Soomaaliyada oo madaxbannaanida qaadatay 1960, Muqdisho ama Xamar waxay noqotay magaalo madaxdii wadanka. waxa lagu jeclaa Nabadgalyada, Quruxda ama bilicda, iyo Cimilada wanaagsan . Inkastoo Nabad ku soo dabaalidda Mogadishu ayna fari ka qodnayn xiligan, Dadka soomaalida ahi marna muran kama keenin caasimad ahaanteeda. Maanta waxaa jira magaalooyin badan oo Nabadda iyo Quruxda kula tartami kara Xamar, sida Hargaysa, Bossaso, Borame, Garowe, Burco iyo kuwa kale oo buuxin kara shuruudaha ay ku noqonkaraan caasimada wadanka.
Si loo helo Dawlad Somaliyeed oo taaba gasha waa lagama maarmaan in laga gudbo in lagu tartamo meeshii Caasimad noqon lahayd xiligan, balse waa muhiin in caasimadu (Mogadishu) ahaato Nabad isla markaana leedahay Xeer iyo maqaam sida caasimadaha kale ee dunida.
Marka runta la taabto, waa magaalo leh:
1.Dhismayaal badan oo dawladdu Leedahay kuna filan dhammaan qaybaha maammulka. badankood dad baa haysta, welibana ay la tahay in ay cadow ka xoreysteen, amaba maadaama ay labaatameeye dabshid ka badan haysteen ay hantidooda tahay.
2.Degaano casri ah oo ku habboon degaanka Safaaradaha iyo ha’adaha caalamka ayagoo qaarkood horay ugu lahaa Dhul iyo dhismayaalba.
3.Naqshad degaan ( Town plan) oo ayna lahayn magaalooyinka kale badankoodu.
4.Airport Caalami ah oo ilaa xad Casri ah.
5.Waxay Hodan ku tahay oo ay dacalada ku haysaa, Degaan beera leey ah, kuwa xoola leey ah, iyo bad weynta india oo kaluun ka buuxo.
6.Waxay leedahay Biyo macaan oo ku habboon cabitaanka.
7.Hawo iyo cimilo aan kulayl na ahayan qabowna ahayn oo ku wanaagsan nolosha ibnu aadamka.
Haddaba, Soomaaliyeey, horaa loo yiri:
Hadii aan maskaxi talin, dhegtu maqal xumaha jira,indhuhu ma laha aragti.
Ayada oo maanta duruufaha jiraa yihiin kuwa dhib badan, haddana waxaa la yiri Libin Nin holiyaa hela.!!. Waxaa lagama maarmaan ah in magaalada Muqdishu si degdeg ah loogu sameeyo xeerkii (qaynuunkii) lagu hagi lahaa ee caasimad ahaaneed. waxay u baahantahay indheergarad geesi ah. oo aan dhegna u dhigin: Reer hebel buu u jeedaa ama Xamar waa deegaan reer qansax. ninkii maanta xamar xeer caasimadeed oo la jaan qaadi kara kuwa dunida kale u sameeya, ogoobeeey waa nin Somali isu keenaye. Meel aan sharci ku dhisnayn kuna shaqayn, Xarun Dawladeed ma ahaan karto, caasimadna haba sheegin.
Ugu horeynba haddii aan lagu tillaabsan in wax laga qabto Arimahan way adkaan doontaa in la guulaysto:
1.haddii aan la qeexin Maqaamka ay yeelanayso Caasimada (mogadishu),
2.Haddii aan dib u heshiin dhab ah loo samayn dadkii Muqdishu ku wada noolaa facyaal badan,
3.Haddaan si Soomaalinimo iyo walaaltino ku jirto loogu soo celin qaxootigii ka barakacay magaalada Guryahoodii,
4.Haddii aan hantidii Dawladda iyo Dadweynuhu lahaa shuruud la’aan la celin,
5.Haddii aan loo sinnaan Xukunka iyo ka-talinta Magaalada Mogadishu iyo Degmooyinkeeda ayadoo loo marayo Doorashooyin cadaalad ku dhisan.
6.Haddii aan la wada degi karin xaafadaheeda oo loo kala sheegto jifooyin,
7.Haddii aan dawlad iyo Dadweynaba la iska kaashan dib-u-soo-celinta nabaddii, bilicdii iyo haybaddii muqdishu lahayd,
8.Haddii aan talada iyo tusaalooyinka Dawladda iyo maammulka magaalada loo hoggaansamin , la lana shaqayn,
9.Haddii aan nabadgalyo waarta loo raadin magaalada sidii ay beri ahaan jirtay.
10.Haddii aan la xurmayn dadweynaha caalamka ee aynu xiriirka ganacsi iyo siyaasadeed la leenahay ee imaanaya kana dhoofya Magaalada.
11.Sidaas oo kale, haddii aan la dhawrin xuquuqda dibolomasiyiinta iyo shaqaalaha safaaradaha beesha caalamka ee degan magaalada Xamar, ma ahaan doonto caasimadii ummadeed, garna ma aha in loogu yeero meel dadka ka dhaxaysa.
Kala Qoqobka Gaalkacayo.
1. Waqooyi iyo koofurba, Gaalkacyo waa xudduntii Soomaaliya. Waxa ay geeddiyaal isle’eg u jirtaa: Hargeysa, Jigjiga, Boosaaso iyo Xamar.
2. Waxa aan arki jirey gawaari dhaadheer oo Astaanka taagan. Iyaga oo ka yimid janaale ama jowhar oo sida Moos iyo Qudaar waxay u gudbi jireen, Boosaaso iyo Hargeysa. Sidoo kale Kuwo xoolo nool sida waxay aadi jireen Boosaaso iyo Berbera, halka kuwo xoolo ama Qudaar iyo Baradho sida ka imaan jireen Jigjiga.
In kasta oo aan Mudug ka soo jeedo, haddana waxa aan qirayaa in Mudug ay ku sugan yihiin guurti haddii Siyaasadda dalka talo weyn laga geliyo ay Soomaaliya ku soo dabbaali karaan midnimo guud.
Saman ama waa, uu dagaal dhex maray laba beelood oo Gobolka Mudug wada degta ayaa nin la oran jiray Cigaal Caymo lagu qabtay dagaalkii, intii geed lagu xiray baa loo fariistay sidii laga yeeli lahaa, dabadeed Cigaal baa u qayshay raggii u tashanayay oo yiri, war xilahay dalaaqan baan waligay faq laga qarsane talada wax hala iga siiyo, markaas baa loo tagay oo la yiri maxaad oran lahayd, cigaal waxuu yiri, hadii maanta la i sii daayo, dagaalka labadan beelood dhex mara maantaa ayaa u dambaysa, oo is faham iyo is aaminid baa labada beelood dhex mari doonta. Cigaal waa la sii daayay, dagaalkiina sidaas buu ku dhamaaday. Sidoo kale Abwaan Ayax dhawre waxuu Gabay ku yiri.
“Haddii talo rag waa wada qabse mid iska qoondaysto Oo qaydka wiil yari dhifsado lagu qasaarawye.”
Xaashaa Lilaahiye Mudug dhowr maammul ma kala lahaan karto. Xaashaa Lilaahiye Gaalkacyo labo maammul ma kala lahaan karto. Mudug waxa ay u baahan tahay dibu-heshiisiin dhab ah, oo weliba ka madax bannaan siyaasadda. Cidda hawshaas dhabarka u dhigan kartaa waa bulsho weynta oo aan la kala reebin, guurti, haween iyo waxgarad kaleba.
Sidoo kale an is weydiinee, waa kuma aqoon yahanka, geesiga, waxgaradka, waddaniga inta Fagaare soo istaaga oranaya: “Mudug sidaas uma qaybsanaan karto. Gaalkacyo labo maammul ma kala lahaan karto. Adduunku waa isbeddeley. Weerta uu qof yiri waa qoran tahay, sooyaalka bayna ku ooli doontaa. Haddii aan la midayn maamulka magaalada.
Gaalkacayo oo ah silxiladii isku xiraysay wadanka, door keedii hore kuma soo noqonayso.haddii?.!!
1.Haddii aan dib u eegid iyo dhaqan galin lagu samayn heshiiskii Gobolka ee 1993 lagu gaaray magaalada Mogadishu.
2.Haddii aan dib u heshiisiin dhab ah loo samayn dadkii Gaalkacayo iyo Nawaaxigeeda ku wada noolaa.
3.Haddii aan hantidii dawladda iyo dadweynuhu la haa shuruud la’aan la celin.
4.Haddii aan la qaadin khadka cagaaran oo malo-awaalka ah.
5.Haddii aan garoommada diyaaradaha aan la midayn.
6.Haddii aan Taliska ciidanka Boolisku mid noqon.
7.Haddii aan la soo celin Magacii iyo sharaftii magaalada Gaalkacyo oo ahaa, Magaalo madaxda Gobolka Mudug.
8.Ogoobeey Taariikhdu waa xusi doontaa Xilalka ay hayaane xiligan Madaxweynayaasha Puntland & Galmudug oo ku wada Abtirsada Dhalashada Magaalada Gaalkacyo haddii ayna la imaan Isfahan iyo walaaltimo dhexdooda ah, isla markaana ka dhex Abuurin isa saamax iyo xalay dhalay Dadkii facyaal badan ku wada noolaa gobolka oo aan sina u kala go’i Karin.
W/Q: Abdullahi Ahmed Azhari
azhari101@gmail.com