MAQAAL:KA SOO HOYO HANFIDA IYO ABAARAHA. Avv. Dr. Cabdulqadir “Tallman”

0

MAJEERTEEN (AmabaDaarood) xataa haddii la siiyo MADAXWEYNAHA, TAN RAIISULWASAARAHA, IYO TOBANKA WASIIR OO LOOGU JECEL YAHAY, INTAA HADDII MAANTA LA ISUGU DARO , MAXAY XAMAR IYO SOMAALIYABA KA BEDDELI KARAAN?

JAWAABTU WAA WAXBA.

HADDABA MAXAY WAQTIGA U LUMINAYAAN?

MAJERTEENKII AAN IQIINNAY EE CAQLIGA IYO GARASHADA BADNAA, MA SIDAANAA U DAMBEYSAY? INAY KU DAALAAN WAX AAN U ADEEGEYN DANTOODA DHABTA AH. SOW MA GARTAAN IN AANAY XAMAR IYO KOONFUR KU SOO LAABAN KARIN, IYADOO LA HELO DAWLAD AWOOD BADAN OO SUGI KARTA AMMAANKOODA MOOYEE?!

DAWLADDII HAWSHAAS QABAN LAHEYD OO IYAGA SOO CELIN LAHEYD, FARTA KA SAARI LAHEYD GURYAHOODA, XOOLAHOODA, BEERAHOODA, DAWLADDII INTAAS U QABAN LAHEYD BAY INTAAS QALIN DAARAYAAN. HADDANA WAXAY INTAA LEEYIHIIN: HANTI BAA LA IGA HASTAA, BEERO AYAA LA IGA HAYSTAA, GURYO AYAA LA INAGA HAYSTAA.

DAWLAD WAA LOO WADA BAAHAN YAHAY, HAYEESHEE WAA LOO SII KALA BAAHI BADAN YAHAY. MAJEERTEEN WAA DAWLAD KU NOOL. HAWIYE IYO XERTIISA, SIDAAN BAY DAWLAD KU YIHIIN.

AAWAY CAQLIGII MAJEERTEEN LAGU YIQIINNAY?!.

DAWLADDA WAX KA DHISA, AAD SOO NOQOTAANE.

NACEYBKA HAWIYAHA DARTII, HA UGU XABBISNAANINA LAMADEGAANKA IYO HANFIDA IYO GAAJADA. NIMCO AYAAN KU JIRNAA IYO CIID MADAX KA DHOWRASHADA, YAANAY IDIN LA SII FOGAAN.

HAWIYE AYAAD KA CARARTEEN, MARKAASAAD DHEX FARIISATEEN NAARTII HAAWIYA.
WADDANKAN AWALBA HALHAL BAAD KU SOO GASHEEN: MID DAGAAL KA SOOCARARAY,
MID ABAAR KA SOO CARARAY, MID FAQRI KA SOO CARARY, IWM.

MARKII DAMBENA, ADINKAABA DALKII LA WAREEGAY.

WAAD TAQAANIIN JARANJARTAAS. HADDA KA HOR BAAD SOO FUUSHEEN. HADDANA SOO FUULA. Ka shaqeysiiya caqligii lagu yiqiin aabbayaashiin iyo awoowayaashiin. Xoog iyo mooshin aan dhammaad laheyn iyo qalin-daar iyo dawlad isku taag waxba ku xallismi mayaan. Waqitigiinna Iyo maalkiinna waxaas ha ku luminina.

Dawladda aad qalin daareysaan, Hawiye dan weyn uga ma xirna. Fawdada ayuuba ku caano maalaa. Dawladda idinkaa ugu baahi badan oo dawlad ku nool ah.

Waa dhab inaadan jeclayn Hawiye. Waxay idinkaga dhegtay: aan jallaafeyno dawlad kasta uu Hawiye
hormuud ka yahay. WAXAAD KA IL-DUUFTEEN IN AADan SOO NOQON KARIN (NOQOSHO LA ISKU HALLEYN KARO) ILAA LAGA HELO Dawlad xoog leh oo sugi karta KARTA AMMAANKIINA IYO XOOLIHIINA. DAWLAD LEH MAXKAMADO, BOLIIS, CIIDAN, XABSIYO, IYO AWOOD.

ANIGA WAXAA I SOO MARTAY 2001 dii (Dawladdii Cabdiqaasim waqtigeedii) inuu nin DAAROOD AH II DHIIBTAY DACWAD BEER KU SAABSAN. WAAN UGU ADKAADAY ILAA MAXKAMADA SARE.

MARKII AAN SIIYAY WARQADDII XUKUNKA MAXKADDA SARE AYUU I WEYDIIYAY: NIMANKII WELI BEERTII WAA TACBANAYAAN EE MAXAAN YEELAA. WAXAAN KU IRI: HAYSO XUKUNKA OO LA SOO BAX MAALINTII LA HELO DAWLAD AWOOD LEH. WELI SIDII BUU U HAYSTAA WARQADDII XUKUNKA MAXKAMADDA SARE OO AAN LA HAYN CID FULISA.

GOOLASHAN AAD KA DHALINEYSAAN DAWLADDN, WAX MICNE IYO FAAIIDO IDIIN MALAHA.

WAA ISKA WAQTI LUMIS IYO JUHDI GALAY MEEL AAN LOOGA BAAHNEYN.

ANIGU HAWIYE WEYDIIN MAYO EE MAJEERTEEN BAAN WEYDIINAYAA INAY SOO RUJUUCAAN OO AY DAWLADDA WAX KA DHISAAN. IYAGAA GARAN KARA BAAN IS-LEEYAHAY QIIMAHA DAWLANIMO. IYAGAANA U SII BAAHAN BADAN NIDAAM IYO KALADAMBEYN.

XUSUUSTA LABADII HOOYO EE CUNUGGA KU MURANTAY. MARKII UU QAALLIGII YIRI:

DHEXDA AYAN KA KALA GOYNAYAA EE MID KASTA BAR HA QAADATO, WAA TII AY HOOYADII DHABTA AHEYD TIRI: “QAALI: HA KALA GOYNIN EE IYADA SII. ANIGU BEEN BAAN KU DACWOONAYAY E. “

HAWIYE DAWLADDA LA DHISA — OO ISAGU iskuma fiicna DAWLAD IYO AMUURAHEED E. KA GADAALNA, U HAWL GALA SIDAAD DAWLADDA UGALA WAREEGI LAHEYDEEN.

Anigu waxaan dugsi dhigtay Daarood oo madax ah. Waxaan akadeemiya (jaamacad military) soo dhammeystay Daarrod oo madax ah. Sarkaal military waxaan noqday Daarood oo madax ah.

Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed baan dhammeystay Daarood oo madax ah. Qareen ama avvocato (lawyer) ayaan noqday Daarood oo dalka ka taliya.

Sidii aan anigu u soo helay fursadahaas baan la jeclahay carruurteyda iyo carruurtooda.

Haddii aanu Daarood soo noqon, way adkaaneysaa taas. Oo dalkiiba nabad iyo ammaan sugan kama jiraan, Miisaankii baa kala dhantaalan.

THERE IS A CHANCE INAAD KU GUULEYSATAAN MADAXTINIMADA DALKAN. Waxaase ka horreysa inaad soo noqotaan.

Horta salka meel la hel. Markaas ha lagaa siibo nabarka isha ah.

ISMA OGIDIIN EE INDHA CADDEYSKA AAD HADDA WADDAAN, waxaad faleysaan beer uu hawiye leeyahay. Dantiisii iyo siduu rabay ( OO AH IN AADAN SOO NOQON BOQOL SANOO KALE)AYAAD U FUDUDEYNEYSAAN.

XAMAR IYO DALKIIBA WAA IDIIN BAAHAN YAHAY. QURUXDII IYO NALKII BAA KA MAQAN KOONFUR INTA AY DAAROOD IYO ISAAQ KA MAQAN YIHIIN.

SOO NOQDA, AAN MARKAAS, ANNAGA OO WADA JIRRA, ISAAQ ISLA DOONNEE.

W/Q: Avv.Dr. Cabdulqadir “Tallman”
Email:advtallman@gmail.com