Dur Duro. W/Q: Abdullahi Ahmed Azhari

0

Durduro waa eray Af Somali ahaan lagu macneeyo oradka Geela oo ay baabbacayni (biqlayn) ku jirto.Sidaas oo kale, waxaraha iyo Aaranka Arigu way Durduriyaan waxayna Soomaalidu ka tiri erayga Durduro maahmaahyo iyo Murtiyo dhawr ah, sida:

Durdura geel baa ku jabay.
Geel duqdiisii durdurisay Aarankiisii maxaad moodaa.
Hadba duulbay u didaayoo u durdurisaa.
Durduro waxarood xanan qodaxa bay kula gashaa.

Hadaba, hadii aynu dib u eegno, tuduca heesta Durdura geelbaa ku jabay, macno ahaan waxaan ka dheehan karnaa, in durdurada khatari ku jirto. Sidaas oo kale, nuxurku waxa uu ishaarayaa in durdurinta ay sideedaba ku lifaaqanyahay kibir iyo dheerayn ka-fiirsasho la’ aan ah.Durduradu iskama timaaddo ee waxaa keena Dheregta, oo xoolo baahani inta badan ma durduriyaan.
Ararahaas iyo tusaalooyinkaas kaddib, waxa aad ila mooddaa madaxda Soamaalidu heer walba oo ay leeyihiin in ay ka boodayaan hannaanka iyo habdhaqankii hoggaaminta hay’adaha, oo ayna ku dhaqmayn wixii inoo qornaa ama la isku xukumilahaa, sida Datuurka iyo Shuruucda kale ee lagu hoggaamiyo Hay’adaha Dawladda.

Heer kasta oo ay madaxdu yihiin waa isaga durdurinayaan meelmarinta iyo gudashada Xilalkooda. Kuma dhaqmaan qorshaha iyo qaab-dhismeedka hay‘adaha u degsan.

Xilalka waaxyaha Hay’ada waxay inta badan u magacaabaan dad aan aqoonteed lahayn oo aan gudan Karin wixii loo igmaday. Taasi waxa ay keentaa in kala-sareynta shaqaalaha iyo fulinta shaqadu isku yaacdo. Badanaaba marka la qorayo shaqaalaha lama soo mariyo agaasinta Hay’adda shaqa-qorista. Kolkaasna waxaa kursiga ku fariista qofku asaga oo aan soo marin sharciga iyo habdhaqanka shaqaalaha.

Markii masuulka hay’adda la beddelo waxaa isla markiiba meesha ka baxa shaqaale badan oo garab iyo qabyaalad loo keenay Hadii madaxa hay’ada xilkale loo magacaabo, shaqaalahii hay’adddi hore ee xaggiisa ka soo jeeday waa uu la wareegaa , si kastaba ha ahaatee waxaa laga yaabaa in shaqaalahaasu ay siminaaro iyo tababaro xirfadeed ku qaateen hay’adii hore oo an tan cusub looga shaqayn , waxuuna shaqada Ha’adda Cusub ka bilaabaa kala shaandhayn. Sharciga shaqaalaha waxaa ku xusan qodob oranaya Madaxa Ha’adda ( “ogoow in ayna shaqaalaha hay’adu adiga kuu shaqayne ee aad wada shaqaynaysaan’).

Madaxda qaarkood marka laga qaado xilka, macluumaad badan oo ku kaydsanaa Koomputeradooda oo aan horay loogu gudbin xafiiska kaydka Macluumaadka iyo waraaqaha ( Arkibiyo) bay la tagaan.

Geel duqdiisii durdurisay Aarankiisii maxaad mooddaa!: Masuuliyiinta maammul-Gobaleedyadu iyo kuwa caasimadda muqdisho oo maqaameeda gaarka ah in la sharaxo laga meermeerayo, hab qabiil iyo dhaxal dhalasho bay shaqaalaha iyo Ciidamada ku qortaan. Waxaa meesha ka baxay aqoon-ku-xulashadii shaqaalaha iyo ciidammada. Waxaa si dhab ah u jira nin shahaado sare oo jaamacad haysta oo uu madax u yahay mid aanba dugsi sare ka bixin. Ciidamada qalabka sida iyagu waaba ka daran yihiin.

Xafiisyada Dawlada sida kan Madaxweynaha, kan Ra’iisuwasaaraha, Wasiirrada, kuwa Madaxweynayaasha Dawlad Gobaleedyada iwm dadbaa mar walba hor tuman loomana sinna in la arko madaxda. waxaa ka jira Arintii ahayd, Dhug dhug soo daa Gar badayl celi, Geesa weyniyo ida la hogtana Geedka ku hor joog, Dadkaasi waxay wataan warqado Sababaysan oo lagu doonayo dhaqaale aan ku Xusnayn Miisaaniyada Dawlada ama Hay’da, waxaa is daba wareegaya Boonooyin iyo qaan sheegad u kala gooshaya xafiisyada madaxda Sare, kuwa wasaarada maaliyada, Bangiga dhexe iyo Hoteelada Waaweeyn, waxay dadkaasi ku jiraan firxad iyo kala orod. “Nin qaroon hela nin quwaax hela, iyo min iskaba qada, carro waa quud ee hala qarafsado.”

Madaxda Mid walba waxuu u maamulaa xafiiska uu joogo sidii meherad uu leeyahay. Qaarkod waxayba ku doodaan in ay beeshoodu saami u heshay hay’ada 4.5 ahaan.

Xafiisyada Madaxda sare ee DF iyo kuwa Dawlad Goboleeyadaba waxaa jira Dhaqaale si toos ah iyo Si dadbanba u soo gala Dawlada, oo aan lagu shubin khasnada Dawlada. Sariirta hoosteeda iyo khaanadaha Xafiiyadooda bay badanaa taal. Xisaab xir ay hantidaasi martaa ma jirto.

Markii Madaxda Sare ee DF iyo kuwa Dawlad goboleeyadu safar dibedda ah ama Gobolada u baxaan, saxmad kama jirto Xafiisyadooda, dadka qaar way uga daba tagaan Gobolada ay u safreen. ( “Durduro waxarood xanan qodaxa bay kula gashaa’). Safar ku maqnaasha hooda awgeed waxaad ka dareemaysaa Caasimadaha Dawladda Cidla iyo dad yari. Meelaha qaarkood, waxaa Dawladda lagu xantaa Magaca “Madax kanool”.

Dawlada Federaalka ah iyo kuwa Gobaladu had iyo jeer Xurguf baa u dhaxaysa, waxayna isku haystaan dhaqaale iyo Mashaariic Houmarineed hirgalinteed, ayaga oo aan ku kala baxayn waxa u qoran ee Dastuurka oo ay wax kasta ku cad yahay.

Waxay isu adeegsadaan Mediyaha oo aad ka maqlayso Maamul Gobaleed baa Dawlada Federaalka ah kala laabtay Citiraafkii iyo wada shaqayntii sidii laba dawladood oo siman.
Hadba duulbay u didaayoo u durdurisaa. Waa iska yaacayaan, waxaad ku arkaysaa Aduunka meel walba iyaga oo isdacweynaya, waxayna u kala galaangal badan yihiin sida ay u haystaan passaporrada Ajnabiga ah oo ay ku safri karaan.

Abdullahi Ahmed Azhari
azhari101@gmail.com