Waxaa goobta lagu soo bandhigay Filim kooban oo turjumayay dadkii ku geeriyoday iyo kuwa ku dhaawacmay; shilkii magalada Muqdisho ka dhacay 30kiii bishii march ee sanadkaan 2016; ka dib markii bas ay saarnayeen macalimiin iyo arday isugu jirtay Turkiyan, iyo soomaali. rasaas lagu huwiyay iyagoo marayay xafada Taleex ee dagmada Hodan.
6 ka mid ah dadkii saarna baska oo iusugu jiray dhaqatirt, macalimin iyo arday oo ay weheliyeen darawalka gaariga, iyo turjubaan ayaa ku geeriyoday rasaastaasi. Kulankaas waxaa ka qeyb galay Wasiiro , Xildhibaano, sarakiil sar sare oo dowladda ka tirsan iyo qaar ka mid ah ehelada dadkii weerarkaasi ku geeriyoday,.
Muuqalka Turkidu ay ku soo badhigeen kulanka oo ay ka diyaariyeen dadkii ku geeriyoday iyo kuwa ku dhaawacmay shilkaasi. Ayaa qaar ka mid ah ka qeybgalayaasha kulanka baroordiiqda ah ay ilmeeyeen.
Mina Unal waa turkiyaan waxa ay la dhalatay, Khisir oo ka mid ahaa macalimiinti togashadaasi ku geeroyaday waxa ay ka hadashay sida ay u xanujisay markii ay maqadshay geerida walalkeed.
Wasiirka caafmaadka Xukuumadda Soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay in ay ayaan daro tahay in dad wadankooda ugu soo tagay sidii ay u caawin lahayeen shacabka soomaliyeed magaladaan dil loogu geysto; waxana ay xustay in falkaasi ay dowladdu horey u canbaraysay, isla markana ay la xanunsanayaan dhibatadi gaartay dadka rer Turkiga.iyo soomaalidaba.
Mr Bilaal waa aas aasaha Hey’adda Nile oo ah Hay’adi ugu horeysay ee soo gaartay dalka taas oo ka shaqeysa Waxbarashada, Caafimaadka, iyo gar-gaarka.
Waxa uu shegay, in dhibatada loogu geysanayo dardeed aysan marnaba u joojin doonin gurmadka ay siiyaan Soomaalida.
HALKAAN KA DHAGEYSO