Dad Diyaysan iyo Dal loo Tashaday?

0

Dhamaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay allaah (SWT) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo aan xisaab lahayn iyo rasuulkiisii suubanaa Muxamed (CSW). Intaa kadib waxaan salaamayaa guud ahaan Muslimiinta, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed. Asallaamu calaykum warmatullahi wabarakatuh.

Sida aad ka wada dheehan doontaan qormadan waxaan ku gorfayn doonaa xaaladaha cakiran ee ka aloosan dalka Soomaliya,hadaba inta aanan carabka ku dhufan ujeedka qormada waxaan rabaa inaan wax yar oo sharaxaad ah ka bixiyo ereyga “Diyaysan” oo kamid ah ereyada ciiwanka u ah qormada si ay aqristayaasha intooda aan aqoonin aan ugu iftiimiyo kadibna ay si hufan u fahmaan guud ahaan ujeedka qormadu ay xambaarsan tahay.

Ereyga “Diyaysan”,waa habow ama kala garasho la,aan uu kala garan waayo qofku wixii saxnaa iyo wixii khaldanaa,Tusaale hadii roob da,o oo qofku uu kala sixi waayo meesha uu ka yimid iyo meeshii uu ku socday waxaa la dhahayaa qofkaasi waa diyoobay.

Hadii aan usoo dhaadhaaco ujeedka ay daaran tahay qormadani waxa aynu la wada soconaa xaaladaha ka jira dalkeena Soomaliya oo marba marka kasii danbaysa aad mooda in wajiyo cusub oo kuwii hora ka duwan kana khatar badan usii galayo,kaba sii darane aad moodo dadkii Soomaliyeed inaysan fahansanayn khataraha hadba uu sii galayo dalku oo runtii hadii inta ay goori goor tahay aan wax laga qaban ay suuro gal tahay inay gaaro heer barako beel ah oo an waxba laga qabin Karin.

Hadii aad si qoto dheer u darasto sida dalku uu u sii dhimanayo iyo sida ay dadku war moogta uga yihiin waxa kusoo baxay dal baylah ah oo ay cid walba usoo hanqal taagi karto in ay iyadu qaadato dalkan hodanka ah hadana aan lahayn dad u qalma oo garan kara waxa uu dalkooda yahay.

Badi dadka soomaliyeed waxa ay ku mashquul san yihiin siyaasad aan miro dhal lahayn oo ku dhisan aragti gaaban oo ay udub dhexaad utahay qabyaalad,waxaa miis walba oo soomaali fadhido looga hadlayaa doorshada 2016 iyo qaabka ay u dhacayso ma 4.5 baa lagu galayaa mise degmooyin,yaa madaxwayne ka noqonaya,diidmada puntland ee 4.5 iyo is afgaran waaga ka taagan maamul u samaynta gobolada hiiran iyo shabeele iyo waxuun kale oo halmaala.

Arki maysid qof ka hadlaya wabiga shabeele ee ay biyihiisu gureen,abaaraha ba,an ee ka aloosan qaybo kamid ah dalka,ciidamada awooda badan ee jooga bada soomaliya ee ku magacabaan inay xeebaha ka ilaalinayaan burcad badeeda oo cid la xisaabtantaahna aysan jirin,hishiiska xaraanta ahaa ee midowga yurub ay la gashay dawlad soomaliya oo runtii u eg gumaysi cusub oo dalka la galinayo ( news recolonizing ) iyo khataro kale oo badan oo ay mudnayn in laga dood oo wax la iska waydiiyo.

Si cilmi iyo aragti dheeri ku dhisan hadii loo derso siyaasada Soomaliya ka jirtaa dhamaanteed waa mashquulin iyo naafayn ummada lagu marin habaabinayo mana lahan hiraal iyo himilooyin wadaniyeed oo ay ku dhisan tahay,kaliya waa reer hebel muxuu helay iyo reer hebel waxba kama maqna ,wax kale oo intaas dhaafsiisan oo ay leedahay siyaasada soomaliya majirto.
Marka aad is barbardhigto khatahara qarsoon iyo kuwa muuqda ee dalkan kusoo wajahan iyo abaabul la,aanta soomalida waxaa kusoo baxaya dhaxal guur dhab ah oo kusoo socda dalka hadii aan eebaha awooda badan naga samata bixin.

Su,aasha iswaydiinte leh waxay tahay dadkan ukala ordaya siyaasada iyo kuwan awoodaha dalka si reeraysan isugu haysta yay xukumayaan maxayse lahaan doonaan hadii dalka maamulkiisa uu gacanteena kabaxo,ma is waydiiyeen cida ay wax ku yihiin inay yihiin dadkooda iyo dalkooda.

Hadii xaqiiqada jirta la is moodsiiyo waxaa imaan karta halis balaraan oo ay adkaan doonta inaan ka samato baxno ,sida hada wax usocdaan waxa ay u egtahay dad diyeysan oo aan aqoon meel ay usocdaan iyo dal loo tashaday oo mar hore siyaasad iyo qorshayaal cad cad loo samaystay oo marba ay fulayso in ku haboon waaqica hadba markaas taagan ilaa iyo ay ka gaarayso in si toos ah oo an ka gabasho lahayn la inoo kala wareego dalka aan anagu dayacnay hadaan nahay soomali.

Marka laga reebo awoodaha xadiga way ee eebe ee iyagu fashlin kara dhagarta arxan darada ah ee loo maleegayo dadka iyo dalka soomaliyeed waxaa iyana muhiim in la helo naftood hurayaal wadaniyaal ah oo usoo ban baxa bad baadinta dalkooda, waxaan meesha ka marnayn in la sameeyo kacdoon dhab ah oo dhamaan shicibka soomaliyeed ay uga gil gilanayan dalqalatooyinka aan waxba reebayn ee raba inay qaatan dal iyo dad aysan lahayn.

Dunidan casriga ah ma jirto cid xoog lagu haysan karo haba yaraato ama ha badnaato awood hala haato ama yeysan lahaane, xasuuso xikmadii Karl marx ee ahayd “ qofku mar uu garto in la gumaysto ayaa uu xoroobay” waa inaan fahanaa inaan kujirna gumaysi dad ban oo in badan oo hadimada gumaysiga ah aynaan hada arkin Karin laakinse waqti dhow la arki doono hadii aan laga gil gilan,
Ummadi waxa ay wax ku tahay dhul bad iyo biriba leh oo ay leedahay marka laga hadlayo cilmiga xiriirka calaamiga ah (international relationship )waxay khubarada aqoonta u leh ay dhahaan dalkii 600000 KM square baaxada dhulkiisu uu ku fadhiyo waxaa uu u sharaxan yahay inuu noqdo wadamada awooda dhexe leh ( middle power country ),oo uu ku mutaysanayo oo kaliya waynida dhulka iyadoon wax kale uusan samayn,hadaba soomaliya oo ah baxad ahaan 637,657 km2 waxad hada mooda intaas laftirkeeda laga dagalamayo hadaan xusno dhowr dhacdo waxaa kamid ah murankii bada ee Kenya iyo soomaliya iyo dhul durugsii Kenya ee dhanka berigai iyo kuwa kale.

Watii abwaan Macalin dhoodaan ulahaa;
Warankaagu ruxuusan mudin
Weedh la marin waaye.

Dal aan lahayn cid u dooda udhimata ka dhiidhida gafafka qaawan ee lagu hayo dalkeeda waa hubaal In shaki la galin karo jiritaan wadaankas iyo dadkiisaba.
Dalka soomaliya maantay waxaa uu u baahan yahay dhaqdhaqaaq kacdoon dib u xorayn ah oo ay abaabulayan kana qayb qadanayaan dhamaan qaybaha kala duwan ee soomaliyeed sida culimada,aqoon yahanka,dhalinyarada,ardayda,haweenka iyo siyaasiyinta wadaniga ah.

Marna yaa la inaku khaldin reer hebel baa loo socdaa iyo dhulkii reer hebel baa laqaatay soomali isku si bay u tahay cadowga mana kala jecla, walahi baan la kala jeclayn marka laga reebo in nala kala hor marinayo mooyee oo hadba kuwa la tir tirayo mooye kuwa kale lagu dhahayo idinka cidi idiinma socoto,hadii taasna an ku kadsoonana waa garaad xumi iyo caqli yaraan ina heshay.
Hadafka awoodaha isa soo bahaystay uu dalkeena ka leeyahay waa inuu dalka inaka qaado wixii isku daya inay ka dhiidhiyaana intay magacyo khaldan u bixiyaan sida waa argagixiso inay dhiigooda ku xalashadaan oo ay dilaan.
Soomaliyeey hurdada ka kaca oo inta ay goori goor tahay u quma sidii aad dalkiina u bad baadsan lahaydeen.

Murtida Faallada;

Gabigeedba soomaali waa – Gawrac badidoode,
Waa gumaysi camaladi midkaan- Taasba garanayne,
Gayigiyo dhulkeenii dhawaan– Waa galbadey kaase,
Inteey goori goor tahay dadoow– Gaara talo fiican,

Abwaanka: Duraan shirwac

Soomaliya soomali baa leh,Soomaliya Guul iyo horumar

W/Q: Abdikadir Ibrahim Ahmed ( kambale )
Email: Geeljire1900@gmail.com