Ka Kadib Burburintii Dowladii Dhexe Sanadkii 1991, Soomaaliya waxay gashay Marxaldo kala duwan oo taxane ah, oo taagnaa maalinba meel. waxa fulayay, Qorshayaal si Xariiftinimo leh loo soo kariyay. ilaa laga soo gaaro Sanadkan 2016-ka oo ay si Qiraal iyo Ictiraaf ah loo qiray inuu dhacay Fashilaad aad u Baaxad weyn oo dhinac walba ah. Sababtayna inay bilaabaan Wadamada Reer Galbeedku inay Joojiyaan dhamaan Qarashkii ay ku bixin jireen, Fulinta Qorshayaashaas ! waxa xigay in Si aysan u kala daadan waxaan loogu yeero Federaalka ayaa ay Reer Galbeedku dib ay u Sharciyeeyeen Nidaamkii la isticmaalay Toban iyo Sadex Sano ka hor! !!! ee Jilibyada Sanadkii 2003-dii?! Oo macnaheedu Fashilka Nidaamka Federaalka ah oo kow ah iyo in dib loo soo celiyo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo laba ah! Wuxuu dhistay (Loyalties) iyo (Power Houses) dhaafsiisan Jilibyada iyo Gobolada oo isugu jira kuwo Muuqda iyo kuwo Qarsoon?! Haduu meesha ka baxana ay u dhamaanayso Fedaraha iyo waxa ku lamaanan? Nidaamka 4.5 hadaan la isticmaalina uu lumaayo Federaalka.
Sababahaas waxay intooda badan cadeynayaan, in Soomaaliya ay ka dhici doonaan Isbadalo waaweyn, oo ay dan ugu jirto Masalaxada iyo Danta Qaranka Soomaliyeed Insha’alaah. balse sababta Soomaaliya Guul darada ku dhex haysay, oo Suurada ka dhigaysay mid Ba’day waxay ahayd, ayaan halkaan ku fiirinyanaa o uu Cinwaanka Maqaalkaygana uu ku saabsan yahay. waxay u baahan tahay in la fahmo marka hore Dagaalada Soomaaliya lagu wado noocyadooda kala duwan, Barashada Dagaaladaan waxay kugu kaalmeynaysaa inaad marka ugu horeysa barato waxa socda, oo aadan u qidmeyn adoon isogeyn Ujoodooyin Dhagareysan? Ama aad u sacbiso ama ka sacbiso waxaadan aqoon? Hadal badan haan ma buuxsho, aan wada bilowno:
Mooral Dilka (demoralization)
Marka hore, intaanan gudo galin Mooral-Jabinta, waxay tahay? aan ku bilowno Mooralka Wanaagsan; Calaamadaha lag garto waxa kamid ah; Go’aan (adag) (determination), isku-Kalsoonaan (Self-Confidence) iyo inay yaraato ilaa iyo xad IS-EEDEYNTA (criticism) iyo Cabashada (complaint). sidoo kale mooralka inuu dhismo waxa muhiim uah; dadku waxay ka rabaan inay ka helaan Qaran ama Qadiyad, ma inay helaan waxay Cunaan (cuno), Meelay Seexdaan (Guri), waxay xirtaan (dhar), inay ku kalsoon yihin Cadaalada qadiyadooda, inay ku kalsoon yihiin inay Qadiyadoodu ka gudbi karto Caqabadaha; iyo ugu danbeyntii inuu jiro dareen Mideynaya Taageerayaasha Qadiyada.
Sida uu u Shaqeyo Mooral-Jabinta
Waxa loo Adeegsadaa Mooral-Jabinta qaabab badan sida; Brobogaandada ( Propaganda), Qiyaamda (Deception), marinhabaabinta (disinformation), wakaaladaha saameynta leh (agents of influence). foorjari ( forgeries) ama in la adeegsado hababka kale ee Weerarka Siyaasadeed. Waxay ku xiran tahay hadafka nooca ku haboon ee loo adeegsan karo, Si kastabsa, Hirgalinta Istaraatijiyad fog oo Mooral-Jabin ah, kuma koobna oo kaliya Weerarka Cadawga Mooralkiisa, sida uu sheegay ninka la yiraahdo Harold D. Lasswell ; “waxay martaa Sadex Dariiq; in la Duwo Naceybka ku Wajahan Cadawga; (inaad meel kale ku wareejiyo naceybka aad iiqabto ) Waxa meesha ka baxaya, Dadku inay yeeshaan Welwel Mideysan., kadib waxaa laga fa’iideysanayaa Iska-Shakinta. Noocaan waxa la yiraahdaa Niyad-Jabinta Kalaasiga ah ama hore(classic Demoralization); ugu danbeyntii abuur jiho aad kuwajahdo Naceybka iyo Walwalka.
Mar walba Istaraatijiyada Mooral-Jabinta waa inay ku jaango’naato Qaabka uu yahay (Bulsho, Siyaasad, Dhaqaale, etc) iyo Xaalada uu ku jiro.
Ka Inkirida Suurada Cadawga (Denial of an enemy image)
Qaabka ugu Muhiimsan ee loo fulin karo Istaraatijiyada Qalbi-Jabinta waa, in laga mamnuuco hadafka inuu yeesho Awood uu ku cabiro Xanaaqa iyo Naceybka uu u qabo Cadawgiisa. Dadaalka noocaan oo kale waxa uu ku sababaa Dadka inay garan waayaan cida uu yahay Cadawgoodu, oo ay ku Faarujin lahayeen Xanaaqooda! Tusaale; Reer Hebel, iyuo Nin Hebel ayaa kuu soo xeyd-xeydan!. Kuwaana waa taqaan inaysan macno lahayn! Sidaa darteed ayaa Walwalkii dhismihiisuuu sii Kordhaa, waxa lag haynayaa meelaha secondery-ga ah ilaa la gaaro Marxalad ama la helo Fursad loo helo meel loo Duwo.
Marxaladaas dadkii ayaa bilaaba inay ka Shakiyaan Madaxdoodii, iyagoo aamina inaysan lahayn Tabar ay Dadka ugu Sheegaan Cadowgooda dhabta ah ee waxaan wada. Eedo waxay koraysaa Madaxda, halka Madaxduna aysan awoodin inay sheegaan Cadawga Dhabta ah si WAADIX AH Maxaa yeelay Madax waxa noqda ninkii Greenlight Cadawga ka hela?! sida uu Sheeegay Al-Ustaad Dhuxuloow? Waxa laga dhigaa madaxdii, kan daji, kan saar si iskadaba wareegu u bato!
Ka Faai’deysiga Shakiga (Sowing seeds of doubt and anxiety)
Hadafka ugu muhiimsan ee Istaraatiijiyada Niyad-Jabinta, waa In Qadiyad Shaki lagaliyo, waana Qeexida ugu fudud ee Niyad-Jabinta.
Waxaad isticmaalaysaa Borobogaando si aad dadka u tusto in Madaxdoodu ay yihiin kuwa ka danbeeya dhibaatooyinkoodoo dhan. Ka faa’iideyso ama dhiigmiiro qilaafaadka gudahooda ka jira, (Jilibyda, Masaalixda……Al-Shabaab,). Ka dhiga Hadafka (Shacabka) midaysan jirin ciduu qiimo ka leeyahay! Isticmaal Cunsurka kadinta si aad u tusto Shacabkii in Madaxdoodu ama Qadiyadoodu (Qarankoodu) uusan awoodin inuu ka badbaadiyo Cadawga. (Nooca Borobogaandada Sawirka; Cadawgoodii ayaa Amar Siinaya….ama ay Saf ugu Jiraan, ama heshiisiinaya, yacni dhibka asagaa abuuraya ! si uu u helo Sawir laga dheehan karo in Xalkana uu isagu Keenayo?!)
Baaritaano badan ayaa cadeeyay in Baqdintu ay Saameyso balaaran u geysato Nafta, Sidaa Darteed ayaa Weerarka Niyad-Jabinta uu u hirgalo waa in Cabsidaas ay taagnaato, marwalba. Kadib ayay sii balaaranaysaa ilaa ay ka gaarto QalQal (anxiety). Buufiskaas ayaa dhaliya Niyad-jabiya in la naco Qadiyadii iyo Hogaankii.
Marka hore Tahdiidka Dhabta ah iyo dhiabatada waxay dadka ku dhaliyaan, Degenaansho daro iyo Cabsi. adigoo isticmaalaya brobogaandada nooceeda Quraafaadka ah (Fables) iyo Kutirikuteenta (rumors); taas ayaa laga dhalin karaa Buufis ama Qalqal (anxeity) iyo Iskudhexyaac Maskaxda ( neurosis).
Waxaa sidoo kale la isticmaalaa hababka (Political Warfare) sida; (Deception) Khiyaamo (disinformation) Marinhabaabin (Agents of Influence) Canaasirta Saameynta iyo (Forgeries) Foojari waxaad ku harqinaysaa Hadafkii Macluumaad uga sii dara Xaalada, waxay ka shakinyaan qadiyadooda iyo Hogaankooda. Waxa uuy gaarayaa heer, xitaa hadii lagu sameeyo Xaqiiqooyinka Sharaxaad Mandiq ah, inay degto iska daaye ay kasii dareyso. waxay dajisaa Shaqsiyaadka iyo kooxiha Iskudhexyaac Maskaxda (buufis) ( neurosis) ilaa ay ka dhaadhiciso in Dhibaatadaan ay tahay mid Mujtamacu uu Dhaxal u leeyahay, ama Taariikhdooda kamid ah!.
Tanaaqudkaas (Contradiction) iyo Tahdiidkaas ayaa waxa u gaarsiiyasa“Insaankii heer uu iskdhaadhiciyo inuu yahay Eedeysane?, Dambiile ?. Markaas kadib Ayaa Waxa Bilawda Raadinta Qadiyado kale oo uu isyiraaho waxad ka helaysaa Dareen Sax ah?! Marxalada Shaki-Badne, (doubt-ridden) iyo Dareenkacsane (anxious) ayaa macnaheedu yahay in laga Guuleystay dadkii, oo la gaaray Marxaladii laga furfuri lahaa Daacadii loo hayay Qadiyadii iyo Qarankii? markaaasaa waxa awood ay u helaan (Antogonist) inuu u Jiheeyo meesha uu isagu rabo (Natiijadu waa Soorland, Bugland, Isbaroland, Kursiland iyo Jabland) iyo kontomeeyo kale oo la Yar-Yarland la yiraahdo oo hada la yareeysanaayo, laakiin loogu tala galay, inay noqoto Kaar culeys lagu saaro ku n oqoto kuwaan? Yacni nin aan hadaf ahayn ma jiro?! Xitaa hadii aad tahay Jaajuuskooda kan ugu weyn!?
Sikastaba Dagaalkaan iyo Weerarkaan ma lahan damaanad cad oo la isku halayn karo, sida ay leeyihiin Qubarada., waxa laga yaabaa inay kusoo noqoto (antogonist) ama Cadawgii oo dadkii ay fahmaan Dagaalka, kadibna ay marka kale dib ugu noqdaan Qadiyadoodii ama Dowladoodii Asalka ahayd.
Duwida (Diversion)
Istaraatiijidada Niyad-Dilka tan ugu muhiisan waa duwida (diversion) laakiin fulinteeda way adag tahay, waxayna leedahay wajiyo badan. sida uu Xusayo Lasswell; “si loo Wiiqo Naceybka Dadku u Qabo Cadawga, Xanaaqooda waa in loo Weeciyaa cid ka Madaxbanaan Cadawgii Hore (Woyane ayaa ugu horeeyay markuu si aad u weyn u fashilmay ayaa Uganda iyo Burundi la keenay, markii ay Fashilmeen ayaa Kenya la Keenay?! Kenya markay Fashilantay ayaa Hadana Woyane lasoo celiyay ?! Hadda waxa isla wada jooga waa Faashilintii oo Dhan ?! oo qaarkood ay guryahoodii Holcayaan!! Sababta ay isku maaweelinayaan waa Qaanunka waqtigiisu Dhamaaday ee waxa loogu yeero, la Dagaalanka, waxa loogu yeero Argagasixada? Taasna kuma cusba maskaxaha Soomalida ) maxaa yeelay isbadalkaas u duwida naceybka Hadaf kale, waxay ka weecisay Naceybkii Cadawgii hore waxayna Dhalaysaa Qalqal (anxeity) aysan yareyn karin Dadkii Qadiyadooda ama Hogaankoodu?!
Labadaan quwad oo loogu talagalay Dagaalka Niyad-Jabinta markay hirgasho waxaa la lagu fikirayaa sdii si ay tacmiim ama(polarization) ugu samyso Dadkii Dareenkooda. Duwitaanka Naceyb, waxa lagu sameyn karaa Saaaxiib, ama Koox, Dowlad Maamusha. ama koox laga tiro badan yahay oo Dowlad ka talisa sidii aad ugu dhiiragalin lahayd inay gooni isu taagan. Ama sidii qayb ka mid ah Qarankii ay Xanaaq iyo Cuqdad ugu qaadi lahaayeen Qayb kale.
Dariiq kale oo karaahiyada iyo Wareerka Cadawga loo qabo loogu Xawilo Dowlada iyo Kooxda Talada haysa, ayaa waxa uu yahay Qaabka ugu caansan, in laga dhaadhiciyo Dadka in Dowaldodu ay galayso Cadaalad daro iyo Falal Aqlaaq Xumo ah. Waxaa kaloo saamyn leh hadii uu antagonistuhu uu ka dhaadhicin karo Hadafkiisa (shacabka) in Hogaamiyayaashoodu ay u imaanayaan iyagoo ka dalbanaya inuu u magacaabo Wasiiro, Safiiro iyo mdaxda Dowaladooda!
Psychological Warfare
Dagaalkaanu waxa uu leeyahay magacyo badan waxana ka mdi ah MISO, Psy Ops, Political Warfare, “Hearts and Minds,” and propaganda. qeexitaankiisu “waa fal walba oo loo siticmaalo qaab nafsiyeed, oo looga gol leeyahay in looga dhaliyo Dad kale ,Ictiraaf ama ficiltan qorsheysan oo Nafsiyeed ”waxa la isticmaalaa habab badan oo kala duwan oo loogu tala galay sidii loo saameyn lahaa Dadka Hadafka ah Nidaamkooda Qiyamka (value system), Nidaamkooda Caqiido (beleive system), Caadifadooda (Emotions), afkaarta Riixaysa Qofka (Motives), Sababeyntooda (Reasoning), iyo Dabcigooda (Behivour ).
Waxaa loo isticmaalaa sidii dad looga heli lahaa Qirasho waxa ay Arin ka qabaan?! ama loogu Xoojin lahaa Afkaar iyo Dabci aad dooneyso. Mararka qaar waxa Weheliya Howlgalo ay ka mid yihiin Taaktiikyada; (Black Operatins) ama (False Flags), waxaa sidoo kale loo isticmaalaa taaktiikyo loogu tala galay in lagu Burburiyo Mooralka Cadawga iyadoo la isticmaalayo Taaktiikyo hadafkoodu yahay in la caburiyo Xaalada Cilmi-Nafsiga Ciidamada. Hadafka tooska ah waxay noqon karaan Dowlado, Hay’addo, Kooxo, iyo Shaqsiyaad. Tusaale oo kale (Sheekadii Word Vission, ma shaqaaleynayso Qof aan Masiixi ahayn ?! Laakiin Saaxiibkeen Cabdi Wali Gaas ayaa u yiri sidii ay rabeen!?taas macnaheedu waxa weeye No Value System, No Beleive System, no Motives? No Emotions in Pugland?………laakiin aniga I weydii? Shacabkii oo dhan usagaa iska soo qaaday? iyo Xamar Hawiyaa Leh?! Oo hirgalisay qorshe Dhagareysnaa oo ay lala maaganaa Xamar, laakiin qaabkeedaan ayaa marxaladaan u fiican, nooca kale waxa uu ahaan lahaa yaan-lakala-dhamaan?! Baaxada uu leeyahay Fashilkoodu waxa aad ka dheehan karnaa Foolxumada (false flag) ay isticmaalayaan!!!!
Sida uu ku qoray Bugiisii Mr Jacques Ellul uu ugu magac daray (Propaganda: The Formation of Men’s Attitudes (Borobogandada: Qaabeynta Afkaarta Insaanka) ayuu wuxuu leeyahay “Dagaalka Nafsiga ah waa Siyaasad Guud oo Nabadeed oo ay isticmaalaan Dowladaha, waa Weerar aan Militari ahayn. Noocaan Borobogaando waxaa loogu talagalay inay Qalajiso Ra’yiga Guud ee Cadawga, iyadoo Qabsata Awoodii Dowlada ee Ra’yiga Guud. (Rayi Guud Soomaalidu leedahay )Waa Dagaal ay adag tahay in layska Difaaco, Maxaa yeelay ma jirto Maxkamad Cadaalada Aduunka ah oo kaa Waardiyeyn karta Weerarada Cilmi-Nafsiga ah.
Dariiqa kaliya ee aad isku difaaci karto, waa adigoo isticmaala Isla Dagaalkaas oo kale! (Sow lama gaarin inay isticmaasho Dowlada Soomaaliya Isla-Dagaalkaas) waa Culeys Dulsaaran Dowlad Walba, inay iska difaacdo Weerarada Cilmi-Nafsiga ah. Sida Darteed ayaa Shaqsiga Borobogaandada Faafinaya uu ku Jiraa Dagaal Cadawtinimo leh oo uu rabo inuu ku burburiyo Mooralka dadkale isagoo isticmaalaya Weerar Cilim-Nafsi ah, si Cadawgu uu uga Shakiyo waxa uu Aaminsan yahay iyo Ficilkiisa ”
Meel walba oo ay ku tartamaan laba koox, Fursada Guushu waa yaraataa, marka Koox aysan Iimaan ku qabin Cadaalada Qadiyadooda, ama Fursada Guusha la Dhiiro-Dilo, ama u Mooral-Jabo, ama Rajabeel (disconsolate) ama, iskaashi-diid (unco-operative) ama Waxash, dabci xun oo xaraar leh! (sullen) ama Feejignaan daro (Inattentive) ama ay noqoto Caajisloow (lazy). Halkaan Moral-Jabinta waxa weeye in la yareeyo Fursada Guusha Cadawga, iyadoo laga Shaqeynayo sidii loo Dhiiragalin lahaa Afkaartaas (yacni, qaab kasta oo loogu yeeli karo Soomaalida inay yeeshaan Caadooyinkaas…….ama hala Isticmaalo Buufin, ama Tamwiim Miqnaadiisi, ama Daawo loogu daro Cuntada, Qaadka oo loo buufiyo, waxaan Shaki ku jirin in Dabeecadahaas inay jiraan, waxan sidoo kale Shaki ku Jirin, Siyaasadaha Rajiimka Woyane ay ku lug leeyihin Taaktikooyin Notorious-ah oo Muraaqabka Xorta ah gaarsiin kara meelo fog-fog )
Weerarada Cilmi-Nafsiga ah Waxaa loo fuliyaa laba Dariiq; Niyad-Jabin Mowduuci ah (demoralization through objective conditions) iyo Niyad-Jabin Fikradeed (demoralization through perception)
Tan hore, waxa ay badanaaba dhacdaa marka Dhinac lagu jabiyo Dagaal Caskari, taasoo markiiba ku yeelanaysa dhinaca la jabshay. Calaamadaha Niyad-Jabka Waxay sidoo kale ku imaan kartaa marka la waayo waxayaabihii Nolosha Daruuriga u ahaa.
Mooral-Jabinta Ogaalka, waa nooca badanaa la isticmalo oo ah Dagaalka Moral-Jabinta dhabta ah. inta badan waxa la isticmaalaa (Political Warfare) iyo ( Psychological Warfare) waa ay adag tahay in qaabkaan laga helo Qiyaase (gauge), si kastaba waxaa la isticmalaa Borobogaando qaabab kala duwan leh.
Borobogaandada waxay isticmaalaysa Calaamado Muhiim ah si ay u Saameyso Aaraada; iyadoo la isticmaalayo kuturi kuteen, Sheekooyin, Sawiro, Warbixino, iyo Meelaha ay Bulshadu ku xiriiraan. Noocyada kale ee Mooral-jabinta ee Dagaalka Siyaasadeed ama Cilmi-Nafsi (Political Warfare) and (psychological warfare ) sida Qiyaamda (Deception), marinhabaabinta (disinformation), wakaaladaha saameynta leh (agents of influence) foorjari ( forgeries) waxa loo isticmaalaya si uu uga shaki galiyo Saxsanaanta ficiladooda iyo waxay Aaminsanyihiin.
Waxaas oo Dagaalo ah ayaa ka socday Soomaaliya mudo aad u dheer, hadaf kasta oo Dhagarqabe ah waa lalao Dhex yimid Soomaaliya, waxa ka dhacay Dagaalo iyo Weeraro kala duwan oo muqda iyo kuwa aan muuqan. Kuli marka la isku wada duubo waxay noqdeen Sheeko Xariir?! Waxaan Shaki ku jirin inay Dagaaladaas ku bixisay Soomaaliya Qaymo qaaali ah. Si kastaba Natiijadii Eberka ahayd ee kasoo baxday Dagaaladaas, waxa ka Faa’ideystay Dowlado badan oo Caalamka ka mid ah ama hada ku jira ama ka baxay Duruufo u eg tan Soomaaliya. Isha ku god waa Barnaamij taxane noo noqon doona oo marwalba fooda galin doono boog walba iyo bugcad walba oo Gudaha Soomaaliya.