Beesha sade oo ah beel balaaran oo kamid ah beelaha soomaaliyeed kana soo jeeda Daarood,ayaa leh taariikh filwayn oo soo jireen ah.waxay beeshu dagtaa Gobolada dhexe ee soomaaliya iyo jubooyinka.dhanka siyaasada beeshu waxay ahayd mid waligeedba ka dhex muuqata umada soomaaliyeed kuna lahayd sharaf iyo karaamo.waxay dalka soomaaliyeed hogaaminayeen mudo 21 sanadood ah hadii la bi dhaan dhawranayo madaxwaynuhu yuu yahay.nina ma inkiri karo sida sade u bilay qarnankii soomaaliyeed,siduu u mideeyay,siduu u hormariyay,sida uu isimay oo uu ugu cadaalad falay.sade xiligiisii waxaanba orankaraa waa xiliga soomaaliyaba ay waxnoqotay qof walbaana helay xaqiisii.
Sade kahor majirin u sinaansho xubnaha baarlamaanka,ma jirin u sinaansho maamulka wasiirada iyo jagooyinka dalka guud ahaan,ma jirin u sinaansho tacliimeed,majirin u sinaansho shaqo dawladeed intuba.sade waa kan simay soomaali,wakan afkii hooyo nooqoray,waa kan Eithiopia naga difaacay,xoreeyay soomaaligalbeed oo markii dabe quwado shisheeye sida ruushka iyo reer galbeedku nooga hiiliyeen Eithopia oo dib nooga soo saareen.sade waxa uu dhisay dalka oo dhan,waxa uu dhisay caasimada,waxa u dalka kasameeyay tacliin bilaash ah,qofkastaa waxa uu helay fursad in uu wax barankaro.ciidankiibuu noo dhisay,shaqaalihii buu noo dhisay,warshadihii buu oo dhisay,jaamacada carabta yuu nagu daray.afrika dawladaha uugu dhaqaale fiican uugu ciidan fiican uugu tacliin fiican ayaynu noqonay.waxaas oo dhan waxaa keenay cadaaladii iyo sinaantii iyo wadaniyadii uu nagu hogaamiyay raximullaahu madaxwaynaheenii aanu aadka u jeclayn maxamed siyaad bare aabihii umada soomaaliyeed.
Sade cidna anigu hada ma barayo wakaa soomaali uwada barooranayso,hogaankiisii iyo cadaaladiisii iyo wadiyadiisii.hadaan intaa ka gudbo,sade waxa galay qalalaaso siyaasadeed burburkii kadib,tasoo uu la qabo soomaalida inteeda kale.hasa yeeshee ugu danbayntii waxa uu isku fahmiwaayay ka qayb galka maamulka ka dhismay jubaland.laba garab buu noqday sade hayeeshee ragbaa maanta u kacay oo isu keenay walaalihii kala maqnaa oo fikir siyaasadeed uun ku kala maqnaa.waxay garteen sade dantiisii,maxaayeelay jubooyinka side isagaaba u dhulwayn,xasilooni iyo dawlad ka dhalata jubooyinkana isagaa helaya manfaca uugu badan waayo waa dagaan balaaran,dakada waxa kasoo dagaa isagay uugu tagi gedo iyo baar dheer,shacabkiisii baa dagan kismanyo oo noolanaya,siyaasada iyo jagooyinku usareeyay bay joogaan,danta sade waa taageerida jubaland state oo hana qaada kursiga madaxwayne maalinba nin baa jooga macno malaha sadana madaxwayne uma ciil qabo haduu waxtarayo soo arag.in maanta ay dadkoodii mideeyaan ka shaqeeyaan xasiloono wiilashooda aysan dagaalo macno daraha uga dhiman inay garteen waa guul wayn iyo talo odayadii laga sugayay sade waligiiba laguna yaqiinay.
Meel hadii dadkaagu ku badan yahay,oo ay ka jirto xasilooni iyo hormar ogoow waxaa tahay kan ugu faa iido badan.waxbarashadii hadii la hormariyo qaybaa tahay,ganaacsigii hadii lahormariyo qaybaatahay,wax kastoo hormar ah aday dan kuu tahay.hadiise meeshu ahaato mid colaadeed dadkaaguna ku badan yahay adaa dhibka ugu wayni ku samaynayaa tan waa in la fahmaa oo nabada lawada xagsadaa.madaxdii sade maanta waxay mideeyeen dadkoodii waxana u bilaatay taariikh cusub iyo hormar.hadaba anagoo ah hartiga xalaasha ah(hartiga jubaland kabadalan hartiga puntland) iyo absame iyo beelaha kale ee soomaaliyeed jubaland state wada dagaa waxay hanbalyo iyo faraxad udirayaan beesha sade meel kastoo ay dagantahay gaar ahaan jubaland waana ku faxsanahay in aad heshiisaan hormar bay nootahay idinka kaliya mahee kuligeen jubaland ahaan.
Waxaa jira walaalayaal dad shayaadiin ah oo ka xun heshiiska sade,ka xun jubaland oo hormar iyo nabad hesha kaxun in aynu dawlad ahaano.waa in aynu kuwa noocaas ah u feejignaanaa oo gacana ku difaacanaa jubaland ganaca ku hormarinaa nolasheena iyo midnimadeena.sade maanta waxa uu fadhiyaa guul waxa uuna hayaa wado sax ah iyo wadadii guusha.faraxad bay anagana nootahay raalibaanu idinkanahay anagoo ah hartiga xalaasha ah ee jubaland ee darwiish hogaaminayo,waxaana idiin ogolahay sharaf,madaxnimo,ehelnimo,karaamo,iyo waxkastoo walaal kamudan yahay walaalkiisa kale. maqabno cuqdad iyo xasad iyo xumaan xagiina ah haba yaraatee horana umaan qabi jirin waligeedba. shaydaankiina wakaa aad naarteen.
Maamulka sare ee jubaland waa maamulkiinii idinkaa hafmiwaayay amr hore nasiib daro,axmed iyo darwiish iyo fartaag waa ragiinii maantaadse garateen.jubaland waxay noqonaysaa meesha uugu nabada badan uuguna hormarsan soomaaliya.sade dil iyo dhib iyo mooryaanimo joogta ah nina kuma jiri karo dhaqan sade u qalmana maba aha iyo cidwalbaba.gaba gabadii hanbalyo hanbalyo xajista wada jirka iyo midnimada qiimo malaha nin danayste ah oo kursi dantiisa uun ah u ordaa danta guud baa kawayn.sade isu imaanshihiisu waaba qarankii soomaali oo guulaystay.
Yuusuf Cumar
mashruuc5@hotmail.com