxwaha Soomaaliga, iyo waliba waxyaabaha kale ee la xariira qoraalada hadana sidaasi oo ay tahay, Waxaan iskudayi doonaan inaan soo gudbiyo waxyaabaha aasaaska u noqon kara diyaarinta qoraal saxan ?

Si aad u diyaariso qoraal dhinac walba ka dheelitiran, Waxaad u baahan tahay marka hore inaad maanka ku hayso dhowr arimood oo muhiim ah, Kuwaasi oo kala ah :-

kow, inaad doorato lahjadda ugu wanaagsan ee afka aad wax ku qorayso, Taasi oo noqonaysa midda looga hadlo Gobolada Dhexe ee dalkeena. Labo, inaad wax ka taqaanno naxwaha luuqadda Soomaaliga ah. Sedex, inaad garanayso sida loo isticmaalo waxyaabaha la xariira qoraalada sida calaamadaha oo kale, Kuwaasi oo qoraalka ka dhigaya mid dheelitiran.

Lahjadda

Maadaama luuqad kastaaba ay leedahay lahjado kala duwan, Waxaad u baahan tahay inaad doorato lahjadda looga hadlo Gobolada Dhexe ee dalkeena waayo waa midda ugu wanaagsan, Islamarkaana dadka oo dhami wada fahmi karaan. Lahjaddani, ayaanan wadanin xarfo badan oo siyaada ah, gaar ahaan marka lagu hadlayo iyo marka la qoroyaba. Bal waxaad isbarbardhigtaa iyada iyo lahjadaha kale ee looga hadlo deegaanada kale ee Soomaalida sida Jabuuti, Waqooyi, Bari, Shabeelada Dhexe, Baay iyo waliba deegaanada Waamada.

Anigu, shaqsiyan kama soo jeedo deegaanadaasi, laakiin hadana waxaan qirayaa in lahjaddaasi tahay midda ugu wanaagsan ee lagu hadlo ama wax lagu qoro, Maxaa yeelay waxaa wada fahmi kara dhammaan dadka Soomaalida ah meel kasta oo ay ku nool yihiinba. Waxaan sidoo kale qirayaa, in Lahjaddaasi tahay midda ugu fudud ee suurtagelinaysa, in kalimadda loo rogrogo sida la doono, iyadoo aan dhib badan lagala Kulmin.

Naxwaha

Naxwuhu, waxa uu muhiim u yahay luuqad kasta oo jirta, Maxaa yeelay waxa uu luuqadda ka ilaaliyaa naxliga iyo khaladaadka ay dadka qaar galaan. Tusaale ahaan, haddii aadanba aqoonin naxwaha luuqadda aad wax ku qorayso, Hadaba muxuu noqonayaa waxa aad ku hadasho iyo waxa aad qortoba ? Sow ma’aha inaad wax isku qasto sida dadka qaarba sameeyaan ?

Hadaba si uu qoraalkaag u saxmo waxaad u baahan tahay inaad raacdo naxwaha luuqadda Soomaaliga ah. Tusaale ahaan, haddii aad ka waramayso fal-sameeye dhedig ah, Waa in falkuna noqdaa fal dhedigeed sida {Faadumo, waxa ay aqrinaysaa aayado qur’aan ah}. Haddii uu fal-sameeyuhu yahay fal-sameeye lab ah, sidoo kale waxaa waajib ah in falkuna noqdaa fal labeed sida {Cali waxa uu aqrinayaa aayado ku jira suuratul Munaafiqiin}.

Sidaasi oo kale, haddii uu fal-sameeyuhu yahay fal-sameeye wadareed, iyana waxaa waajib ah in falkuna noqdaa fal wadareed sida { Bulshadu, waxa ay doonaysaa ku dhaqanka Shareecada Islaamka }. Haddii waxa laga waramayo uu yahay wax la soo dhaafay, Waxaa waajib ah in falkuna noqdaa fal la soo dhaafay sida {Daraawiishi, waxa ay la dagaalantay gumaystiyaashii soo duulay}. Bal ka waran haddii faacilku noqdo faacil wadareed dhedig ah, Markaasi maxaa la oronaya ?

Waxaa dhacda mararka qaar in jumladdaada ay ku jirto erayada wax xiriiriya sida iyo oo kale. Markii ay taasi dhacdo, Waxaa qasab ah in jumaladdu ay noqoto jumlo wadareed sida {Sh. Musatafa iyo Umal, Waxa ay bilaabi doonaan muxaadarooyin cusub oo looga hadli doono sida loogu baahan yahay dib-u-heshiisiin dhab ah}. Bal arag tusaalahan kale {Raxmo iyo Faarax, Waxa ay ka soo horjeedaan faragelinta ay Itoobiya ku hayso arimaha dalkeena}.

Haddii laga warmayo sifada qof dumar ah, Waa in safidu la mid noqotaa qofka laga waramayo sida {Luul waa gabar cas oo dhuuban}. Ka waran haddii sifadu tahay lab, Islamarkaana Jamac ah ? Haddii taasi dhacdo, Waxaan qasab in sifadu noqotaa sifo labeed jamac ah sida {Farmaajo iyo Tarsan, Waa rag wanaagsan oo ka soo horjeeda faragelinta ka imaanaysa dowladaha dariska ah}

Maadaama qoraalku uu yahay hadalkii oo la qoray, Hadaba waxaa qasab in wax walbaaba la isu raaciyo sida ay yihiin. Tusaale ahaan, haddii fal-sameeyuhu yahay fal-sameeye dhedig ah, waa in falkuna noqdaa fal dhedigeed. Sidaasi oo kale, haddii faacilku noqdo lab, Islamarkaana jamac ah, Waa in falkuna la mid noqdaa sidaa oo kale. Bal arag tusaalahan { Waannu ka soo horjeednaa adeecidda siyaasi safiih ah }

Calaamadaha

Calaamadaha waa muhiim, gaar ahaan marka wax la qorayo, Maxaa yeelay waxa ay kala reebayaan qoraalka. Waxa ay sidoo kale macno gaar ah u yeelanayaan hadba jumladda ay ku jiraan sida in ay jumladdaasi tahay jumlo-su’aaleed oo kale. Haddii qoraalkaagu aanu lahayn wax calaamadaha ah, Taasi waxa ay dhib ku noqonaysaa aqristaha oo aanan hali doonin meel uu ku joogsado si uu u nasto.

Waa lagama-maarmaan in aad isticmaasho calaamadahaasi, gaar ahaan marka aad u baahato si qoralkaagu uu u noqdo mid dheelitiran, Islamarkaana aan lagu wareerin. Haddii aysan caalamadahaasi jirin bal sidee loo aqrin lahaa ama loo qori lahaa kalimaadkan soo socda :- La’aan, Ba’an, go’an, go’aan, Su’aal iyo waliba kuwa la midka ah. Adinkan idin weydiiye, sidee loo aqrin lahaa kalimaddan soo socota {Laaan} haddii aysan calaamaddaasi jirin ?

Maadaama far-soomaaligu leeyahay xarfo labolaabma, Waa in maanka lagu hayaa xarfahaasi, gaar ahaan marka wax la qorayo, si aanu aqristuhu ugu wareerin kalimaadka qaar. Haddaanu jirin nidaamkaasi bal sidee loo kala saari lahaa kalimaadkan soo socda:- Xabbad iyo xabad, Carrab iyo Carab.

Waxa kaloo jira xeerar qoraaleed la isticmaalo, gaar ahaan marka wax la qorayo si aanu aqristaha ugu wareerin kalimaadka qaar iyo waxa ay xanbaarsan yihiinba. Waxaanna xeerarkaasi ka mid ah weynaynta lagu sameeyo xarafka hore ee magacyada dadka, magac-uyaalada, magaalooyinka, maalmaha, bilaha, munaasabadaha, magacyada gobolada iyo xarafka ugu horeeyo ee jumlad kasta.

Ugu danbayn, Haddii aad raacdo dhowrkii qodob ee soo sheegnay, Waxaan hubaa in qoraalkaagu uu noqon doonno mid saxan, Islamarkaana dheelitiran. Iskunaday mar walbo inaad dib u firiso qoraalkaaga inta aadan daabicin, Maxaa yeelay waxa jiri kara khaladaad ka imaan kara xagga aaladda aad wax ku qorayso sida Kumbiyuutarka oo kale. Sidoo kalena iska ilaali inaad hal kalimad dhowr jeer ku dhex isticmaasho jumlad dhexdeeda, Waayo taasi waxa ay dhadhanka ka qaadi kartaa qoraalka oo dhan.

Xusuusin: fadlan wixii aan khalday yaan la igu canaanan, maxaa yeelay aqoontayda ayaa intaasi le-eg, Waana ogolahay in la i saxo.
W/D: Maxamed Ibrahim
Al-faatix1960@hotmail.com