Mahadnaq: Waxaan U Mahadnaqayaa Dhamaan Siyaasiyiinta Beesha Sade Gaar Ahaan Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini.

0

Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan dadka aan ka dhashay ee Sade iyo Soomaali haddii ay leeyihiin Gudejoog iyo Qurbajoogba waxaan doonayaa inaan mahadnaq balaaran hawada u mariyo dhamaan Siyaasiyiinta Beesha Sade ee dhawaanahan shirarka uga socday magaalada Kismaayo.

Runtii maanta ma maleyn kartaan dareenkayga sida uu yahay iyo waxa aan dareemayo shaqsiyan, sababtoo ah waxaan oran karaa oo kaliya tani waa mucjiso rabaani ah ileen fuley xantiisa ma moogee marba haddii ay meesha ka baxeen laba qodob oo ay bulshada ama siyaasiyiinta kale ee Soomaalida ka aaminsanaayeen Siyaasiyiinta beesha Sade beena ay noqdeen kuwaa oo ahaa:

1- Siyaasiyiinta Beesha Sade Isuma Imaan Karaan iyo 2- Siyaasiyiinta Beesha Sade Ma Heshiin Karaan mana midoobi karaan.

Maanta waxaa guul taariikhi ah noo ah Walaaleyaal inay siyaasiyiinteena isu yimaadeen islamarkaana heshiiyeen midoobeen dhinac kasoo wada jeesteen, waxaana oran karaa waa mucjiso Rabaani ah inay sidaan wax u dhacaan, waxaana mahadeeda oo dhan leh Allaah Subxaanahu Watacaalaa, waxaa kaloo u mahad naqayaa adoonkiisa uu dadkan usoo diray inuu bad baadsho ee waqtiga iyo dadaalka aan horey looga arag siyaasiyiinteena gashay suurta galida isu imaantinka iyo heshiiska ay gaareen siyaasiyiinta beesha Sade, waa Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, waxaan oranayaa Mudane Wasiir Diini Waad Mahadsan Tahay adiga iyo dhamaan raggii kaala shaqeenayay howshan adag ee nin walbaa oo isku daya shantii sano ee la soo dhaafay inuu wax ka qabto uu ku fashilmayay inaad u dhabar adeegteen guushan quruxda badana maaanta ka dhaliseen, guushaas oo ah in Siyaasiyiinta beesha Sade Heshiiyaan islamarkaana Midoobaan.

Waxaa sidoo kale u mahadnaqayaa dhamaan siyaasiyiinta beesha Sade ee ku sugan magaalada Kismaayo ee uu Wasiirka Gaashaandhigga Gen. Diini isugu keenay Magaalada Kismaayo sida ehelnimada leh ee ay ugu tala dhiibteen amaba ugu aamineen inuu dhex dhexaadiyo Wasiirka Gaashaandhiga Gen. Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, waana inay ogaadaan waxay maanta bud dhige u yihiin guusha usoo hoyatay beesha Sade Gudejoog iyo Qurbajoogba.

Heshiiska iyo midnimada Siyaasiyiinta Beesha Sade ee ka dhacday magaalada Kismaayo Waa Guul, Waa Guul Sade, Waa Guul Reer Jubbaland, Waa Guul Soomaaliyeed, waxayna mudan tahay in dhamaan qaybaha bulshada Sade, reer Jubbaland iyo dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ay soo dhaweeyaan islamarkaana u taageeraan sidaan u taageerayo, sababtoo ah Midnimada beel kamid ah beelaha Soomaaliyeed waxay u wanaagsan tahay waxtarna u leedahay midnimada guud ahaan Ummada Soomaaliyeed.

Gabgabada qoraalkeygan Akhyaareey inkastoo aan aad iyo aad u qiireysanahay runtiina aan qoraalka idinku badiyay amaba idinku dheereeyay, waxaan doonayaa inaan kusoo gabagabeeyo qoraalkeyga ducadan, Yaa Allaah, Yaa Raxmaanu, Yaa Raxiimu, Yaa Rizaaqu, Yaa Maaliku Yaa Qudduusu, Yaa Salaamu, Yaa Mu’minu, Yaa Muhayminu, Yaa Caziizu, Yaa Jabbaaru sidaad u mideysay Siyaasiyiinta Beesha Sade Ilaahoow u midee dhamaan Ummada Soomaaliyeed oo ka dhig dhamaanteed Ummada Soomaaliyeed Hal Beel ah oo u mideysan waxtarka Diintooda, Dalkooda iyo Dadkooda. Aamiin Aamiin Aamiin.

Wabilaahi Towfiiq

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed
Run Sheeg Waa Ceeb Sheeg