Wararka naga soo gaaraya degmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta ciidamada dowladda Kenya ay tobon ruux oo shacab ah ka qafaasheen degmadaasi.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in ciidamada dowladda Kenya ee gudaha magaalada Ceel Waaq ka qafaasheen toban ruux oo shacab ah.
Ciidamada Kenya ayaa tobankan ruux e shacabka ah ee ay qafaasheen waxa ay la aadeen dhanka Kenya ee degmada Ceel Qaaloow, waxaana la ogeyn xaalada nolol iyo geeri ee ay iminka ku sugan yihiin dadkaa rayidka ah ee ay qafaasheen ciidamada Kenya.
Ma ay jiraan wax war ah oo kasoo baxaya dhanka maamulka dowladda ee degmada Ceel Waaq iyo sidoo kale dhanka ciidamada Kenya ee Qafaashay dadkan rayidka ah lana aaday gudaha dalkooda.
Dhinaca kale dhawaan ayay ahayd markii lagu laayay ciidamo badan oo ka ritsan ciidamada Dowladda Kenya degmada Ceel Cade ee gobolka Gedo, laga bilaabo maalintaas ilaa maanta oo aan jooganana waxa ay tacadiyo siugu jira Duqeyn, Dil bareer ah iyo qafaalasho ciidamada Kenya ka fulinayaa guud ahaan degmooyinka gobolka Gedo.
Isku soo wada duuboo waxaa aad u kacsan shucuurta dadka dagan gobolka Gedo, waxaana si xowli ah gudaha dalka iyo dibediisaba uga socdo gurmad la doonayo in loo fidiyo dadka rayidka ah ee waxyeelada u geysteen ciidamada Kenya, sidoo kalena guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayaa waxa ay cabaareyn dusha uga tuureen dowladda Soomaaliya oo aan ka hadlin xasuuqa joogtada ah ee aargoosigana ah ee lagu hayo shacabka gobolka Gedo, sidoo kalena waxa ay shacabka Soomaaliyeed cambaareeyeen dowladda Kenya oo si bareer ah u leynaysa shacab aan waxba galabsan kana baqaysa falaagada Argagixisada ah ee Al Shabaab ee xasuuqay ciidamadeeda.