Anoo ku qiimaynaya siyaasiga soomaaliyed waxa uu maanta ka qabtay dalkeena hagarna aan galinaynin arinkaas ayaanwax yar ku xusayaa raysalwasaaraha dalka soomaaliyeed qayb kamid ah wax qabadkiisa midho dhalka ah.
Dalaka soomaaliya waxaa ragaadiyay mudo aad u dheer oo rubuc qarni ah,dawlad la aan.Tanoo ay keentay burburkii dawladii dhexe ee dalka maamulaysay sanadkii 1991 horaantiisii. Inta badan waa lifshaa kol hadii wadan lumiyo koontaroolkii guud ee amaanka dalka,hubkii dawladuna uu gacanta u galo shacabka xaladuna ay noqoto jaantaa rogan isuna badasho dagaalo sokeeye,inay adkaato nabad ku soo dabaalida dalkaas.Hayaashee ayadoo loo eegayo dhaqmada wadankaas,dhaqaalihiisa,ilbaxnimadiisa.aqoonta dadkiisa,ayaa la orankaraa way ku kala duwan yihiin soo afjarida dagaalada sokeye iyo yaqleelka dawladnimo. Sikastab ha ahaatee waxaad moodaa in inaga soomaaliya aynu kamid nahay wadamada arinku la dheeraaday xakamayntiisa iyo xal u helidiisaba.
Waxaase jirta in rajada alle aan laga quusan kolayna waa jiraan marwalba rag soomaaliyeed oo wadaniyiin ah una heelan inay dalkooda xal waara u helaan sidan ayaan rajaynaynaa anagu. wax yaabaha igu dhalinaya ifafaalahaas iyo dareenka wadaniyadeed igu carinaya waxaa kamid ah taariikhdan cad ee aan maanta wada aragno ee socota.Waxaana kamid ah raysalwasare sharmaarke oo xil kiisa ugudanaya laba jibaar intii aan ka filaynay,noona muu jiyay daacadnimo iyo wax qabad dhab ah.Mar unbaan aragnay sharmaarke oo kadagay gobolka mudug halkaas oo ay ka aloosnayd colaad iyo dagaalo khasaare uun ah oo u dhexeeyay dadka walaalaha ah ee puntland iyo galmudug.Arbaco 2.12.2015 taariikhdu markay ahayd ayaa sharmaarke dhex dhigay heshiis waara oo labadii dhinac ah tanoo guul u ahayd iyo talaabo nabadayn dalka oo dhan ah umada soomaaliyeed.ma iloobayno dad isu keenkaa iyo wadaniyadaas. waligaa rajaa la qabaa dadkeena soomaaliyeedna lagama waayin dad u kaca oo wanaagsan fursada iyo xiliguba ha adkaadee.
Waxaa intaa ii xigtay markii puntland uu kasoo baxay masuul waa dr gaase oo ah nin aan u dhuun daloolin,arimaha siyaasada iyo xal u helida mashaakilka dawlad la aan ee mudo dalkeena haysata,dhanka kalana laba orankaro waxa uu kamid yahay mashaakilaadka hortaagan xal u helida dawlad soomaaliyeed ayaa buuq iyo sawaxan aan loo baahnayn ku soo siyaadiyay nabadii la dhoob dhoobayay ee dalkeena. waxayna noqotay in isagii xal loo helo iska daa wax uu xalka dalka u taro ee. dalkana waxa jogo dr gaas tiro badan.
Puntland shacabkeeda cashar kufilan waa qabaan kursiguna maha toloow fariiso ee waa nin u qalma oo la iska hufay.laakiin nin nolasha shaqo iyo ganaacsi ku guuldaraystay in uu ka tabcasho usoo doonto puntland kursiga maha daw iyo gar ee waa liidnimo shacab.Hayeeshee marlabaad wareerkaa haystay puntland ee ahaa 4.5 waa rabanaa iyo marabno halmar wada socda madaxwayne laga hayo waa dr gaase oo hadana khal khal siyaaso kala dhex dhigay puntland iyo dawladii dhexe ee fadaraalka,labada dhana uu dadku wareer san yahay in yar mooyee ayaa waxaa labadii dhanba isu keenay oo dajyay odayga nabada ee sharmaarke. hesiiiskaan labada dhan ah ee uu isu keenay laguna wada qancay labadii dhanba ayaa ahaa mid ka saaray dadkii mashaakilkii uu abuuray dr gaas.
Taariikhdu markay ahayd 4.4.2016 ayuu sharmaarke kusoo afmeeray is fahan daradii dhex tiilay dawlada dhexe iyo puntland oo caqabad ku ahayd geedi socodka nabad lagusoo dabaalo dalka.Arintan sharafkeeda iyo libinteeda waxay gaar utahay nin kii dhaliyay waana sharmaarke.hadaba xaqbaynu u leenahay inaynu ku tix galino kuna amaano kuna qiimayno labadaa heshiis ee uu dhex dhexaadiyay kuna guulaystay sharmaarke.hadaba sharmaarke sidaynu hadaba ka aragno waa nin soomaaliyeed kana sareeya fikir beel iyo gobol,waa nin ka xaragooda wax soomaalinimo ka hooseeya,waxaan ku aragnay in ay umada soomaaliyeed u simantahay.
Waxaa xusid mudan in xubnaha beesha majeerteen oo ah 12 xubnood oo kamid noqon doona labada gole ee dawlada soomaaliyeed in loo dhiso laga rajada qabo, ayaa gaashaanka ku dhuftay in halbeeli hesho wax ka badan hal xubin.waxa uuna go aamiyay in ayadoo la eegayo sinaanta iyo cadaalada iyo qaybsiga beelaha,la tix galinayo wada jirka iyo usinaanshaha sharciga iyo cadaalada,in intay gaadho si siman loo siiyo xubnaha oo halkaa ku yimaadaan 12 beelood kamid ah majeerteen.waxaan meesha kamid ahayn xisaabtana ku jirin sida beeluhu u kala badan yihiin.badnaansho waxay cidii xiisaynaysa wax u taraysaa,marka la qaado doorasho nin iyo cod ah.waxaana markaa kala cod badanaya dagmadii kabadan dagmada kale iyo gobolkii ka dadbadan gobol kale arintan hada ma joogto. hada waa beeluhu garbasiman ayay ku helaan xubnaha baarlamaanka.sharmaarke cadaaladiisu waxay anfacaysaa aakhiradiisa iyo kalsooni iyo sharaf ah tolka iyo soomaali oo dhan dhexdeed waana dhaxal iyo wadadii aabihii.waa ku mahad sanyahay simida umada soomaaliyeed dhexdeeda umadan oo in badan wayday waxay u ooman yihiin oo ah sinaansho xuquuqda dalkan inaga wada dhexeeya.
Maanta beel waliba xaqeeda ayay u taagan tahay waa dhamaatay xiligii maalin cad lays boobayay oo beeli xoog iyo xeel kay doonto uuga qaadan jirtay xubnaheeda iyo xaqooda beel kale halkaana ay waxay dhaceen iyo waxay heleen isku darsan jireen oo sad bursan jireen.Go aan kaa sharmaarke unbaa xaqu yahay lana huraynin. mudo 18 sanadood ah ayaa jifo kamid ah majeerteen ay si dulmi ah ku haysteen xubnihii siyaasada iyo xuquuqdii wadaniyadeed ee ay lahaayeen beelo farabadan oo dagan puntland,kadib markay jifadu ka faa iidaysteen xukunka gacantooda ku jira oo ay khalad u isticmaaleen iyo cadaalad daro.mar haday ku habsadeen dhaqaalihii dakada,kii garoonka diyaaradaha,dakhliga kasoo gala shirkadaha shisheeye ee ay ka kiree yeen si sharci daro ah shirkado shisheeye,waxay ka heleen lacago maaliiyiin ah oo ay u adeegsadaan kala qaybinta beelaha isku dirkooda iyo duudsiin xuquuqdooda.jariimadan oo ah mid meel u taala godobtaasi. waxaase dadka bogsiiya oo deeqa kaliya waa cadaalad tanoo xoojinaysa wada jirka is jacayl,is qadarin iyo tolnimada umada dhexdeeda.dalku waxa uu u bahaan yahay sifahaas sharmaarke.
GABAGABADII
Waxaan u quay maqaalkan kadib makaan arkay labadaa heshiis ee uu keenay sharmaarke in aan ku qiimeeyo una aqoon sano oday soomaaliyeed,tanoo sharaf ay utahay umada soomaaliyeed ee shisheeyuhu ku caayo isumataliso aan heshiin aqoon!! isagana ay u tahay mahad naq iyo dhiiri galin in uu halkaa kasii wado hawsha qaran ee loo igmaday.waxaana intaa ii dheer waxbadan baan ka sheekee yay daba dhilif iyo gumaysi raace dib u socod ah iyo madaxwayne beenaale ah waxaan gartay in dadkeena wanaagsana laxuso wanaagooda.dad ka naxaya dalka iyo dadka oo wadani ahi waa jiraan.waxaase qof kastoo soomaaliyeed xika saaran yahay in uu kala saaro wadani iyo daba dhilif fikir dheer dabadii.