DHAGEYSO:- Haweenka Nadaafada G/Banaadir oo ku geeriyooday Qaraxyadii Muqdisho ka dhacay

0

2 ka mid Haweenka ka shaqeeya Waaxda nadaafada  ee Maamulka gobolka banaadir ayaa ku geeriyooday Qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho.

Haweenka geeriyooday ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen goobta ay wax ka dhaceen, iyagoo ku guda jira howlo Nadaafadeed.

Agaasimaha Waaxda nadaafada ee Maamulka Gobolka Banaadir C/casiis goodax Barre ayaa sheegay in labo Haween ay ka geeriyoodeen, isla markaana aysan jirin Haween kale oo waxyeelo ka soo gaartay.

Sidoo kale Agaasimaha Waaxda nadaafada ee Maamulka Gobolka Banaadir C/casiis goodax Barre ayaa sheegay in ay hada ka wadaan howlo nadaafadeed goobihii ay ka dhaceen Qaraxyada.

Waxa uu xusay in aysan joojin doonin howlaha nadaafadeed oo ay ka wadaan Wadooyinka muqdisho.

Hoos ka Dhageyso Codka:-