AFDUUBKA DHAQAALAHA DALKA IYO DABARGOOYNTA DANYARTA .

0

Waxaan dhagaystaa ragga manta haya maamulka somaliya oo ku hadlaya ereyadan, sida iyagoo isku afgartay: “waxaa noola dhiibay wadan eber ah”, “wadanku waa sabool”, “dowladdu mishaar mabixinkarto, maxaa yeelay wax kaalma ah nama soogaarin”. “ciidamada dhowr bilowd mishaar maqaadan”, “lacagra eyraboorka aanku dhisanay waxaa noogu deeqay talyaaniga, eeraboorkanna kuwayt ayaa noogu deeqday 10 milyan”, “qasnada dowladda waxaan ugu imid $10 oo jeexjeexan”, “boqorka sacuudiga waxuu noo ogolaaday 15000 oo booyaasooyin ah”, iyo in intaa kabadan oo ah erayo niyad jab leh oo si joogta ah ugu soo dhacdo dhagaha muwaadinka SOOMAALIYEED.

Waxaan markaa is waydiiyay, madhab baa ilaa iyo heerkaa inuu wadanka nagu yahay sabool?!!! Dhanak kalase, side wadan yar sida sigapore oo kale oo aanan lahayn xoolo, beero, shidaal, iyo haba yaraatee wax kheyraat ah, dhulkiisuna yahay 85km dhirir ahaan, uu soo saaro lacag dhan 452 bilyan oo doolar!!

Dalka sigabuur waa dal ballaaran marka labarbar dhigo dalka Monoko (Monaca),oo dhulkiisa yahay 2km oo kaliya, shacabkiisuna yahay 35000 oo qof, sanadkiina soo saaro 5 bilyan oo doolar!!

Hadaba maxaa naga qaldan anagoo dhulka yagu la egyahay dalwaynaha turkiga, amma faransiiska? Ilaahayna uu nagu galladay kheyraad bad iyo barriba leh. Kheyraadka ballaran markala aan kahadalnee, maleeyahay wadanku hanta dag dag usoo celinkarto shaqada dowladda ee maalin laha ah miisaaniayaddana dagdag u kabi karto.

HANTIDA DOOWLADDA

Waxay dowladdii (xukuumaddii), dhacday ayadoo gacanta kuhayso hantidi uu qaranka iska lahaa maadaama ay wakiil ka ahayd shacabka soomaaliyeed oo ahaa sida dhabta ah kan hantidaas iska lahaa meel walbuu joogay, bari, galbeed, koonfur, iyo waqooyiba. Dowladda oo hantidaa maamuleysana, faa’iidada laga helo waxay dib ugu soo celineysay adeega shacabka, sida waxbarashada oo ilaa heer jaamacadeed lacag la’aan ahayd, caafimaadka, kaalmada beeraleyda, bixinta mishaaraadka shaqaalaha dalka oo dhan, xoojinta xoogga dalka iyo sugidda nabad galyada, dhismaha horumarinta howlaha guud iyo shaqooyin tira badan oo dal iyo dibadba leh.

Tan iyo maantana hantidaas waxaa iska leh shacaka somaliyeed dhammantii, mana jirto cid uu u idmaday in ay hantidaa u maamusho, oonan ka ahayn dowladda. Mana jirto meel intuu shacabka isugu yimid uu hantidaas kusiiyay dad kooban oo kutakri fala. Sidaa darteed waxaa waajib ku ah maamulka hadda jira oo dhaxlay sharciyaddii ay lahayd dowladdii burburtay in uu la wareego wixii hanti ah ee shacabka soomaalieed uu lahaa sida: isgaarsiinta, baanka dhaxee qaranka oo shaqaduu qaban lahaa xawaaladaha afduub ku heystaan, duulimaadka hawada, iyo dhammaan hantidii shacabka lahaa.

Mid waliba oo hantidaa kamid ah, waxaan kaga hadli doonaa qoraal madax bannaan, ee aan kubilowno isgaarsiintii qaranka soomaaliyeed!

ISGAARSIINTII QARANKA

Isgaarsiinta taleefoonada waxaa ay kamid ahayd hantidii uu lahaansheheedu kumideysnaa qaranka soomaaliyeed. Waxaan qoraalkaan kaga hadlayaa yaa qaatay hantidaa? Dadka hantidaa boolida ah qaatayse maxay kafaa’idaan sanadkii? Shacabkii hantidaa lahaa maxaa kasoo gaaro hantidaa? Maxaa wadanka iska badali lahaa hadduu soo ceshado hantidaas? Ogu danbeyntina waxaan waraaq furan udirayaa golaha shacaka iyo shacabka soomaaliyeedba.

YAAQAATAY HANTIDAAS MAXAYSE QABTAAN?

Isgaarsiintii qaranka waxaa gacanta kudhigay dhowr qof oo fara kutiris ah oon ka idan qaadan shacab iyo dowlad midna. Shirkadaha qaar waxaa si gaar ah uleh dad soomaali ah, qaarna waxaa shirkad ku ah soomaali iyo ajanabi (Maraykan iyo Carab), shirkadahaas qaar kamid ah waxay kashaqeyaan dalka soomaaliya oo dhan qaarna waxaa ay ku kooban yihiin gobolada qaarkood. Waxaa saldhig u ah magaalooyinka Muqdisho, Boosaaso, Hargeysa, Iyo Dubaay.

Waxay qabtaan gelinta taleefoonada guryahay, iibinta iyo bixinta taleefoonda gacanta (Mobile Phones), iibinta kaararka lagu hadlo (Calling cards), iyo bixinta internetka (Internet).

LACAGTA AY FAA IDAAN SANADKII

Dhamman shirkadaha ka howl galo soomaliya, masheegaan hantidooda iyo waxa ay faa’iidaan sanadki, sida shirkadaha kale ee kajira adduunka. Sababtu way caddahay oo waa hanta dhac ah, oon ladooneyn in la ogaado. Hadaba si aan u ogaano waxay ka helaan hantidaas qaranka sanadkii, waxaan soo xiganeynaa warbixinta hay’adda UN-ta uqaabilsan horumartinta UNDP. Waxay hay’addas sheegtay shacabka soomaaliyeed 52% (Kontan iyo labo boqolkiiba) inay haystaan taleefanka gacanta. Tiradaas waxay noqoneysaa in 6 milyan oo qof ay haystaan taleefanka gacanta. Dadka u shaqeeya sharikaduhuse way kabadanayaan tirada intaas. Si aan uqiyaasno lacagta ugu yar ee ay faa’idan sanadki, aan kasoo qaadno inay maalintii amma maalin walba laba milya oo qof iibsadaan min hal doolar, bishi waxay noqoneysaa 60 milyan oo doolar. Marka aad kudhufato 12-ka bilood ee sanadka waxaa ay noqoneysaa 720 milyan oo doolar. Tani waa lacagta ugu yare e ay kafaa’idaan hantida qaranka.

HALKEY AADAA HANTIDAAS?

Anigoo kaxun hantida intaa la eg waxay jeebka u gashaa dad yar oo qaarkood ajanabi yahay, iyadoo shacabki soomaaliyeed ee hantida lahaa kabaahan yihiin. Waxaa si qalbi jab ah inuusan shacabku daren saneeyn inuu hantidaa asagu leeyahay! Dadka hantidaas qaatay kama bixiyaan wax canshuur ah, kumana kaalmeeyaan waxbarashada, caafimaadka, jidadka, qodididda ceelasha, iyo kaalmada dadka tabaaleeysan. Lacagtaas waxaa soomaliya kasoo gaarto malaayinta doolar ee lagu laaluusho nimanka maamulka haya, si aysan uga hadlin lahaanshaha qaran ee hantidaas. Markaas ayay madaxda kucelceliyaan “wadanka waa sabool” iyo “waxaa noola dhiibay wadan eber ah”.
Hadaba marka waxaad is waydiisaa sabata barakcayaasha looga saarayo guryihii dowladda, oonan looga hadleynin dadkaa boobka kuheysta hantidii ugu wayneeyd ee dalka lahaa kuna habsaday wasaaraddii boostada iyo isgaarsiinta, shaqadii baanka dhexe iyo somali airlines.

Hantidaa waa laga maalaa ma ahane dib looguma maalgaliyo dalki laga boobay. Waxaana ka faa’ido dalal ajanabi ah oo lagu maal gashado sida, Jabuuti, Imaaraad-ka, Malaysia, Indonesia, Kenya, iwm.

MAXAA WADANKA ISKA BADALI LAHAA HADDII LOO SOO CELIYO HANTIDIISA

Miisaaniyadda wadanka ee la ansixiyaya sanadkan 2016-ka waxay dhantahay 240 Milyan oo doolar. Sanadkii tagayna wayba is dhintay miisaaniyadda, markii lawaayay deeq laga heli jiray wadama ajanabi ah. Lacagtaa yar ee miisaaniyadda ah meelna kama soo rogeyso wadan ballaaran sida soomaaliya oo kale. Kawaranse aqristow hadday miisaaniyadda gaari lahayd hal bilyan oo doolar? Ma ahan wax adag inaan helno miisaaniyadaas, haddii aan ku darsano 720-ka milyan ee doolar ee ay dulmiga kuheystaan nimanka afduubtay isgaarsiinta qaranka.

Makulatahay markaa in ciidamada wadanka loo waayi lahaa mishaar? Amma Talyaaniga loogu qaraaba sheegan lahaa gumeysigii dulanka ahaa? Amma gabdhaha soomaaliyeed booyaasooyin noqon lahaayeen?!

Sidoo kale aan fiirino gobolada isbadalka ay kuyeelan karto haday soo ceshadaan hantidaa laga boobay. 6-da gobol ee koonfurta hoose ee soomaaliya: Jubbaland, iyo Koonfur-Galbeed Somaliya. Waxaa kasoo jeedo dadka ugu dhiban soomaaliya iyo barakacayaasha uu baask-ka kuhabsaday ee seeraaraya soomaaliya. Dhanka kale waxaa kunool kalabar shacaka soomaaliyeed. Sidaa awgeed waxaa sanadkii kaga lunto isgaarsiinta lacag kabadan 360 MILYAN OO DOOLAR, hadday la wareegi lahaayeen hantidaa qaranka. Makula tahay inay dadkooda kujiri lahaayeen dhibkaan aad ila aragtid?!!!

sawir10
Tusaalaha 2-aad waa gobolka Gedo, oo dadkiisa halka milyan gaarayo ay wehliyaan boqolaal kun oo ah soomalida dagan xadka kenya iyo Itoobiya oo isticmaalo isgaarsiintaas.

Gobolkaa waxuu sanadkii kubiiriyaa hantidaa la dhacayo lacag kabadan 70 milyan oo doolar. Haba yaraatee lacagtaa dib uguma soo laabato iskuuladiisa, waddooyinkiisa, caafimaadkiisa, iyo ceelal loo qodaba. Iyadoo gobolkaa uu baryahaan danbe kucaan baxay macluul, abaaro, iyo biyo la’aan, waxaana kufilnaan lahaa haddii dib loogu celin lahaa 2 milyan oo kamid ah lacagtaa laga boobay!!! Amma dadka dagan ay garan lahaayeen inay sameystaan isgaarsiin ayagu leeyihiins sida gobolada qaarba kajirto una adeegta dadkooda. Amma ugu yaraan ay laxisaabtami lahaayeen dadkaa hantidooda boobaya waxna aanan kusoo celineeyn hormarka gobolka.

sawir1

Qoraalka soo socdana waxaan uga hadli doonaa, xawaaladaha iyo hantida ay qaranka kala maqan yihiin.

Danqasho Diiran, iyo Doonist a Dib Udhiska Dalkeeyga

Qore: Ustaad Abdul – Majiid