Doraad Xildhibaan Aden Buule Maxamed Iyo Dr. Cabdixakiin Maxamuud Khaliif Shire, Shalay Dr. Cabdirasaaq Xaaji Masale (Bile) Maantana Ganacsade Sade Mahad Dirir Guuleed, Mareexaan Miyeysan Lahayn Damiir Diiraya?

0

Afeef: Nin Ragga waa uu garanayaa waxaan ka hadlayo iyo waxa naga maqan, doqan foofana ummaba baahni.

Waxaa musiibo ah qoowm ku dhacda midan oo kale islamarkaana ah wax laga duceysto in qoowm dhan oo Allaah Subxaanahu Watacaalaa abuuray inay duli iyo dulmi joogto ah oo intaan le’eg u dulqaataan ama ka aamusnaadaan, Bilaa Calaykum ma waydnaan ahayn dad damiir leh oo nasab ah oo danqada.

War Allaah Subxaanahu watcaalaa magaciisaan idinku dhaarshayee ma wax loo dulqaataa sidan, ma wax la daawadaa sidan, maxaad dhoowranaysaan oo aydnaan uga danqanayn dhiiga walaalihiin iyo wiilashiina ee la xalaaleystay in loo daadsho sida bareerka ah, nin walboow ogoow maalin baad dareemaysaa waxaan dareemayo maanta, waxaase idiin roon inaad isdaba qabataan oo aad maanta dareentaan waxaan dareemayo ama arkayo ama idiin sheegayo.

xildhibaan-aadan-buule409-11-2011 waxaa si bareer ah loogu dilay magaalada Muqdisho Allaha u Naxariistee Marxuum Xildhibaan Aden Buule Maxamed oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka KMG ah ee DF Soomaaliya, xildhibaanka ayaa waxaa dilay dad hantidiisa xoog ku heystay,sidoo kalena ma ay jirin cid uu dambi ka galay, dakano ama dayna ka qabay, waxaana loo dilay sidee u oran kartaa hantideyda (Gurigeyga) ayaan doonayaa hala iiga baxo si bareer ah barqo cad oo qoraxdana soo jeedo.

 

 

 

 

 

abdihakimxmaxamuudxkhaliif487116-07-2012 Waxaa si bareer ah loogu dilay magaalada Muqdisho Allaha U Naxariistee Dr. Cabdixakiin Maxamuud Khaliif Shire oo ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed oo wax badan ku noolaa dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London, islamarkaana dib ugu laabtay caasimada dalka si uu uga qayb qaato horumarka dalka isagoo ku guda jiray dhismaha iyo diyaarinta furitaanka Hotel ay leeyihiin, sidoo kalena ma ay jirin cid uu dambi ka galay, dakano ama dayna ka qabay, waxaana lagu dilay gurigoodi hortiisa si bareer ah barqo cad oo qoraxdana soo jeedo.

 

 

 

bile221-12- 2015 Waxaa si bareer ah isna loogu dilay magaalada Muqdisho Allaha Dr.Cabdirisaaq Xaaji Masale (Bile) oo ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed oo wax badan ku noolaa dalka Canada, islamarkaana dib ugu laabtay caasimada dalka si uu uga qayb qaato horumarka dalka isagoo ku guda jiray abuuritaanka mashruuc Ganacsi, sidoo kalena ma ay jirin cid uu dambi ka galay, dakano ama dayna ka qabay, waxaana lagu dilay gaargiisa isagoo wata si bareer ah barqo cad oo qoraxdana soo jeedo.

 

 

 

 

sade mahad27-03-2016 Waxaa maanta si bareer ah isna loogu dilay magaalada Muqdisho Allaha U Naxariistee Sade Mahad Dirir Guuleed (Cadcad) oo ahaa aqoonyahan, Ganacsade Soomaaliyeed oo wax badan ku noolaa dalka Dibeddiisa, waxa uu ahaa Aabe leh laba xaas iyo caruur, islamarkaana waxa uu dib ugu laabtay caasimada dalka si uu uga qayb qaato horumarka dalka isagoo ku guda jiray Ganacsi, Allaha U Naxariistee Sade Mahad Dirir Guuleed (Cadcad) waxaa lagu dhex dilay Masjid ku yaalada Degmada Huriwaa isagoo u taagan salaadi Maqrib, Afar nin oo hubeysan ayaa waxa ay rasaas xoogan ku fureen Marxuum Sade kaligiis iyagoo islamrkiiba ka baxsaday goobta ay ku geysteen dilka waxuushnimada ah, Marxuum Sade Mahad Dirir sidoo kale ma ay jirin cid uu dambi ka galay, dakano amaba dayn uu ka qabay, waxaana lagu dilay Masjid Xaafadii ay daganaayee ku yaal.

Allaha U Naxariisto Marxuum Xildhibaan Aden Buule Maxamed, Marxuum Dr. Cabdixakiin Maxamuud Khaliif Shire iyo Marxuum Dr. Cabdirasaaq Xaaji Masale (Bile), Marxuum Ganacsade Sade Mahad Dirir Guuleed (Cadcad) geeridu waa xaq, tooda ayaana gashay, balse dhiigooda cidna looma baneen, xaqna ma,ahan inaga oo nool oo ah dadka dad u xiga inaan ka aamusaanaano ama aynaan ka hadlin dilalka sida bareerka iyo waxuushinimada ah loogu geeystay.

Waa waajib muqadas ah oo mas’uuliyada naga saaran tahay inaan ka hadalno ama ka kacno (ka Gadoodno) in la daadsho dhiiga wiilashayada, sababtoo ah anagaba nalagama yeeleenin reero wiilashood intaan leeyno islamarkaana ay naga aamusaan reerahaas.

Allaha Uwada Naxariisto Marxuum Xildhibaan Aden Buule Maxamed, Marxuum Dr. Cabdixakiin Maxamuud Khaliif Shire iyo Marxuum Dr. Cabdirasaaq Xaaji Masale (Bile), Marxuum Ganacsade Sade Mahad Dirir Guuleed (Cadcad) waxaa loo dilay waa Mareexaan, waxaana loo dilay Hantida ay leeyihiin awgeed, waxaana si cad oo bareer ah u dilay dad Qabiil sheeganaya, ma aysan dilin Al Shabaab waa wax cad oo waadix ah oo cad inaan Al Shabaab raggan dilkooda shuqul ku lahayn, haddaba waa su’aallee Mareexaan Miyeysan Lahayn Damiir Diiraya, Miyeysan Ahayn dad u danqanaya Wiilashooda dhiigooda sida bareerka ah loo daadshay?

Kuwa lagu sixray amaba naab naabka ku ah Muqdisho ee Sheegta inay yihiin Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Saraakiil marnaba ma aysan dhicin inay ka hadlaan ama cambaareeyaan dilalkan bareerka ah ee loo geystay Allaha Uwada Naxariisto Marxuum Xildhibaan Aden Buule Maxamed, Marxuum Dr. Cabdixakiin Maxamuud Khaliif Shire iyo Marxuum Dr. Cabdirasaaq Xaaji Masale (Bile) iyo Marxuum Ganacsade Sade Mahad Dirir Guuleed (Cadcad).

Xildhibaanada, Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha waa kuwa ugu dunta xun, ugu shaqsiyada xun islaamarkaana ah ducufsan amaba liita dadka Mareexaan, qaarkoodna 20 sano iyo ka badan ayay naab naab ku dhex yihiin Muqdisho oo dhex fadhiyaan, waana kuwa dhabarka jabshay beeshan Mareexaan, waxa ay u hadli karina dhamaantood waa lawada ogyahay oo waa shilimaan xun oo ay ka qaataan baqaarada Muqdisho iyo boonooyin looga qoro xafiisyada dowladda oo ay Hotelada isaga baxshaan ayayna dadkooda iyo deegaanadooda siisteen, waana loo fadhiyaa 2016 iyo halkii ay gali lahaayeen ama naga mari lahaayeen.

Dhinaca kale sidoo kale kuwa sheegta inay yihiin Qurbajoogta beesha Mareexaan iyo dadka deegaanada Galguduud iyo Jubbooyinka jooga ayaan ka hadlin ama cambaareyn ama ka gadoodin dilalka bareerka ah ee horey loo geystay Wiilasheena Allaha U Naxariisto Marxuum Xildhibaan Aden Buule Maxamed, Marxuum Dr. Cabdixakiin Maxamuud Khaliif Shire iyo Marxuum Dr. Cabdirasaaq Xaaji Masale (Bile), filina maayo maanta inay ka gadoodayaan dilka bareerka ah ee loo geystay Walaalkeen Marxuum Ganacsade Sade Mahad Dirir Guuleed (Cadcad) haddii ay ka hadleena wax saameyn ah oo ay sameeyeen maan arag.

Gabagabadi waxaa dadkii hore oran jireen (Dhiiga Mareexaan Leysma Tuso) iyo (Qaan Mareexaan Waa Qaaxo Kugu Maqan) war ma anigaa waalan mise waa yaab’e toloow waa iga su’aale ma anigaa kaligey ayaa ka haray Mareexaankaas? Haddiise warkaa run yahay Meeye ama Aawaye MAREEXAANKAAS, maxaase u diiday inay ka hadlaan, cambaareeyaan, ka gadoodaan wiilashan maalinba mid sida waxuushnimada ah ee qabiiliga ah loogu goowracayo Muqdisho?

(Cakuye Geella Muu Dido)

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed
Run Sheeg Waa Ceeb Sheeg