MAQAAL: Somaliyada cusub iyo Caalamka Cusub.

0

Rubuc Qarni (25-sano) kadib waxa isbadalay Miisaankii Caalamka Waxa dhamaday Halkii Khidbi ee looga talin jiray Caalamka “Unipolar World” oo uu Hogaaminayo Maraykanka waxana booskeedii soo galaya, Miisaan Cusub oo la dhihi karo “multi-polar” ama Quwado badan oo kala duwan, ama “no polar” Quwad la’aan. Isbadaladaas waaweyn ee Istaraatiijiga ah ee ka dhacaya Caalamka intaanan guda galin bal aan woxogaa aan dib ugu noqono Taariikhdeenii Dhoweyd ee mugdiga badan la galisay.
Bilowgii “Unipolar World” Casrigii Maraykanka

Waxay tabarta ishaysasho ee Soomaalida ay ku dhamaatay Bilowgii Burburkii Midowgii Soofiyeeti 1989-kii; waxayna fursad u weysay inay hesho kala wareeg Nabadgelyo ku dhamaada, burburkii Dowladii Dhexe Sanandkii 1991-dii. Sidaas Darteed ayay Nasiibdaro waxay u noqdeen muraayada laga fiirsado iyo Tusaale laga dheehdo Foolxumadii iyo Fasahaadkii Bilowga Qarnigii Maraykanka iyo Nidaamkiisii Cusbaa ee “New World Order”.

Xiligaas Gudaha Maraykanka waxa ka bilowday alallaaskii Guusha, waxaana bilowday hidde iyo Falsafad cusub oo raadinaysa Cadaw Cusub, si uu Maraykanku usii Noolaado. waxa cirka isku shareeray cabaadka Qorayaal badan oo ay ugu horeeyaan Mr Fransis Fukuyama oo qoray Buugiisi caanka ahaa ee “the end of History and the last man” oo macnaheedu yahay “Dhamaadka Taariikhda iyo Ninka Ugu Danbeeya”. Iyo “Clash of Cvilizations and remaking the World Order” oo uu qoray Semuel Huntington 1993, oo ah “isku Dhaca Xadaaradaha iyo dib u sameynta Nidaamka Caalamiga ah” Waxay ku mideysnaayeen mufakiriintaas in uu dhamaaday Casrigii Shuuciyada dhamaad aan soo noqosho lahayn! Iyo Bilowga Casri cusub oo uu Maraykanku Hogaaminayo oo ku dhisan Nidaamka Dimuqraadiyada Liberaalka ah “Liberal Democracy” . Waxa uu Fokuyama xusuusiyay Reer Galbeedka in Demoqraadiyada Reer Galbeedka ay tahay Anglo-Saxon-Christian Value oo macnaheedy yahay Dimuqraadiyad Taariikhdeedu tahay Anglo-Saxon oo ah reer Galbeedka huwana Qiyamka Masiixiyada, Sidaa Darteed ay jirayaan Diimo kale oo aan qaadan karin Qiyamkaas; tusaale diinta Islaamka.

Huntington waxa u leeyahay “waxa loo baahan yahay inaan ceebeyno Waaqica oo aan u fududeyno si u adeegi karta ahdafteena” waxa uu qaybtaan ku qeexayaa huntington “the increased role and importance of religion in world politics. Religion is the societal factor that has filled the vacuum created by a loss of political ideology” waxa uu leeyahay “doorka sii saa’idaya ee Diinta ay ku leedahay Siyaasada Caalamka, Diintu waa sabab Bulsho oo buuxinaysa marka ay lunto Aydiyoolajiyadii Siyaasadeed (ee Mujtamac)”.

Waxa uu inbtaas kudaray in “dadku ay u baahan yihiin meel ay ka helaan Hawiyad, (identity) meel ay ka helaan Qaabab cusub oo ah Mujtamac Degen iyo afkaar macnawi ah oo cusub oo laga helo dareen dhalinaya macno iyo Ujeedo ”” diinta way awoodaa inay buuxiso baahidaas” People “need new sources of identity, new forms of stable community, and new sets of moral precepts to provide them with a sense of meaning and purpose” (97). Religion is able to meet these needs”. Waa uu sii waday “ the resurgence of Islam “embodies the acceptance of modernity, rejection of Western culture, and the recommitment to Islam as the guide to life in the modern world” (110)” sidaa darteed ayuu waxa uu saadaalinayay in soo muuqashada Islaamka uu macnaheedu yahay (diidmada casriyeynta, diidmada Hiddaha reer Galbeedka iyo soo celinta Islaamka si uu u hogaamiyo nolol Casri ah caalamka) I taas oo macnaheedu uu yahay.Cadawga soo socda waa Islaam.

Isagoo sii sharaxaya waxa u leeyahay “During the Cold War, the bipolar world order enabled countries to identify themselves as either aligned or non-aligned. In the post-Cold War world order, countries are no longer able to easily categorize themselves and have entered into an identity crisis” the idea of “torn countries,” or countries that have yet to entirely claim or create an identity.waxa uu leeyahay “Xiligii lagu jiray Dagaalkii Qaboobaa waxa jiray Nidaam Caalami ah (bipolar) oo u ogolaanayay Dowladaha inay sheegtaan dhinaca ay raacsan yihin ama inaysan cidna raacsaneyn, hadase waxa uu sheegay inaysan fududeyn in Dowladuhu ay is Cadeeyaan……waxayna galisay mushkilado Aqoonsi .Waxa uu ka hadlay dalalka kala go’ay ama dalalka aan wali si guud isu cadeyn ama aan u aburan Hawiyad.

Taas waxay ka dhigtay Islaamka Cadawga IftirAADIGA AH ee ay tahay in Reer Galbeedku ay Baartilmaameedsadaan… Isla marxaladaas ayaa waxa soo ifbaxay afkaar dhahaysa Mujtamacyada gala marxaladaan ah Qarniga Maraykanka, looma Baahna inahy sameeyaan Kacaan ama kacdoon Bulsho oo dalbada isbadal doon Xoog ah?!..si taas looga hortago ayna u suurtogasho kala-qaybinta Dowladaha ayaa waxa la abuurtay qawaaniin Caalami ah oo lagula diriro Badiilkaas la fili karayay ee Islaamka!

Waxa meesha ka baxay Nidaamkii West-Value ee ee Ilaalin jiray Xuduudaha Caalamiga ah ee Dowladaha, waxa booskeedii galay abuuris Fowdada Qalaaqa ah (creative Chaos)oo kala qaybisa kalana jartarta Soomaaliya……kadibna waxa soo baxay Nidaam Federaal ah oo ay Hogaamkinayso Itoobiya. Mashruucaan mid u dhigma ayaa iyadana ku Fashilmay Wadamada Carabta oo loo sameeyay Federaaliyad ay Hogaamiso Israa’iil.

Xiligii Madaxweyne Jimmy Carter 1977-1981, ayaa waxay dowlada Maraykanku dhagax dhigtay Mashruuca kala Qaybinta Caalamka Islaamiga ah ee uu soo diyaariyay ninka lagu magacaabo Dekumentiga Bernado Luwis e lagu kala qaybinayo “Midnimada Dastuuriga ah ee Dhamaan Dowladaha Carabta iyo Islaamka ” iyadoo loo kala qaybinayo Kaantoonaad, Duweylaad, Qabali, Madhab, Qowmiyad, waxana uu sawiray Qariidad cadeynaysa sida ay u kala degen yihin Dadkaas ee loo rabo in lo kala qaybiyo.,Koongreeska Maraykanka ayaa si sir ah u ogolaaday Mashruucaas Sanadkii 1983-dii…Sida laga soo weriyay Bernardo Luwis waxa u yiri “Muslimiinta iyo Carabta waa dad Faasidiin ah fowdada jecel, oo aan laga yaabin in la Xadaaradeyo. Hadii faraha laga qaadana waxay Caalamka uga yaabin doonaan hirar Argagaxiso ah oo Burbuirsa Xadaaradeena, Mujtamacyadeena kala dhantaasha;.Sidaa Darteed Xalka Saliimka ah ee lagula macaamaltami karo waa in dib loo Gumeysto”. “waxa muhiim ah in loo kala qaybiyo kooxo Madhabeed ama Qabiiled; loomana baahna in uu idin saameeyo cabaadkooda ama ficiltankoda. Waxaana waajib ku ah Maraykanka inuu Halheys kadhigto (ama inaan is hooskeeno ama waa inaan u ogolaano inay burbriyaan Xadaaradeena. waana iska caadi in halhayskanagu uu noqdo hadaan dib u gumeysano “tababarida Mujtamacyada Mandiqada ee Nollosha Dimuqraadiyada ”) ?!

Amisom waa Itoobiya iyo Kenya

Burburkii Dowladii Dhexe si loogu fuliyo Soomaaliya Mashruuca kala qaybinta waxay itoobiya bilowday Dagaal Naacim ah (Soft war) ay inta badan ku qaadaysay Shaqsiyaadka ay isleedhay waxay leeyihiin afkaar Madaxbanaan; ama Xusuus Qaranimo qaasatan Qurba Jooga, si ay u burburiso Taariikhda iyo Xusuusta Soomalida ee Qaranimo. Dagaalkaasu waxa uu lahaa Darajooyin kala duwan, oo hadafkiisu ahaa in laga waayo Mujtamaca Mubaadarah (Initiative) sida uu yahay Ahdaafta Macruufka ah ee Dagaalkaas waxa ka mid ah in la Curyaamiyo Caqliga fikiraya, iyo in loo Xawilo Caqliga Nakhbada (elites) waxay iyadu rabto!?ee uu hadafkeedu yahay! Waxa ka mid ah Sidoo kale inaad Cadawgaaga u xawisho inuu Cadaw u noqdo Naftiisa. Dagaalkaas Naacimka ah waa mid inta badan SIR CULUS ah oo aad looga taxadaro inuusan fahmin qof kasta.inta badan waxa fahma hadafka qasa ahaan qaabkiisa (witch hunt) ama dabagalka ishooskeenida, oo hadafka si dadban ama toos u gaarsiisa inuu hdaf yahay. Gudahana waxay ka shaqeyn jirtay marka ugu horeysa sidii ay Muqdisho uu Dagaal uga Dhici lahaa, Jilibyaduna ay isu dili lahaayeen; xoojinta is-hooskeenida Jilibyada, maamulida Qilaafyadooda, faradyeelida Siyaasada Qaybi oo Xukun; Dhiiragalinta Federaha Jilibka iwm. Aamusinta Maskaxaha wax-is-weydiin kara oo si dhumuc dheer oo aan sadxi ahayn ula socda waxa socda. Wasaa’isa dagaalka naacimka ah waa kuwo caadi ah oo sharci ah sida IDAACAD, HAY’AD GARGAAR, TELEFISHIN, UN IYO HAY’ADAHA HOOS YIMAADA iwm; kuwaas ayay Itoobiya inta badan ogaal ama ogaal daro uga dhex dustay fulin jirayna Masaalixdeeda Zum-Zero-da ah.

Qaabka loo hindisay Dhismayaasha waxa loogu yeero Maamulada Gobolada iyo Tan Dowlada Dhexe? Cawaamisha iyo Duruufaha Kaalmeysay Dhismahooda?! Oo dhinac ah iyo Imaaradaha Islaamiga ah oo dhianc kale ah Ma Fashiliyeen Damaca noocaas ah?! Si su’aalahaas iyagana looga jawaabo waa inaan woxogaa dib u yara noqonaa Taariikhda Faragashiga Itoobiya ee Soomaaliya.

Itoobiya waxay Caskari ahaan Taageertay 1991-dii Maxbuuskeedii Col: Yusuf Gobolada Waqooyi Bari ee Soomaaliya, hadafkeedu waxa u ahaa Burburinta Imaaradii Islaamiga ahayd ee ugu horeysay (Imaaradii 1-aad) ayna ugu qanciso Korneylka inuu dhisto Duweyladiisa! Midaan Somalileyna uusan Tahdiid u arkin.

Lixsano kadib ayay Jihada Koonfur-Galbeed Soomaaliya usoo Faragashatay Caskari ahaan markale, Hadafkeedu waxa uu ahaa Burburinta Imaaradii Islaamiga ahayd ee 2-aad iyo Ku Dhawaaqida Saldanadi Iqdaaciga ahayd ee 2-aad .ee jihada kasoop horjeeda Waqooyi-Bari…Labadaas jeer ee ay Itoobiya soo faragashatay Soomaaliya waxay Sabatay Burbur, Xasuuq, Barakac baahsan oo ku dhacay dadkii Rayidka ahaa, . cidna lama warsan danbiyadas ka dhanka ah Bashirayada sikastaba waxa marqaati madoonto ah in Danbiyada Dagaalka aysan ku dhamaan ilowsho ama waqti-dherer sida uu qabo qaanuunka Dowliga ah ee Danbiyada Dagaalka; oo ay hadda decumnented yihiin, Duuban Yihin, diyaarsan yihin mar uun la horgeyn doono Hay’adaha ama Maxkamadaha Qaada Danbiyada Dagaalka.

Kow iyo Toban Sano kadib (11) ayay Itoobiya waxay soo faragashatay Caskari ahaan Soomaaliya,Markaan waa Caasimadii; Hadafkeedu waxa uu ahaa inay Burburiso Imaaradii Islaamiga ahayd ee 3-aad iyo inay qasab ku fadhiisiso Villa Somalia Maxbuuskeedii Col: yusuf. sida Caadadu ay tahay Mar Walba oo ay soo faragashato waxa sii saa’ida Taageerada Shacabku ay Siinayaan Cidda la dirirraysa; ilaa iyo maalinta maanta ah waxa looga hari la’yahay Xarakada Shabaab’ waxay ahayd Kooxda kaliya ee si Nidaamsan oo Adag uga hortagtay Daandaansiga Rajiimka Woyane. Weerarkaas Rajiimka Woyane waxay gashay Danbiyo Dagaal kuwii ugu Foolxumaa iyadoo Xasuuqday Dad rayid ah oo la dilo kuwii ugu badnaa ee la xususto Taariilkhda Soomalida.

Kenya ayaa 2012-kii is aragtay inay timid marxalad ay mudo dheer u diyaargaroobaysay kaaso ah inay Weerarto Koonfurta Soomaaliya ayna la wareegto Gobolada Jubooyinka iyo Gedo…Kenya waxa uu Hadafkeedu ahaa inay ka taqalkusto Imaaradii 4-aad ayna dhidibada u aasto Saldanadii Iqdaadiga ahayd ee sadexaad ee ladhiso 21-sano kadib dhismihii Saldanadii ugu horeysay ee Somaliland. Kenya faragashigeedu kuma imaan Qaraar kasoo baxay Qaramada Midoobay ama Dalab uga yimid Dowlada Dhexe ee Soomaaliya?~! balse waxay isticmaashay Cabaadka iyo bulxan uu sababay is-qaniinid ay is qaniintay si ay ugu marmarsinyooto faragalinta Caskari ee Soomaaliya. Ugu danbeyntii waxay ogolaansho ka heshay Shariif oo usii ogolaaday inay AMISOM kamid noqoto si bilaash ah ??!! Fursad ay Itoobiya ay gaadaysay una ogolaatay iyadiina Sanad kadib inay ka mid noqoto WAXA LOOGU YEERO AMISOM.

Hadafka Kenya waxa weeye inay Badasho Juqraafiyada Dhulka Soomaaliya si ay u dhacdo Jaziiradaha Looma Shaaqaan ee ku yaala Soomaaliya Xeebteeda. Kenya waxay gashay Danbiyo Dagaal oo qoran, oo ay galayso ilaa iyo hadda, markay munaasib noqotana lagula tiigsan doono Hay’adaha Qaada Dacwadaha Danbiyada Dagaalka ee Caalamiga ah iyo kuwa Qaarada Afrika. Tusaale; Diyaaradaheedu waxay duqeeyaan 99% hadafyo Rayid ah iyo Xoolo, waxay si aan kala sooc lahayn ay u xusuuqday dad rayid ah, waxay meel kadhacyo aan tiro lahayn u geysataa maalin walba dadka ku nool magaalooyinka Xuduudaha ah sida B/Xaawo iyo inta degaan ahaan ku teedsan xuduuda..godadkey qodatay waxaa kudhaca maalin walba xoolo iyo dad, si lamid ah sida AMISOM ama Itoobiya ayay Kenya waxa ay ka aarsataa Shacabka Rayidka ah markii ay uga timaado Qaniinyo adag Xarakada Shabaab; waxay dheertahay Kenya waxay ka dhex bilaawday Gudaha Soomaaliya “Letaa Beesa” oo ah Laaluush hadaad rabtid inaad gashid Dekeda Kismaayo “Letaa Beesa”.! Magaalada B/Xaawo Masaajideeda waxaad ka maqlaysaa maalin walba dad soo doonanaya duco markii qof ehelkooda ah ay qabsadeen Ciidamada Kenya “hebel haloo duceeyo Gaalada aan Deriska nahay ayaa Qabsatay Naagtiisa oo caanooley ah!” ayaad maqlaysaa.waxaan maqlay Islaan Sadexle Caana ah u beecgeysatay dhanka Mandheera ayaa waxa qabsaday Ciidamada Kenya waxa isla markiiba ku eedeeyeen inay tahay Shabaab; Qimaha soo furashada Qof Shabaab lagu soo eedeeyay waa 1000$ ama 100.000 oo KSH waxaa jira isla markiba dalaaleey la shaqeeysa Ciidamada Kenya oo Islaanta ehelkeedii lasoo xiriiraya oo ugu goodinaya masaakiinta, hadaysan kistaas bixin inay mutaysanayso Xarig gaaraya 10-neeyo sano. Ehelkii Gabadhaas oo tabar kale aan haysan ayaa soo beecgeeyay Hashii ay Caanaheeda Iibgeeysan Jirtay taasoo lagu soo furtay!!!!

Waxa jira Xaqiiqooyin Tiro badan oon soo uruuriyay intaan Joogay Galbeedka iyo Bariga Gobolka Gedo, oo aan hal mar lawada qori karin. Mida ugu qosolka badan waxay tahay Ciyaar ay u dheelaan Kenya iyo Itoobiya Soomaalida reer Soomaaliya ee Degen Mandheera; dadkaasu markay magaalada soo aadayaan, Magaalda Mandheera oo ay rabaan inay Dukaameystaan ama ay rabaan nay qaraabo soo salaamaan. Askariga kenyaatiga ah waxa uu leeyahay “Letaa Beesa” haday lasoo baxdo Sharciga Kenya ee Kbandhaha askarigu inta jeebka gashto ayuu leeyahay “kan anagaa sameynee maxaa kaa beec ah oo kale” oo qofkaasu asagaa is malgay! Laakiin ciyaarta cusub ayaa ah in dadkaasu ay inta Dooloow Tagaan ama Suufto ama Nageyle aysoo sameystaan Bidaaqada Itoobiya ee Mustawaqada; askariga Kenyatiga ah ee Indhaha laga geliyo “Salaan buu saarayaa”ayay igu tiri Eedo Calaso oo labadaba isku haysata. Waxayna siisay suuq Muqalisiinta soo saarta Mustawaqada. aniga waxa iigu danbeeysay Mandheera Sanadkii 1993-dii, waxaanan doonay inaan soo fiiriyo mar, laakiin dadkii ayaa ii diiday inaan booqdo ayagoo Carabka ku adkeeyay inaan la I dhaafi doonin hadaan gal!. Waxaan ka rabay Booqashadaas inaan is-bar Bar dhigo Isbadalada Guud ee Dhacay Mudadaaas, si kastaba waxa iiga filnaaday Miisaan iyo Qiimeyn markaan arkay in Beled Xaawo uusan ka dhicin wax isbadal ah oo la taaban karo Dhinac walba! Inaysan wali lahayn Kaabiyaashii Bulshada oo aasaas adag leh, inaysan lahayn xitaa Dugsi Sare oo ardayda Sarte waxay wada Dhigtaan Dugsiyada Sare ee Mandhera?! Sidaas oo ay tahay ay hadana Hadaf u tahay Labada Dal ee Itoobiya iyo Kenya inaysan wax Horusocod ah aysan yeelan.

Sida uu Cadeeyay Diktaatoorka ka taliya Uganda Yuweri Muzaveni “Waxaan Ciidamadeena Soomalaiya u Geynay inaan Badbaadino Itoobiya oo QATAR KU SUGNEYD!” maahan Nabad Ilaalin mana ahan Kaalmeyn Dowlad La yiraahdo Soomalaiya. Mana jirin qaraaar kasoo baxay Golaha Amaanka oo u ogolaaday Muzeveni Ciidamadisu inay Soomaaliya tagaan. Sidaa Darteed ayay sadexdaas Nidaam uu midba mid ka kale badbaadiyaa, cidda la iska badbaadinayana waa Shabeelkaas Dhaawaca oo aan u Nidaam saneyn siday sadexdoodu ay u Nidaamsan yihiin. Maxaa yeelay Howlgal kasta oo Caskari oo baaxad weyn oo Shisheeye waxa uu faraha ka bixinayaa Xaalada gabi ahaan. Kuwii hore imaatinkoodu markay faraha ka baxeen ayay isu soo gurmadeen siday qiranayaan kuwa soo socdana kaba daran.!

Muuqaaladii laga Bartay Casrigii Maraykanka

Bilowgii Casrigii Maraykanka waxa uu kunoqday Soomaalida Masiibo sababo ay ugu weyneyd u Diyaarsanaanta Kenya iyo Itoobiya ay u diyaarsanaayeen inay Dheelaan Door walba oo lagu Dhibaayo Soomaaliya iyo Soomaalida. Laguna wiiqayo Ziyaadeeda iyo Madaxbanaanideeda. Waxa la arkay waxyaabo badan oo horey aan u jirin, sida;

Waxaad arkaysaa Hay’ad u Caalami ah oo u dhaqmaysa sidii inay taha Dowlad ayna tahay inay Qasab ku aqbalaan, Howsha ay qabaneysana waxa ugu weyn ka shaqeynaysaa burburinta walaltinimada Mujtamaca.

Waxaad arkaysaa Hay’ad wadata Magaca Qaramada Midoobay oo ku jirta “Chains-ka” silsilada Burburinta Taariikhda Soomalida oo leh dal madaxbanaan oo waa hore madaxbanaani qaatay waxaad ku jirtaan KUMEELGAAR?! Ee dhinaci la idiin jeediyo u jeesta, markii ay fashilantayna tiri waad ka baxdeeen kumeelgaarkii?! Una wareejisay marxalad kale oo iyadiina ku Bilaabatay Fashil! Maxaa yeelay garan maayaan meesha ay joogaan.

Waxaad arkaysay Idaacad u dhaqmaysa sidii inay tahay Dowlad oo bixinaysa Awaamir Khiyaal ah, Siina daynaysa Barnaamijyo ku dhisan Wahmi, iyo malo awaal aan sal iyo raad toona lahayn. Dowladaha Itoobiya iyo Kenya waxay isku dayayaan inay ku faradyeelan Somaaliya khad u Khidmeeya Masaalixdooda.

Waxaad arkaysaa Siyaasi la leeyahy waxa uu kasocdaa Urur Hebel UN, AU, IGAD oo aan Aqlaaq Siyaasadeed lahayn, una yimid inuu Maamulo ama uu u Maareeyo Mushkilada oo aan marnaba u imaan inuu Raadiyo Xalka dhabta ah ee Mushkilada.

Bacland, Bugland iyo Bushland

Waxaa jira cilaaqaad xoog badan oo u dhaxeeya qaabka Nidaamkasta uu u dhisan yahay iyo awooda uu u leeyahay inuu Howshiisa guto, marwalba oo ay sii soccoto ama ay kororto awooda nidaamka uu howshisa ku gudanayo waxaa sii socda oo si jira Qaab Dhismeedka Nidaamkaas; laakiin marwalba oo ay Daciifto awooda Nidaamka u ku gudanayo Shaqadaas waxaa bata fursada Burburka Nidaamkaas ama inuu Is badalo ama uu ku dhaco isbadal iyo kala daadasho awoodihiisa ugu waaweyn. Sidaa dartedd hadii asbaabihii kala furfuray Dowladnimadii Soomaaliya ay ugu weyn tahay Hiddaha Jilibka oo dhinaceeda Salbiga ah; Salaadiintii ka dhisantay iyaguna waxay u sharaxan ytihin Saacad iyo Ilbitriqsi walba inay kala daataan ama burbburaan oo kaliya laga warhelo si filanwaa ah Burburmkooda. Si marka loo ogaado duufaanta soo socota swaxsaa la rabaa in la barto qaabka u nidaamkasu u shaqeeyo……Asbaabihii Gudaha ee ka mas’uulka ahaa Burbruinta Dowladii Dhexe waxay ka timid marki ay Reer Galbeedku u barteen soomaalida Hiddaheeda si dhumuc dheer loo daraasadeeyay Hiddaha Jilibka iyo Tanaaqduaadkiisa (contradictions); taas macnahedu maahan inay si wanaagsan u yaqaaniin oo inta badan waxay dhexgalaan bad dhumuc dheer oo waxay qayla dhaamiyaan markii ay idlaato fursadaha badbaado. maadaama iyagu waxay raadinayaan ay mar walba tahay “instant gratification” ama Baaramool!? Ayay waxay u isticmaaleen Tanaaqudaadka Hiddaha Jilibka, sidii uu u isticmali jiray Gumeysytihii Saancadaalaha ahaa. hadafku Gumeystuhu waxa uu ahaa inuu Dheereeyo waqtigiisa Joogitaankiisa uuna ku dhiigmiirto Waqti Kororsigaas Dhaca iyo Boobka Qayraadka Dabiiciga ah.Gumeystuhu waxa u adeegsan jiray Taaktiika Qaybi-oo-Xukun si uu Jilibyada isugu Mashquliyo.

waxaan ka bilaabaynaa 1991 Waa marxaldii ay bilaabatay Jilibyadii jabhadaha noqday inay bilaabaan Dagaaladii Sokeeye oo ka dhan ah Dowladii Dhexe Caskari ahaan iyo borobogaando ahaan kaasoo Shacabka kala qobqobaya una kala qaybinaya Jilibyo kala duwan. Dowladuna ay tahay Jilib, oo uu jilib walba ku taamo inuu xoog uga Maroorsado awooda! Borbogaandadaasu waxay si fudud u heshay Dhago maqla!? Waxay xiriir la leedahay Hiddaha isku Qabsiga Baadka iyo Biyaha iyo in Lakala Qaado Geela haday Abaar Dhacdo. Si kastaba waxay uga duwan tahay waxay leedahay Tan hore Xeerar iyo Ugaasyo ka hortaga inuu kala fur-furan uu ku dhaco Jilibjka Dagaalkana Deg-deg u dhameeya. Sababta kale waxa weeye Dagaalka jilibyada dhexdooda ah looma galo Dagaal dartiis waana dagaal leh hadaf xadidan oo macnaheedu yahay in dagaaladaasu ay deg deg u dhamaadaan. Sida yuutoobiyadii Maruryoodayay iyo Deelleeydii waxa burburkii ka dib abuurmay tuulooyinki ay ku riyoonjireen iyo Salaadiin u eg kuwii Gumeystaha uu ka dhisay Koonfurta Soomaliya.

Saldanada 1-aad

Waxay la wareegtay dhamaan Goblada Waqooyi isla sanadkii 1991-dii Sidaa Darteed ayay ku dhawaaqday Dowlad ka g’an Soomaaliya, waxay u badashay Jilibkii Dowlad; taasoo Dowladii ka dhigtay Jilib, waxay noqdeen Qabiil raba inuu Dowlad noqdo. ilaa waagaas waxay ku celcelinaysaa halheysyadii Eberta ahaa ee ka dhigaysay iyada kaligeed cidda is ictiraafsan! Saynisyahanka Einestein ayaa ku tilmaamay Waalida inay tahay “Doing the same thing again and again and expecting different results” yacni in qofku uu kusoo cel-celiyho isla wixi hore, hadana uu fisho wax kale- yancni in ay ku cel-celintu wax u ukeeneyso.waxaa abuurmaya Jiilal Hawiyad la’aan ah oo lunsan oo ay maan qaaday fadhikudirika aqoonsiga oon leh Qiyam, Hidde, Dhaqan Shubmaya oo ogol inuu ka tanaasulo Xoriyada, Madaxbanaanida, iyo Karaamada gaarka ah ee Mujtamaca. Waxa adag in Jilibka Caaabooni u si iskeed ah u cudur daarto dibna uga noqdo Siyaadadaha qariban oo u muuqda inuu wax u dhimayo masiirka Mujtamaciisa. Laakiin waxa fudud in Jilibkaasu uu isku hirdiyo si arxan daran markay dheeraato wadiiqada ama ay timaado niyad Jab. waxana kasii fudud in halmar la arko dhalinta oo afka-wada-duuban ama wada Tahriib ah?! Waxay u muuqdaan Reer Wqooyigu inay leeyihiin na ictiraafa? maadaama aysan haysan kaar siyaasadeed aan ahayn inay faradyeelaan waaqic siyaaasadeed ka dhashay dhererka mudada dagaalda sokeeye ee Soomaaliya. Kaasna waa ibtizaas siyaasadeed (political provocation ) ka dhan ah salaadiinta kuligood oo ay iyaga ku jiraan. kaarkaasna waxa uu hadda gacanteeda kasii baxayaa Rajiimka Addsi Ababa oo horey u isticmaali jiray si uu fowdada ugu sii hayo maryooleey!? Dhamaan dhaqdhaqaaqyadooda iyo dadeaaladoodu waxay u muuqdaan kuwo waqti lumis ah waxay ka dhigtay Bashar aan aqoon waxa uu rabo oon fahamsanayn ama aan aqoon waxa kan kale uu ka robo. Waxay noqdeen sidii gorayadii daashay ee madaxa dhulka ku aasatay si aysan u arkin masiirkeeda?!

Xususta guud ee “public remembrence” ee la ogolyahay waxay noqotay na “Waar Na Ictiraafa” haday shacabka caadiga ah ay diidaan oo ay soo ceshtaan xusuustoodii ka horeysay 1991, qofkaasu waxa uu ku nqoonayaa tahdiid caalami ah! ku noqon maayo qawaaniin caalami ah oo dowladeedd ee waxa uu ku nopqopnayaa xeerkii jilibka maxaa yeelay hidduhu waa hiddahii Jilibka; oo kama jiro Caalamka Hiddo iyo Ahdaaf u raadinaysa Ictiraaf si ku salaysan Hiddo Dhaqameed Casriyadii Malaaximta. (epic times)Waxaa kasii daran markii mufakarkoodii Taariikhiga ahaa, hadana sii ahaa Mufakirkii Jilibka uu u dareemay socoshada Taariikhda si rajcinimo inay tahay in Socodka Taariikhda in loo aqriyo iyadoo la kaashanayo Caalamanimada Hiddaha iyo Thaqaafada oo loo aqriyo si Horusocod ah.

Waa dad mushkilad sheeganaya hadana leh dad kale waar mushkildeyda xalkeeda adaa haya!? Dowladii ugu danbeysay ee Afrika kusoo birta Koonfurta Sudaan waxay tusale ahaan La dirirraysay Waqooyiga Suudaan mudo dhaafsiisan 40-sano waxana ku nafwaayay tiro kor u dhaafaysa 2-milyan oo qof, Madaxdii Jabhadii SPLA waxay haysteen taageero dhamaan wadamada Sudaan Deriska la ah sida; Kenya, Uganda, Itoobiya, Ereteriya, Libiya, Masar Afrikada Bari Reer Galbeedka. Dhismaheeda Bulsho/Caqiido/Dhaqan/Caado uu ka duwanaa kan Waqooyiga Sudan; Hal maalina kuma aysan fakirin inay gooni isu taagaan.sababtu ma ahayn dowladii dhexe ayaa dhisan ee waxay ahayd heshiis ma jirin.

Saldanada 2-aad

Waxay ku fashilantay inay Dowladii dhexe ku qabsato Ismaaamul Goboleedkeeda, intaas wixii ka danbeeyay waxay hadba u fikireysay si kaduwan mowqifyada Laacibiinta kale- markii hore halheyskeedu waxa uu ahaa KUDAYO PUGLAND KU DAYO?! Markii lagu daydayna way xanaaqday, waxayna ku bilowday Dagaal iyo Jilaafooyin Jilibyadi deriska la ahaa ee sameystay PARA-STATES IYO CARDBOARD PRESIDENTS Sida Galmudug iyo Khaatumo. Waxay ku gacanseyrtay sii socoshada 4.5 , Iyagoo keenay Badiil kasii liita oo ah (constituency) oo macnaheedu yahay (closed contituency) iyo Dimmuqraadiyada Soomaalida sida uu sheegay Generaal Cadde Muuse oo horboode u ahaan jiray Pugland mar uu wax ka weydiiyay Ustaad Jalaal Al-Sharcabi oo ahaa Saxafi u shaqeyn jiray Jariidada 26-september Sanadkii 2008-dii waxa uu arkay Ustaadku iyadoo la dooranayo nin Dooran oo uu Nabadoonku soo magacaabay, Jilibkuna ugu shubayo sanduuq u dhigtay oo uu horfadhiyo, meeshana uusan oolin Sanduuq kale “markaasuu weydiiyay maxaa loo dooranayaa shaaqsi dooran ?” waxa uu Jeneralku Sheegay “in taasi ay tahay Dimuqraadiyada Soomaliya Caalamkuna ay tahay inuu aqbalo”?! sidaa darteed Dr Gaas cidda uu La hadlayo waa cid isaga la mid ah oo aan aqoon waxa uu sheegayo.DrGaas waxa uu leeyahay 4.5 waxa qofka soo magacaaba nabadonka nabadoonkaasaa uu Xildhibaanku iska ilaaliyaa laakiin hadi ay shacab soo doortaan waxa laga rabaa Mashaariicdi horumarinta sida Wadooyin, Isbitaalo, Iskulo hadu keeni waayo waa la iska badalaa?! Dr Gaas Shacabka qaabkey kusoo dooran lahaayeen Xildhibaanka ma ogala inay noqdaan Nidaamka Axsaab Wadani ah oo heer Qaran ah wuxu rabaa 4.5-kii 1960-kii uu Ka curtay Kacaankii Libineed ee 21-ka Oktoobar. Kaaga sii darane isagoo Pugland ah?!

Shirkii Jaraa’id ee uu qabtay Ku Xigeenka Saladanada Iqdaaciga ah ee Pugland kadib Dhamadkii Shirkii Istanbuul waxa uu sheegay in “Wasiiro ay uga qaybgaleen Pugland ayna aqbalayaan waxay uga soo qaadeen qeybtooda keegii lagu qaybiyay meesha?!” waxay macnaheedu tahay waxaannahay Saldanad Iqdaaci ah “Feudal Sultanate” oo ku dhisan aasaas Jilibeed oo loo dhisay inay Bililiqada Qeybteeda ka goosato?! para-state-kuna WAA WEEL LAGU JILAABTO.hadaan ku fiiriyo indhahooda waxa weeye “Reer Hebel cadkiina ma cuni karaan ” sdiaas darteed hidduhu waa hiddihii Jilibka. Waana BALAAYO KUDAYO. Labadaan Saldanood waxay ka siman yihin inay Maadiga (Past)u duleeyaan Xaadirka (Present) halheysyada ay sheegayaan oo ay ku celcelinayaan maahan waxay aaminsanyihin, waxay uga faa’iideystaan dhinaciisa xayasiinta oo ay dadka kale isu tusaan sawir been ah oo khiyaali ah. Sidaa darteed markaad aragto Mujtamac wada dhukan oo isku qaab u fukiraya, hal Dhag wax ku maqla hal Ilna wax ku arka, lagana dilay Boqortooyadii Naqdinta; darbi cidla ahna taagan mudo ku dhow Rubuc qarni, sababta halkaas tubtayna uu yahay inta badan burbur ku yimid nidaamki Caalamiga ahaa oo saameeyay koodii gudaha waxa uu macnaheedu yahay qunbulad aad u weyn oo duugan oo Qarxi karta markasta saameynteeduna ay aad u weyn tahay. Lacag bay soo daabacataa mar walba hadana Sarifka Doolarka kama duwana Qiimaha uu ka joogo Bartamaha-Koonfurta Soomaaliya ee aan Lacagta soo daabacan?! NIDAAMKA U OGALAADAY INAY LACAG SOO DAABACATO LAMA YAQAAN?! N.B nidaamka Slaadiinta Iqdaaciga ah waxa uu taariikhiyan ku salaysan yahay Dad yar oo kooban oo leh Dhulka intiisa badan..oo dhulka ka kireeya Beerqodato wxuuna milkilaha dhulka uu Siiinayaa Rubuc waxa uu beerta kasoo saarto. Tan Soomalida laakiin wa Salaadiin Jilibeed Magaalo. Xitaa tan baadiyaha Ugaasku Hanti badan iyo Dhul badan oo gooni u leeyahay ma jirto. Waxayna Taariikh ahaan u ahaayeen Jawasiis Gumeytayaashii Saancadaalaha oo ay la saxixdeen Heshisyadii Ximaayada (Protectorate ).waxayna burbureen Xornimadii 1960-kii.

Saldanada 1-aad

Si lamid ah Saldanada kale ayay waxay u yeeratay Awoowayaasheed si ay u ceejiso Dowladii Dhexe, waxana si toos ah iyo si aan toos ahayn ay Labadii Saldanadood ee kale ay ugu dhiragaliyeen Jilibkii Degay Caasimadii Dowaldii Dhexe inay noqdaan Jilib Feero Qaawan oon lahayn Dowald Dhexe cunana Aqdarka iyo Yaabiska (Dhirta kan Qalalan iyo kan Qoyan?!). Saldanada Xamar waxay uga duwanaayeen KUWO KALE waxay hadaf toos ah u noqdeen Quwado Goboleed iyo Kuwo Caalami ah, oo si aan naxariis lahayn u siinayay ihtimaam aan caadi ahayn inay ka shaqeeyaan Degenaansho darada Xamar. Hadafkoodu maahayn Jilibyo gooni ah ee waxa uu ahaa Maqaamka Magaalada Muqdisho. inaaan Nabad laga helin loona faradyeelo fowdo markasta taagan. LaCagta ay waqooyi bari soo daabacdo waxay diidaa markay cusub tahay waxayse aqbashaa markay duUGowdo iyadoo nafteeda ku qancineysa waa Lacagti hore EE Dowladii Dhexe?!

Laakiin Su’aashu waxaytahay Soomaaliya miyaa lakala Qaybiyay mise waxaa loo Istcimalay Siyaasada Qaybi-oo-Xukun?!? Midkay tahayba Jawaabta waxa siiyay rubuc qarni ka hor Prof:Mohamed Siciid Samatar Gacaliye mar uu siiyay wareysi Jariidada New Delhi oo aan ogeyn meeshay kasoo bavdo. Q:“it seems that every Somali clan struggles to preserve certain identity….so what you are saying? waxa u ku jawaabay A.“Somali Peaple are Homogonous and I challenge every body who can sceintifcally prove different from that….let me add to you that the Homogonous Nature of Somali Clan Families is used always to overcome any internal Obesticles and every External Challenges ”” inkstoo qoraal ahaan uu Wareysigu ka qurux badnaa sidaan, hadana sida ugu dhow ee aan awoodo ayaan usoo sawiray nasiib wanaag waxaan xuusutaa web-kii aan ka qoray oo la dhihi jiray dhabadonline.com. taas macnaheedu waxa weeye ma jiraan duruufo mowduuci ah oo kala Qaybin kara Soomalida.

Waxaa jira mashaariic iyo qorshayaal ay taageerayaan Kenya iyo Itoobiya oo tajziid ku sameynaya isqabsiga Gobolka ,. Maxaa yeelay in xalka soomaaliya uu noqdo mid amni waxay kordhinasaa Argagixisada Dowladaha iyo Kooxaha iyo Seeflaboodnimada Dowladaha iyo Kooxaha. Kenya waxay qalqal galisay miisaankii Jilibyada iaydoo rabta inay Jilib qaas ah ay kju faradyeesho Jilinbyada kale, Kenya waxay ku fashilnatay inay badasho Miisaanka Jilibyada, waxayna u sharaxantahay inay bilaabato Is-jiid-jiid Saf-Mar ah oo dhaxmara Dhamaan Jilibyada wada Dega Gobolada Koonfureed. Heshiiyada ay shaatiga Jilibyada u galinayso ee dhacaya ee aan ku jiran shardi in Dalka ay isaga baxaan iyada iyo Itoobiya waxa uu abuurayaa kala irdhow cusub, iyho mushkilado kale oo ka yimaada meelo aan laga fileyn. Sabatooo Faragalinta milatari ee Kenya iyo Itoobiya waxay ka dhigtay Soomaaliya meel uu ka dhaco Dagaal daa’im ah. Waxaana sidoo kale xaqiiqo noqotay in faragalin shisheeye ay lamicno tahay fashil ku yimid inuu dhaco xal siyaasi ah. Sikastoo loo dhigto xaflado loogu magacdaray dibuheshiisiin ayna u cunaan Misaaniyada waxaan loogu yeero DIBUHESHISIIN ee ay bixiso UNDP. Yaa heshiinaaya waxa heshiinaya waxa weeye ragii ay isbaarada u taalay oo raba in Isbradooda meeshiidii loogu celiyo ee maahan Soomaali dirirsan oo heshiinaysa; Heshiiska Soomaalidu waxa uu ka bilaabanayaa inay dalka ka Baxaan Itoobiya iyo Kenya iyo AMISOM.

Gabagabadii…………………………….

Waxa dhamaaday iskasoo galidii iyo ka bixidii Dalal Madaxbanaan oo Ziyaado leh, waxa dhamaaday kusoo gabashadii waxa loogu yeero LA DAGAALANKA waxa loogu yeero ARGAGAXISADA, waxay intaas dhamaatay markii Diktaatooriga dhiigyacabka ah ee Bishaar Al-Asad (waxaan ahay Shabaabkii Rabiic A-lArabi )ee Suuriya uu Maalgashtay Dagaalka Waxa loogu yeero Argagaxisada, isagoo reer Galbeedka u diray Risaalad dhahaysa Argagaxiso ayaan la dirirrayaa ee i garab istaaga!? Waxa Dagaalkaas ka barakacay ugu yaraan 10 Milyan oo qof oo intoda badan ay u baxsadeen dalalka deriska la ah Suuriya, waxana uu Xowligoodu Qarqiyay Wadamada Yurubta Bari iyo Kuwa Galbeed si siman, waxa sida futo eriyaad u feydmay Been-Beenti Reer Galbed ee ahayd waxaan Ilaalinaa XUQUUQUL INSAANKA markay Albaabada ka xirteen QAXOOTIGII?! Ama ay inta deyr Bir ah ku xireen ay sida xayawaanka ugu turtuureen Cunto?! Markay diideena inay taageeraan Bishaar Al-Asad waxa uu fursad u siiyay Dowlada Ruushka oo u yeeray inay soo maalgashato ayna kusoo gasho isla marmarsiinyadii ay reer Galbedku Sharciyeeyeen ee ah Dowald Sharci ah ayaa ii Yeeratay?! Waxaana la diririyayaa Argagaxisada?! Docda kale, Wadanka Ruushku waxa uu ishoristaagay Marmarsiinyooyinkii Wadamada Deriska ah ee ay kusoo faragashan jireen Dalalka Deriska ah ee Dhibaateysan si ay usii dhibaateeyaan sida wadamada deriska la ah Suuriya.

Waxa ay mudo badan ku celcleliyeen Siyaasiyiinbta Turkiga isla weer ay ku celcelin jireen Siyaasiyiinta Itoobiya iyo Kenya “TURKIGU WAXA UU XAQ U LEEYAHAY INUU FIDIYO AAGA UU KA DIFAACAYO ZIYAADADIISA WADANIGA AH UUNA UGA JAWAABO WEERARADA ARGAGAXISADA”, Dowlada Ruushka waxay u sheegtay Turkiga in Ciidamo ay usoo dirto Gudaha Suuriya loo baahan yahay laba sababood oon lahayn mid sadexaad 1-inya u yeerato Dawlada Sharicga ah ee Dalkas ka talisa 2-inay hesho Qaraar Golaha Amaanka ah oo u Ogolaanaya inay Faragashato Suriya; sidaasoo kale ayaa ay Dowlada Sacudiga waxay Faragashatay Dalka ay Jaarka Yihin ee Yemen iyadoo ku marmarsinyoonaysa laba qodob 1-inay xaq u leedahay inay Difaacato Ziyaadadeeda iyo Amnigeeda Qowmiga ah 2-inay u yeeratay Dowlad Sharci ah, waxa Sheekada Sacuudiga sii dheer inay Yemen tahay (Camqi Istaraatiijii) (Strategic Depth) taasoo ah marmarsiinyoooyinkii soo ifbaxay Casrigii Maraykanka. Waxana booskeedii soo galay ma jirto Dowlad DHIHI KARTA Dowlad kale WAXAY I TAHAY Camqi Istaraatiiji ah. SACUUDIGUNA WAXA UU INDHAHA KU KALA CADAWGIISII OO HELAY SHARICIYAD UU KU WEERARI KARO DHULKA SACUUDIGA OO AAN LO ARKEYN ARGAGAXISO?! TALAABO KU QASABTAY INAY HESHIIS L;A GALAAN JABHADII AY DHIHI JIREEN WAA ARGAGAXISO.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Ruushka Sargey Laavarof Shirkisi Sanadlaha ahaa ee la qabtay 26/01/2016 waxa ka midah qodobo muhiim ah oo ay ugu horeeyaan “1- DOWLADA RUUSHKA WAXAY U SHAQEYSAY SI CAALAMKU U HELO NABADGELYO IYO DEGENAANSHO IYADOO U MAREAYSA QAANUNKA CAALAMIGA AH” 2-WAA IN NIDAAMKA CALAMIGA AH UU LA QABSADAA ISBADALADA CUSUB EE CAALAMIGA AH EE DHAQAALE, SIYAASADEED” 3-WAXAAN ILAALINAYNAA INAYSAN MARNABA DHICIN IN LA XAKAMEEYSTO (MANIBULATION) LAGU SAMEEYO QARAAR KASTA OO CAALAMI AH OO LOOGU TALA GALAY IN LAGULA DIRIRO ARGAGAXISADA.

Taariikhyahanka Maraykanka ah Paul Keneddy waxa uu na xusuusinayaa Halhayskii caanka ahaa ee Carl Marx “Ragu way sameyn karan Taariikhda laakiin waxa xadidaya Mucdiyaadka ka jira Waaqica dhulka yaal (data on the ground) iyo kalawareegyada Taariikhiga ah ee balaaran ee aan la hor istaagi karin” labadaba waxay tilmaamayaan in Somaaliya ay gali doonto marxalad cusub oo Qayr iyo Baraare u keeni doonta Bulshadeeda xorta ah; Insha’allaah. KENYA, ITOOBIYA IYO AMISOM iyo Dabadhilifkoodu haday hada si sharaf leh u bixi waayaan ay beri u bixi doonaan iyagoo dulleysan.

W/Q: Ustaad Sadat Geesh
Email:sadatgeesh7@gmail.com