Shiribku waa suugaan qiimo wayn leh,oo kamid ah geeraarada,guuroowga,saarka,maansooyinka facawayn ee soomaaliyeed.waxaana aad looga isticmaalaa gaar ahaan gobolada koonfurta soomaaliya.hadaba waxa uu egyahay shiribku sidii qof sheekaynaya ama mararka qaarkood iska hadlaya oo aan wax macono iyo soo jiidasho leh aan samaynayn.laakiin dadka sidan u arkaa macnaha shiribkaysan aqoon iyo sarbeebta iyo xigmada ku jirta ee aadka u xiisaha badan.marka shiribku waa murte sare oo dalkeenu isticmaalo oo dhaqankeena kamid ah soomaaliyeed.waana muhiim,lagu ciyaaro,fariimaha xigmada leh laysugu gudbiyo,dalka lagu difaaco, bulshada wax loogu sheego. markaa waa muhiim shiribku.
Arhooy ayaan taan casimadii dalkeena walaxaa isoo gaar gaaraya odayaal kasoo yeeray,day hee dadaa marti baladkoodii ku ah ama day hee nimaa gurigiisii oow martihaa! muga warkaan waxaan ka iri arhooy.
Muqdisho waa muraayadii dalkee mininkiis ninkii martiyay meel ku sheeg?
waxaa kale oo bariga umadii soomaaliyeed wareeshay,ee dibada nalooga soo gamay dastuur ku sheeg iyo fadaraal,waxaa noo dheer dhibuu layimidoo umadii soomaaliyeed aw kala faquuqaahee day,aqaloow sheegaa aan ahayn aqal soomaali gaynii,midaa sareeye awyiri waa kasii darayoo midna waaba hooseeyaa awyiri.hadaanba u jeedo jahawareerkaan umadii la gashay,iyo dastuur shaydaan,aan kashiribnay anagoo ah day hee shacabka puntland oo nabada jecel iyo soomali wada jirkeeda. fiiri hee siyaasiyiinta shuqul nugumalaha waaba kuwa sharka wada oo gumaysiga u adeegaaya,raalina kama nihin dacwaana ka nahay. shartooda iyo waxay wadaana waa iska diidnay.day hee mogdisho shacabkeeda uma bogin baryahaan jiro fadaraal may ku daarteen.
waxaan ka iri arintaana
Aqalaa aqal ka sareeyo iyo foolxumo fadaraal xaad dhahdeen?
Aqal weyn anoo heli karaa buushash u doodku waa dabaal
fadaraal gumaysi aa ku gambanee warkaan mogdishooy xaad dhahdeen?
fadaraal fataxan ka akhrisanee falaarta xamar xagiina loo soo gamee xaad dhahdeen?
Shan shalay ninkii ii qayb shayaa sharkaan wadiyo sheekadaan.
Shilin nin doonayoo shaydaan wadaa gumayste noo adeegsanaa
Shoor dheer adigoon ku sii fogaan foolxumanta fadaraal faroole fiiri soow u yaal
Ridiisa caanaheed iyo risqiga eebahay faroole inuu fishaa ficiis aheed
wanaag diinta iyo dalkoon difaacniyo fadaraal oo aan diidno yaan rabanaa.
Warkaan waa warkii shacabka gobolada puntand soomaaliya ka imanaya kagana soo horjeedaan,fadaraalka oo ah gumaysiga cusub ee soomaaliya loo adeegsanayo iyadoo looga faa iidaysanayo maanta burburka iyo dhibaatada haysata.waa afkaaro laga soo raray shisheeye oo dhagar ah.wax aan soomaaliyaba shaqo ku leheen,dhaqan ahaan diin ahaan af ahaan,dad ahaan. oo aan nakhusayn weeye.baahi uma qabno mana rabno gabi ahaan tiiba cid nagu san dulayn kartaana majirto.mana doora nayno nin walba oo wata fidanadaa soomaali lagu kala dilayo oo lagu gumaysanayo.fadaraal waadiidnay mana aqbalayno.
shacabka puntland ee soomaali doonka ah ee lacaburinayo dr gaas iyo faroole iyo shaydaamadoodu haystaan jawab bay ka sugayaan mogdisho oo ah hoyga soomaaliyeed. boqolkiiba 80% soomaali way diiday fadaraal,dastuur xaqdara ah oo aan loo dhamayn ma rabno oo fadaraal ah oo gumaysi wado diidnay.shaqsiyaadka u adeegaya guumaysiga ee fikirkaa qabana diidnay dooranamayno. waxaa yaab ah in maamulo beeleedayada hada jiraa gaar ahaan kan puntland uu isku dayaayo maba awoodi karee in uu soo xulo xubnaha baarlmaanka,ogoow iyagana maamulo beeleedyada waxa u taliya gumaysi Eithiopia ay wakiil u tahay. markaa hadaad ma qasho maamul baa wax xulaya iska fahan eithiopiaa xushay oo rag ay wadato inooga dhigaysa baarlamaan soomaaliyed!!! laakiin madax Wayne xasan sheikh iyo raysal wasaarihiisa sharmaarke waxay sheegeen in odayaashii dhaqanku soo xulayaan xubnaha baarlamaanka. waxayna ku qoran tahay heshiiskii mogdisho.marka in qodobkaa ay puntland badasho yeeli mayno marnaba.7