DHAGEYSO:- Rugta Ganacsiga oo soo bandhigtay lacago ganacsatada Soomaaliyeed ay ugu deeqeen dhismaha wadada sodonka

0

Rugta Ganacsiga Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in ganacsiga kala duwan ee ka soo dega Dekadda Magaalada Muqdisho lagu kordhiyay Lacago cusub oo kumeel gaar ah,kwuaas oo ay Rugtu sheegtay in Ganacstada ay uga qeyb qaadanayaan Dhismaha Waddooyinka Muqdisho.

Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Muqdisho ayaa lagu shaaciyay in Ganacsiga sida Gaadiidka,Bagaashka iyo wixii kale ee la mid ah kiiba la saaray Lacago dheeraad ah si loogu dhiso Waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya Cabdi Abshir Dhoorre ayaa Warbaahinta u aqriyay qodobada ay ku heshiiyeen Ganacsatada Soomaaliyeed ee ay uga qeyb qaadanayaan dhisamaha Jidadka Muqdisho,waxaana uu intaa ku daray in Lacagahaasi Tariifada ah ay Kumeel gaar tahay Muddo Sanad ahna la qaadi doono kadibna dib u eegis lagu sameynayo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-