Calanka Yaa Iska Leh, Cidee Ayuuse Matalaa?

0

Dhamaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay allaah (SWT) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo aan xisaab lahayn iyo rasuulkiisii suubanaa Muxamed (CSW). Intaa kadib waxaan salaamayaa guud ahaan Muslimiinta, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed. Asallaamu calaykum warmatullahi wabarakatuh.

Waxaan aan jeclaystay in aan ummada soomaliyeed dib u xasuusiyo in calanka baluuga ah ee xidigta shanta gees ahi dhexda kaga taal in uu matalo ,astaana u yahay dhamaan ummada soomaliyeed ee gumaystuhu kala irdheeyey.

Qormadani waxaa ay si gaar ah fariin cad ugu diraysaa dhamaan madaxda iyo masuuliyiinta qaranka iyo kuwo dawlad goboleedyada, waxa ayna ku boorinaysaa in ay dhawraan xuquuqda uu ku leeyahay calankeena sharafta badan oo runtii aad moodo in ay dayac wayn ugaysteen.

Dastuurka jamhuuriyada federalka soomaliya qodobkiisa lixaad farqadiisa kowaad iyo labaad waxaa udhigayaa

(1). Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu muujiyey qaybta A ee Jadwalka koowaad, waa laydi buluug furan ah oo ay dhexda kaga taal xiddig cad oo shangees ah, madaxyo simanna leh.

(2). Astaanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu muujiyey qaybta B ee Jadwalka koowaad, waxay ka kooban tahay gaashaan buluug ah oo leh xiddaayad dahabi ah, dhexdana ku leh xiddig shangees ah oo dheeh qalin ah leh. Gaashaanka dushiisa waxaa ku yaal rukumo Carbeed oo xardhan, lehna shan madax oo dahabi ah oo labada geesba ku yaalliin ay kala qaaran yihiin. Hareeraha waxaa ka haya laba shabeel oo isu tusmaysan, kuna kala taagan labo waran oo isku weydaarsan caaradda hoose ee gashaanka, ayna weheliyaan laba caleen-cawbaar, diillin cadna ay ku qoofalan tahay.

Waxaa isla dastuurka jamhuuriyada federalku dhigaya isla qodobkan lixaad farqadiisa sadexaad sidatan

(3). Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya waxey yeelan doonaan calankooda iyo astaantooda u gaarka ah si waafaqsan nidaamka Federaalka. Inkastoo ummada soomaliyeed uu jahwareer farabadan ka haysto fahanka nidaamka wax isku dersiga ama (federalismka ),hadana waa muhiim in madaxda iyo shacabkuba ay dhawraan haybada iyo sharafka calanka soomaliyeed uu ka mudan yahay. khaasatan madaxda dawlad goboleedyada waa in ay xil gaar ah iska saaraan sidii ay udhowri lahaayen calanka ka dhexeeye dhamaan dadka Soomaliyeed.

hadaba wada hadalada caalamiga ah waxaa uu dal walba miiska wada xajoodka soo saara calankiisa,hadaba dawladaha xubnaha ka ah in ay calan hoosaadkooda dastuurku u ogalaaday in ay miisaska soo saran xiliyada wada xajood yada caalamiga sidii ay yihiin dawlad madax banaan meelna kagama taal dastuurka qaranka ,mana jirto meel ay ka dhacdo dunida xitaa hadii aan is barbar dhigno dawladaha ina lamid ka ee qaatay nidaamka federalismka.

Dasturku waxaa udhigayaa Qodobkiisa 53aad. Wada-xaajoodyada Caalamiga

(1) Iyada oo la qaddarinayo nuxurka iskaashi ee lagu shaqaynayo, xukuumadda Federaalku waa in ay Dawlad- goboleedyada kala tashataa wada-xaajoodyada la xiriira kaalmada dibedda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada caalamiga ah.

Guud ahaan dalalka qaatay nidaamka federalka dawlada federalka ayaa matasha dhamaan wadanka oo dhan iyada oo uu dalka leeyahay hal calan oo kawada dhexeeye dhamaan dawlad goboleedyada ku bahoobay wadankaas.

Isla qodobka 53aad farqadiisa labaad waxaa u leeyahay sidatan

(2).Marka ay wada-xaajoodyadu si gaar ahaan u saamaynayaan danaha khuseeya Dawladgoboleedyada, xukuumadda Federaalku ergada wada-xaajoodka geleysa waxaa kaabaya wakiillo ka socda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka Hadaba waxaa kusoo badanaya dalka in dawlad goboleedyadu ay shirarka calaamiga ah uga qayb galaan calan hoosaadkooda,taasina waxay ka hor imanaysaa dastuurka dalka udhigan waana arin mudan in laga dhidhiiyo.

Waxaa kale oo la yaab ah in hay,adaha iyo wadamada qaar ay ku xad gudbaan madax baaninada qaranka soomaliyeed ,iyagoo aan shardi uga dhigin in cidii soomali ah ee ay qaabilayaan ku qaabilaan hoos harsiga calanka soomlaiyeed,ayna iska diidan kutumashada madaxbanaanida dalka iyagoo og in calanka saxda ah uu yahay calanka buluuga cidii aan wadana aysan qaabilin .

Gunti iyo gababadii waxaan kusoo af meerayaa qormadan in madaxda qaranka,shacabi waynaha,madaxda dawlad goboleedyada iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee ummada soomaliyeed ay u fahmaan in calanku matalo dhamaan shacbi waynaha soomaliyeed,ee uusan matalin koox,deegan iyo cid gaar ah. Taas iayaga oo ka duulanaya ay wada ilaalshadaan sidii ay udhawri lahayaan haybada iyo sharafka calankaas ay wada wadaagaan.

Halku dhiga qormada

Qoloba calankeedu waa caynoo
Innaga keenu wa cirkoo kale oo
An caadna lahayne caashaqa
Xidigyey cadi waad na ciidamisee
Carrada kaligaa adow curadee
Cadceedda sideeda caan noqo
Cishadad dhalataad calooshayadii
Sidii culaygii cidaad marisee
Allow ha ku celin cawoy dhaha
Shantena cududood cadkii ka maqnaa
— (shantena → shanteenna)
Adow celiyoyna caawimayee
Wa calaf cimrigays-ku keen simayee

W/Q:Abdikadir Ibrahim Ahmed (Kambale)
Email:Geeljire1900@gmail.com