GOBOLKA MUDUG OO BARAARUGAY GARTAYNA DANTIISII.

0

Waa magaalo kamid ah gobolka mudug Bursaalax.

waxaana keenaya hagrashadaas dad cabsanaya oo si khaldan ufakaraya oo sharaystay arintaas,oo aan u ahayn shar laakiin u ah khayar.waxaase dhibta qaybta uugu wayn iska leh,shacabka walaalaha ah ee mudug,oo wali aan u bislaan ama aad u fahmin in ay iyagu yihiin isku dan,waxaa la yiri oo di ab ka dhaw.gobolka mudug ee puntland in uu dadkiisa,haday ahaan lahayd siyaasad,waxbarasho,dhaqaale is garabsaday ahayd.markay wax la qaybsanayaan puntland gudaheeda iyo soomaaliyaba.qofkasta oo ah mudug puntland waxay ahayd in uu matalo gobolka oo dhan kana shaqeeyo danta gobolka isagoon u kala saarayn qabiil iyo jifo midna.mudug waa mudug. siyaasigeeno waa hal.maha in aan is garabsan wayno macnaheeduna maha in aan abtir ahaan is xigno ee waa dagaan ahaan baan cidwalba iska xignaa,waana isku qasbanahay-

Waa magaalo kamid gobolka mudug Cagaaran.

Waxaa burburkii dawladii dhexe ee soomaaliyeed kadib,ka dhismay puntland dawlad goboleed hana qaaday.Gobolka mudug waxa uu kamid yahaygolada u ah laf dhabarta dawlada puntland.waa gobol leh khayraadka xoolaha nool,iyo shacab aad u tiro badan oo leh wax tar maanshaa allaah.marka la eego gobolada puntland wax yaalo farabadan ayuu gobolka mudug kaga duwan yahay gobolada kale oo dhan,waxaana ugu horeeya difaaca iyo ilaalinta danta guud ee puntland iyo u daacad ahaansho marka loo eego gobolada kale.gobolku intii danta guud kumaqnaa ayaa la xeeladeeyay oo mansabkii siyaasadeed ee uu mudnaa la dhaafiyay,isaga oo ay baarlamaanka puntland uugu jiraan 9 xubnood oo kaliya! gobolka oo aad u balaaran iskuna xira puntland oo dhan,ayaan wali helin in magaalooyinkiisa mudan in ay qaataan dagmo nimo aan lasiin,halka gobolada kale ee puntland loo magacaabay gobolo iyo dagmooyin cusub intay jirtay puntland. waana ku faraxsanahay goboladaas iyo dagmooyinkaas lamagacaabay waana danta iyo mustaqbalka puntland waana sax. dhaka kale waxaan sax ahayn in la ilduufo in mudugna sidaas oo kale la dhiso oo dhulka la dagaameeyo,mararka qaarkood waxaan u arki karaa in siyaaso ahaan mudug loo hagranayo.

Waa magaalo kamid ah gobolka mudug Daaru salaam ee degmada goldogob

Aduunyaduna waxay ku faantaa dagmadeeda iyo gobolkeeda dadkana kaa aad isku dagaanka tihiin baa kuu xiga.waxaad arkaysaa dadkii mudug wada daganaa,oo caruurtoodu halka iskuul wada aadaysay,xabada rootiga kala goosanaya,cadawga iska wada difaacaya,meel kuwada nool oo hadana inta lakala qaybsaday,lakala xaday,dhexdooda laga faa iidaystay ninba wax loo sheegay,mid habeen baad i xigtaa layiri ee taloow isoo raac,iyo mid layiri jagaan kusiin,iyo mid layiri aduunbaan kusiin,wax loo sheegayba reer mudug la qaybi lana maamulay.reerba reerka kale ee dariskiisa ah yuureebayaa,nin meel ka fog dagan ayuu u dhuuman oo aan aqoonba u lahayn dagaanka kala durugsan awgiis.

Maanta ma dhacdeen magaalooyinkaa sadaxda ah ee mudug ku yaal ee mida uugu yari dhisnayd 25 sanadood ee burburkii ayaan wali ahayn dagmo oo aan helin xuquuqdii dagmo heli lahayd.mudug beelaha dagan waa in midwalbaa helaa dagaan muuqda oo niyadiisa iyo jiritaankiisa iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo hormar ahaaneedba la dhisaa waayo waxaa ku jirta danta mudug iyo puntland iyo soomaali oo dhanba.waayo dadku markuu dagaamoobo oo dagmo yeesho waxa uu bilaabayaa hormar ganaacsi,dhismo tacliin maagoobid iyo hormar wadanigaana sidan u fakara. laakiin adaama waxaba iska jira qaar hormarka la diriraya oo aan wax quurba lahayn ah in la hormaro,sidii isagoo aadamaha u haya nolasha.

Waxaan leeyahay 3 daa dagmo waa cagaaran,bursaalax iyo daara salaam oo mudug ah isku tashaday oo dhistay dagaanadooda hormar sameeyay yaan la niyad jabin siriqda siyaaso halaga siidaayo oo cabsida hala joojiyo.ma ogtahay markaad walaalkaa garabka qabato tusto in aad la rabto hormarka aad adiguba tiigsanayso waxaa bilaabmaya isjacayl is aamin iyo kalsooni buuxda dadkuna wuu ku dhagaysan talada aad keentana waa lasoo dhawayn.laakiin hadaad dadkaaga hangool ku hayso uun hade wuxu waa dadooda isna waa ku xeeladaynayaa,markaa marhaday daacadnimadu luntana,waa uun is khiyaamid,is xeeladayn iyo is jilaafayn oo macnaheedu yahay dib u dhac iyo doqonimo iyo khasaaro uun.sideedaba waxaynu rabnaa in dadkeenu puntland ahaan wada noolaadaan,helaan sharaf,tacliin,karaamo qofna katagi mayno dadku waa qaali weeye.midka inakala dilaya waa in aan ka cawdu bilaysanaa sidii shaydaanka oo gacan bir ah isaga qabanaa haduu yahay kuu aabahaa dhalay iyo dadii adiga kugu xigtay,waayo muxuu iitari nin kala dilaya dadkayga oo dib u socod ahi.

Walaalday mudug ha midoobaan danta aayahooda halmeel ha uga soowada jeed sadaan ayagoo hal ah oo mudug ah. waxaan ka rabnaa mudug marka u horaysa ayagoo wada jira in ay xisaab latagaan garoowe casimadeena oo horgeeyaan baarlamaan keena arinta keentay in la hor istaago 3 daa magaalo ee xaqa uleh in ay helaan aqoonsi dagmanimo ileen iyagaa isdhisay oo hada waxba cidna uugama baahna aan ka ahayn taageero magacsiin ah.Maamulka puntland waxaan u sheegayaa in ay hormarka wada gaarsiiyaan puntland oo dadka ka daayaan dulmiga aan waxba nina u tarayn dib u dhacmooyaana.

Gunaanad

Waxaan jeclahay hormarka puntland,waxaana ku talin lahaa in shir Wayne laysugu yimaad,ah dib u yag leelida puntland iyo jihaynteeda aayaha ayadoo la turxanbixinaya waayaha soo kordhay.boon ka jafid wayn bay hada u baahan tahay puntland,waa liicnay waa in aan toosnaa.waa in laga hadlaa dagmada goldogob si gaar ah lana dhagaystaa lana yeelaa,waa in sidaa si lamid ah la baadi goobaa ssc bulshada ku nool oo la dhagaystaa tabashadooda iyo taladooda kadibna la qaataa si gaar ah,deegaanadooda waa in puntland ay tabar iyo taagba isugu gaysaa dadku waa irdhoobay ee lasoo dumaa,shacabka puntland ma aha shacab aragti liita ee waxaa inaga xumaaday in aan dadka gaarsiino xukun ay u siman yihiin oo ka gudubno wax aan gaarka u xiranay.waa in aan ka gudubnaa dareenka ah beelaha oo ah wax laga tagay puntland aysan u baahnayn,aan soconaynin oo aad u foolxun.puntland waa puntland qofkuna waa puntlander,qabiilkiisuna waa gobolkiisa,siyaasadiisuna waa markii xisbi lasameeyo xisbigii uu doorto oo uu ku doorto oo kaliya haduu u arko in uu wax tari karo,hormarin karo puntland,waxa intaa kasoo haray ee cid loo doortaa waa waxaa meela gaarayn laguna faa iidayn dala ku hormarayn.xisbigu waxa uu meesha kasaarayaa beesha.xisbigana 5 nin ee u saraysa maamulkiisa waa in ay yihiin beelo kala duwan isku beel ma noqonkaraan,waayo waxaa imanaysa maxaa iskiin daba dhigay idinka reer gar joqofle ah!!!? hadaba xisba ragii u sareeyay haday kala hayb yihiin nin kii toosh qabiilo watay xaguu ku iftiimin!! xisbigaa fiican iyo ilbaxnimada oo ah in qurunka laga gudbo.gobolkaaga u dood,dagmadaada u dood puntland u dood soomaaliya udood,afrika udood,carab udood aadamaha u dood waa sidaa sharafku iyo dadnimadu.bal waxaan eegi sida hada mudug wax u qabsado.

Horaan maqaal uga diyaariyay in dagmooyinkaas la magacaabo,hadaan meel cidla ah garaacay oon habaabay anoo isleh wax wanaaji halaysaxo,hadaan wax dhimay halayga raali ahaado,hadaan xaqdaro wado oo aan wax dheeri ah doonayo halay sheego,waxaan arkaa in ay tahay danta dadka iyo dawlada puntland waxay soo kordhiso mooyee uma arko wax khasaara ah oo inooga iman hadaan dadkeena dagaamayno.ma ihi macangag ku dhagan arintaan laakiin daacad baan ahay,hadii puntland ay iyadoo daacad ah ay arintaa ileedahay looma baahna mana aqbalayno waxba kama qabo waayo dangaara oo anigu aan ka helayo shaqsiyan oo arintaan igu riixaysaa majirto ee khayr guud baan u arkay.

Qofkastaa rag iyo dumar waa in uu dagmadiisa jeclaadaa,kadibna gobolkiisa jeclaadaa,kadibna dalkiisa jeclaadaa,sidan ayaa aduunka looga dhaqmaa hadii kale waxaan lamid noqonaynaa shaydaankaa ehelkii ibliis yahay ee mogdisho ka dhex ciyaaya oo leh 4.5 iyo qabiil dawlad halagu dhisto iyo qaran oo soomaali bohol katuuray gaalana kumaad sanayso!!

Yuusuf Cumar
Mashruuc5@hotmail.com